Home » Faallo »

Alshabaab intii la is watey maxaa wax loogu sheegi waayey?. Qeybta 1aad

          Qoraalkaan waxaa laga diray xarunta maamulka Jamaacada Ictisaam ee magaalada Muqdisho habeen sabti ah oo saacaddu ahayd 10:30 PM, taariikhduna ahayd 04 March 2006, taariikhdaas oo ahayd 13 beri ka dib markuu qarxay dagaalkii Muqdisho ee maxkamadaha iyo isbahaysiga, qoraalkuna wuxuu xambaarsanyahay warbixin iyo soo jeedin ku socota maamulada jamaacada ee dalka iyo dibadaba.

 FG: Waxaa jirey qoraal maamulka guud ee jamaacadu u qaybiyey maamulada jamaacada ee dalka iyo dibada 21kii Feb 2006 oo ahayd seddex beri ka dib markuu dagaalku qarxay; si loogu gudbiya xubnaha jamaacada, dadweynahana loogu wacyigaliyo. Haddii aan qoraalkaas helo waan soo galin doonaa, in shaa’ Allaah.

 

بسم الله الرحمن الرحيم

warbixin kooban iyo soo jeedin

 

Salaamun calaykum

                   Salaan ka dib walaalayaal waxaan idiin rajaynaynaa idinka, ahalka iyo walaalahaba khayr, annaguna – Alle ayaa mahad lehe – aad baan u ladanahay.

                   Walaalayaal qoraalkaan waxaan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan dhacdooyinkii Muqdisho labadii usbuuc ee la soo dhaafay, kadibna waxaan soo jeedinaynaa talooyin ku aaddan arrimahaas.

 Warbixin:

          Maalintii sabtida ee 18/02/06 ayaa lagaga dhawaaqay deegaanka Dayniile isbahaysi loogu magacdaray Isbahaysiga Nabadda iyo La dagaallanka Argagaixisada oo ay xubno ka yihiin toban nin oo sagaal ka mid ah la shaaciyey magacyadooda, waxaana ka mid ahaa:

1.     Max’ed Qanyare Afrax (wasiirka amniga qaranka)

2.      Muuse Suudi Yalaxaw (wasiirka ganacsiga)

3.      Cumar Filish (wasiirka diinta iyo awqaafta)

4.     Xaaraan ku naax (wasiirka dhaqan celinta maleeshiyada)

5.      Bashiir Raage ( ganacsade xiriir weyn la leh hay’adaha sirdoonka gaalada)

6.     Cabdi waal (oo ka mid ah raga dadka gaalada u dhoofin jiray, kuna tiirsan Qanyare)

7.      C/rashiid Ilqayte (ganacsade). Waxaa kale oo ku jira laba nin oo midna yahay Abgaal,kankalena Sacad oo aan ahayn dad caan ah. Ka dib waxaa si deg deg ah ugu biiray Maxamed Dheere (guddoomiyaha Jawhar) oo isagu naqdi kulul u jeediyay nimankaas markii hore, ka dibna jeediyay hadal ayidaad iyo kala qaybgal ah, taas oo loo fahmay in amar sare u yimid.

 Cidda ay la dirirayaan waxay ku sheegeen:

1.     Maxaakimta islaamiga ah

2.      dadka doonaya in ay dalka ku soo rogaan xukunka shareecada islaamka

3.      argagixiso shisheeye ah oo ku dhuumaalaysanaya Muqdisho

4.     dadka qarinaya nimanka argagixisada ah.

5.      niman ku soo tababartay dibadda oo argagixiso ah

6.      nimanka afka duubta oo dadka saraakiisha iyo aqoonyahanka ah dila

7.      Nimanka WAHAABIYADA ah oo iyagu la yimid manhaj ka soo horjeeda kan Soomaalidu haysato oo ah Shaaficiya Suufiyo ah.

