Home » Warar »

Shariif Xuseen Roobow “Haddii aan nahay Xisbiga Hiil Qaran waxaan ka Xunahay in dadka Soomaaliyeed Xiligaan la iskugu diro Qabiil,Goboleysi iyo Diin.

Shariif Xuseen Roobow oo ah Masuulka Xisbiga Hiil Qaran ee Magaaladda Muqdisho ayaa maanta Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho wuxuuma Shirkiisa Jaraaid uga Hadley laba arimood oo ah Dilkii loo geystey Wariye Xasan Ciismaan Fantaastik oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Shabeele oo 28 dii bishaan lagu dley Magaalada Muqdiho iyo Qayla dhaan ku aadan Iska horimaayada ka soo cusboonaadey Waqooyi ilaa Koonfur

“Aad baan uga xunaha Dilkii loo gerystey Wariye Xasan Fantastik , Waxaana anigoo ku hadlaya Magaca Xisbiga Hiil Qaran aan halkaan Tacsi uga direynaa Qoyskii iyo Eheladii iyo Maamulka Idaacadda Shabeele waxaan leenahay Samir iyo Iimaan waxaa Xaqiiqo ah in Xasan ay dishey Gacan ka gardaran waayo Ma Hubeysneyn wuxuuna ahaa Qof Ummadiisa u shaqeynayey sida darteed Wariyayaashu waxay ka mid yihiin dadka la yiraahdo Bir Magaydada “ayuu yiri Shariif Xuseen Roobow oo dhan kale walaac ka muujiyey Dagaaladda ka soo cusboonaadey Waqooyi ilaa Koofur wuxuuna Yiri

“Ummmadda Soomaaliyeed waxaa la iskugu direy Qaab Qabiil. Qaab Goboleysi iyo Qaab diimeed bal fiiri waxaa ka bilowdey Gobolada Waqooyi Waxaa la iskugu direy Qaab Goboleysi , Sidoo kale Pundland waxaa iyana la iskugu direy Qaab Maamul Goboleed , eeg waxa ka socda Baledweyne Itoobiyaan halkaa bay dadkii soomaaliyeed ku dhibaateynayaan , sidoo kale Koonfurta u sii dhaqaaq waxaa Kenya ay Duqeyneysaa dadkii Rayidka ahaa ee aan waxba Galabsan , Fiiri waxa Muqdisho ka socda ee ay sameynayaan Ciidamada Amisom, sidoo kale Gobolada qaar waxaa ka socda Dagaal Diimeed marka waxaas oo dhan waxaan uga bixi karnaa inagoo isku duubnaano oo aan ogaano waxa soomaaliya ka socda ay yihiin faregelin shisheeye nooceey doonto ha noqoto”

Ugu dambeyn Shariif Xuseen Roobow wuxuu ugu baaqey Ummada Soomaaliyeed in ay garato Danheeda islamarkaanma iyadu isku tashato taa baa looga bixi karaa Dhibaatooyinka ay keeneen Qabiilka , Goboleysiga iyo Midka Diimeed sidoo kale Shacabka ayaa looga baahan yahay in ay ku waayo aragnimo qataan wixii soo marey 21-dii sanno ee la soo dhaafey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.