Home » Warar »

Dawladda Kiinya oo sheegtey in Hawl Galka Ciidamada AMISOM ku Biirineyso 4600 oo Askari

Wasiiru Dibadeedka Xukuumadda Nairobi Mosas Watngula ayaa markii u horeeyay ka hadlay Dagaalka Ciidamadoodu ay ku galeen Dalka Soomaaliya.Mr. Watanguula ayaa sheegey in Dagaalka ay ku galeen Ciidamadooda Dalka Soomaaliya uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee dalka Kiinya oo sida uu sheegay Caqabado ay kala soo gudboonaadeen Dhaq Dhaqaaqa Shabaab ee ka Dagaalama Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Kiinya la Cuna qabateeyay isla markaana Dagaal Naxariis la’aan ah lagu soo qaaday Dhaqaalaheeda taasoo waajib ku ah ayuu yiri in ay is difaacdo.Mosas Watangula oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa Raaciyay in Xukuumadda Kiinya Hawl Gal AMISOM ee Soomaaliya ay ku Biirineyso Ciidamo Tiradoodu ay gaareyso illaa Afar Kun iyo Lix Boqol oo Askeri kuwaasoo uu sheegay in qayb ka noqonayaan Hawl Galka dib loogu soo celinayo Nabaddii Soomaaliya.

Watangula ayaa intaa ka daray in Ciidamada Kiinya ay leeyihiin waaya aragnimo dhinaca Dagaalada isagoona soo qaatay Dalal dhowr ah oo ay Ciidamadoodu ka qayb qaateen Hawl galo Nabad Ilaalin ah.Wasiirka ayaa sheegey in ay ku farxsan yihiin in ay ku Biiraan Ciidamada Ugandha, Burundi iyo Jabuuti oo haatan hawl galo u jooga magaalada Muqdisho isagoona intaa sii raaciyay in Ciidamadooda ay hoos imaanayaan Taliska Ciidamada AMNISOM.

Ku Biiritaanka Kiinya ee Hawl Galka Soomaaliya ayuu sheegay wasiirku in ay soo Jeediyeen Dalalka ku jira Urur Goboleedka IGAD isla markaana loo gudbiyay qaramada Midoobay taasoo xoghayaha guud ee qaramada Midoobay uu sheegey in Usbuucan laansixin doono arrintan waa siduu watan guulaha Kiinya warka u dhigaye.Dowladda Kiinya ayaa waxa uu imanaayaa xilli maalmihii u danbeeyayba xukuumadda Kiinya ay si aad ah u hadal haysey arrimaha Soomaalaiya iyadoona hore ugu talisey in Diayaaradaha Dagaalka ee Heli Kobtariska ah in lagu biiriyo Hawl galka AMISOM ay ka waddo Gudaha Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.