8.      Mar kale waxay sheegeen in ay la dagaallameen ONLF iyo Oromo

 Isla maalintii lagu dhawaaqay isbahaysiga ayaa lagu soo qaaday duullaan fadhiyo ay lahaayeen ciidamada maxkamadaha islaamiga ah. Ka dib waxaa halkaa ka qarxay dagaal dhexmaray labada dhinac oo si buuxda loogaga adkaaday isbahaysigii duullaanka soo qaaday dhinac millatari iyo dhinac siyaasadeedba.

Waxaa ka dhashay dagaalkaas in uu xirmo garoonkii diyaaradaha Dayniile oo uu haystay Max’ed Qanyare, laguna durko deegaanadii ay joogeen isaga iyo Cabdi waal. Dagaalkaas waxaa si buuxda uga qayb qaatay bulshadii ku dhaqnayd Muqdisho gaar ahaan dadkii ehlu diinka ahaa oo xiray waddooyinkii, lana istaagay qoryo si aan gurmadka isbahaysigu isugu gudbin, waxay kale oo mawqifkooda ku muujiyeen xamaas, kaalmo, xagga ciidankana dad badan oo mutadawiciin ah ayaa goobihii soo dhoobtay.

Waxaa Rabbi dadka tusay cawradooda, waxaa kale oo jabkooda ka qayb qaatay qalabka warbaahinta oo si wacan ceebohooda u soo bandhigay, waxaana ka hadlayay arrimahaas Culimada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka kalaba.

  Asbaabta keentay in sidaa looga horyimaado nimanka waxaa ka mid ahaa:

1.     Iyagoo si cad u sheegay in ay la dirirayaan diinta iyo dadkeeda, isla markaana bilaabay duullaan hubaysan iyo duqayn ku wajahan magaalada.

2.     Iyaga oo aan awalba la jeclayn.

3.     Cidda lala dirirayo oo ahayd Maxkamadihii amniga ka shaqaynayay.

4.     Iyadoo isbahaysiga ay ka maqan yihiin rag muhiim ah oo ay ahayd in QANDARAASKA wax laga siiyo, sida Caato, Xuseen Caydiid iyo Gen. Galaal oo iyaguna mawqif adag ka istaagay isbahaysiga. Maxaa yeelay haddii diin la dirir kaliya wuxu yihiin maxaa annaga nalooka booday.

5.     Iyada oo qabaa’ilka Habar gidir u fahmeen in isbahaysiga loo samaystay in iyaga lagula diriro, taas oo keentay in ay si weyn uga hor yimaadaan is bahaysiga.

6.     Iyada oo duullaanka lagu soo qaaday deegaanka Habar gidir degto, taas oo keentay in ay caddaato tuhmadii ahayd in iyaga iyo diinta loo wada jeedo, illeyn haddii dagaalku diin kaliya yahay may xaafadaha ay haystaan ka bilaabaan.

          Waxaa soo baxay in qabiilka Murusade oo deegaankooda laga soo qaaday duullaanka ay iyaguna u qaataan in dagaalakaan ay Habar gidir ku qabsanayso deegaankooda iyo hubkooda; sidaa darteed waxay u gurmadeen Qanyare ka dib markii la jabiyay ciidankii isbahaysiga.

Waxay kale oo ka dalbadeen Midawga maxaakimta in dagaalka la joojiyo; maxaa yeelay waxaa ku baaba’aya, kuna barakacaya dadka rayadka ah. Waxay kale oo sheegeen in aysan taageersanayn isbahaysiga, isla markaana aysan ka reebi karin Qanyare isbahaysigiisa, isna uusan oggolayn in uu la xaajaysto maxaakimta, laakiin odayaashu waxay ballanqaadayaan in aan deegaankooda mar kale laga soo weerarin, ugu dambayntiina sidaas ayaa dagaalkii lagu joojiyay iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo dareenka qoyskaas.

