Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Wasaarada Gaashandhiga ee Talyaaniga ay iskaashi wada shaqo la yeelan laheyd Wasaaradda Gaashandhiga ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixin dheer siiyey Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo ku aadan horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey soo celinta amniga iyo kala danbeynta, sida Xoreyntii Muqdisho, Jubbooyinka, Gedo iyo Beledweyn, Dadaalka Dowladda ee Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka (NSSP), iyo howlgalka ballaaran ee lagu xoreynayo dhammaan gobolada dalka ee ay Al-Shabaab joogaan.

Wasiirka Difaaca Talyaaniga Gianpaolo Di Paola ayaa si diiran u soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli una sheegay in Talyaaniga uu si aad iyo aad ah u xiiseynayo arrimaha Soomaaliya diyaarna u yahay inuu saacido. Gianpaolo ayaa ku ammaanay Ra’iisulwasaare Abdiweli horumarka baaxadda leh ee uu ka sameeyey soo celinta amniga, Xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda, Dib-u-heshiisiinta, Dastuurka iyo Roadmap ka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Labada mas’uul waxey isla garteen in Talyaaniga uu Saacido Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, tababaro loo fidiyo ciidanka, in dib loo soo nooleeyo ciidankii Cirka ee Soomaaliya iyo in dib u dhis lagu sameeyo Ciidankii Soomaaliya iyo Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka. Wasiirka Difaaca waxuu sheegay inuu diyaar u yahay in labo guddi ee labada wasaaradood ee gaashandhiga ay ka wada shaqeeyaan xiriirka labada wasaaradood.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.