Waxaa kale oo aad u muuqday in qabiilka Habargidir gaar ahaan Cayr si buuxda ugu jiro dagaalka iyagoo la saftay maxaakimta, waxaana ka yimid Kismaayo iyo inta ka sokaysa gurmad ciidan oo Cayr ah, taas oo keentay in dad badani ku doodaan in dagaalku mid qabiil yahay, waxaase si cad u beeniyay arrintaas labadii dhinac ee dagaalku dhex maray (maxkamadaha iyo isbahaysiga), sidaas oo ay tahay ayaa maxkamadda Murusade sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka, uuna yahay mid la marin habaabiyay isniintii ka dib oo ujeeddoooyin kale lagu wato (Fiqi tolki kama janno tago), waxaanse filayaa in aysan saamayn weyn ku yeelan bulshada.

            Waxyaabaha kale ee ay tahay in la soo qaado waxaa ka mid ah in ay maxkamadaha ku daaban yihiin dad kale oo ay is hayaan qolayaha isbahaysiga, sida X. Abuukar Cumar Caddaan oo Bashiir Raage uu ka qabsaday hub iyo fadhiyo uu ku lahaa dariiqa dekadda Ceel-macaan. Waxaa kale oo ka mid ah Yuusuf Indha cadde iyo Cayr-ka kale oo doonaya in ay difaacdaan gobolka Sh/hoose gaar ahaan airport-ka Balli doogle oo wararka qaar sheegayaan in isbahaysigu doonayo in uu ka qabsado intaba, sidaa darteed waxaa muuqata in dagaalku si ballaaran u soccon doono, ayna isu hub uruursanayaan labada dhinacba.

       Wararka qaar waxay sheegayaan in ay madaxda isbahaysigu u amababaxayaan Adis ababa, hadda ka horna waxaa u yimid saraakiil xabashi ah, waxaa kale oo si is daba joog ah u imaanaya qaar ak mid ah hay’adaha sirdoonka ee gaalada, magaaladana waxaa dul heehaabaya dayuurado, inta badan maalinta jimcaha ah yimaada, dadka qaarkoodna ay u fasirayaan in uu xilligaas joogo madaxa ciidanka Maraykanka ee Geeska Afrika .

 Xagga mawaaqifta aan ka istaagnay dhacdooyinkaan:

1.     In cadawgeennu yahay Gaalada oo isku dayaysa inay bulshada muslinka ah iyo diinteeda waxyeelayso, ayna adeegsanayso wasiilo kasta oo ay ku gaarayso arrintaas oo ay ka mid tahay in ay adeegsato dad calooshood u shaqaystayaal ah oo guushooda iyo guul darradooduba iyaga u noqonayso guul.

2.     In isbahaysigaani yahay mid u adeegaya cadawgaas, waxa socdana uu yahay XARBI BIL WAKAALA oo ay duullaankaan ku matalayaan Gaalada ay Qandaraaska ka qaateen.

3.     In aysan xikmad ahayn in aynu dagaal ku dhammaano iyada oo cadawgii aan waxba gaarin ee uu ina daawanayo.

4.     Sidoo kale in aysan xikmad ahayn in aynu isku baaba’no dad wax ma garato ah oo Qandaraaslayaashu soo uruursadeen, ugu dambayntana ay gaaladu isku jimlaynayso inta ka dhimata labada dhinac.

5.     In ay guul darro weyn inaku tahay in aynu isku dhammaano dadkii aynu iyaga cadawga ka horgayn lahayn.

6.     In ay lagama maarmaan tahay in la hor istaago duullaanka gaalada loogu adeegayo oo bareerka ah af iyo addinba, laakiin ay lagama maarmaan tahay in loo dhaqmo ( see xeego loo xagtaa ilakana ku nabad galaan).

7.     Sidaa darteed waxaan ku tashanay in la qaado tillaabooyinkaan:

a)    In laga shaqeeyo sidii dagaalka loo joojin lahaa, oo cid kasta oo lug ku leh loogu qancin lahaa arrintaas.

b)    In aannu samayno duruus iyo baraamij ka baxaysa idaacadaha oo aan ku wacyigalinayno bulshada oo ay ka mid yihiin Maxaakimta, qabaa’ilka, Mooryaanta dagaalamaysa iyo kuwa galay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

c)     In aan tafniidino shubhooyinka iyo sheegashooyinka isbahaysigaas ku gabbanayo, dadkana loo tawjiihiyo si waafaqsan sharciga iyo maslaxaddooda.

d)    In la siiyo maxaakimta iyo dadka kale oo ku hawlan arrimahaan talooyin iyo taageero kalaba oo macnawi u badan.

e)     In looga digo bulshada dhagarta loo maleegayo, loona muujiyo khataraha soo fool leh iyo meelaha dadka laga dagi karo ee ay tahay in la iska awdo.

8.     Mustaqbalka sidii laga yeeli lahaa hawlahaan oo kale gaar ahaan deegaanadaan waxaan la sugaynay in ay isu yimaadaan duqow badan oo qaar ku mashquuleen GURMADkii abaaraha, qaarna safaro jireen, kulankaas ka dibna waxaa la soo saari doonaa sida loola dhaqmayo arrimahaan oo kale.

9.     Waxaan u soo jeedinaynaa maamulada mandiqadaha iyo aqaaliimta:

a)    in ay qaadaan tillabooyin ay kaga gaashaamanayaan dhacdooyinka noocaan oo kale ah illeyn qaylo warmokama tunmaane.

b)     Waxaan u soo jeedinaynaa manaadiqdu in ay si rasmi ah u caddeeyaan mawaaqiftooda ku aaddan waxyaabaha noocaan oo kale ah, taas oo looga hortagayo in dad aan inala talo ahayn ku dhaqaaqaan falal aan sharciga ama maslaxadda waafaqsanayn dabadeedna loo saariyo dacwadeenna wax aysan lug ku lahayn.

c)      In dadweynaha la wacyigaliyo, dhalinyarda iyo dumarkana la siiyo wacyigalin gaar ah oo ku aaddan arrimahaan, loona sharxo mawqifka rasmiga ah ee aynu ka leenahay. Sidoo kale in bulshada la tuso xumaanta falalkaas.

d)    in la hubiyo dhaqdhaqaaqyada laga dhex samaynayo dhalinyarada saxwada, lana joojiyo wixii aan waafaqsanayn sharciga iyo maslaxadda diinta iyo dadka.

e)     In dhalinyarada dacwada looga digo dad ku soo dhex dhuunta oo muuqaalkooda isu yeela, ka dibna fuliya ama ka dhaadhiciya shabaabka waxyaabo u adeegaya cadawga ummadda iyo diinteeda.

f)      In aad loogu adkeeyo dadka in ay ka dambeeyaan kuna kalsoonaadaan culimada, aysanna ku dhaqaaqin wax ficil ah oo raad ku yeelan kara dacwada iyo maslaxada bulshada iyagoon talo ka haysan culimada.

g)    In aan culimada iyo hoggaanka dacwadu iska indha tirin dhacdooyinka khuseeya diinta iyo bulshada, haddii ay sida xaqa waafaqsan iyagu dadka u sheegi waayaanna dad kale ayaa si qaldan ugu fasiraya dhacdooyinka.

10.                         In ay ku talagalaan masuuliyiinta dacwadu in guusha laga gaaray dagaalka ay soo qaadeen kuwa cumalada ahi ay keeni karto in dhallinyaro xamaasaysani qaadato talo ah meel kasta oo ay joogaan aynu sidaa oo kale yeelno oo ay markaas khalal amni ah u gaystaan bulshada muslinka ah.

11.                         In si wanaagsan looga dhaadhiciyo duqowda, maamulka iyo waxgaradka dalka waxa aan doonayno, mawaaqifteena ku aaddan arrimahaan oo kale, laguna wacyigaliyo sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in loo adeegsado sida kuwa Xamar jooga.

 Waxaan codsanaynaa in naloo soo gudbiyo wixii talooyin ah, ducadana ha naloo badiyo, idinkana waxaan idiin rajaynaynaa khayr oo dhan. Marka kulanka aan qabanona waan idan la soo socodsiinaynaa ajandayaasha, idinkoo nagu saacidi doona talo iyo waxqabadba.

 Xafiiska guud ee maamulka jamaacada Ictisaam

Muqdisho 04/03/2006

Sh. Axmed Cabdisamad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.