Home » Faallo »

Weligeyn Ma Sibraar Baynu Ahaaneynaa !!Barbar Dhac 21Sanno iyo 21 Sanno

26-kii bishii Janaayo 1991-dii waxaa waqti habeennimo ah madaxtoonyada Villa Somalia isaga cararay hogaamiyihii Milatariga ee Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre kadib markii Jabhado isbiirsaday oo ay hogaamineyso Jabhaddii USC kacdoon hubeysan ay kaga tuureen xukunkii jiray 21-ka, waxayna dadka intooda badan niyadda geliyeen in uu isbedel dhici doono, xiligaa waxaan ku sugnaa degmada Huriwaa, waxay indhaheygu qabanayeen carruur yar yar oo hub gacmaha ku sita, mid ka mid ah ayaan ku iri “Adeer waa maxay hubkaa?”, waxa uuna igu yiri “Xarunta Madaxtoonyada ayaan ka soo qaatay”, naxdin iyo walwal ayaa igu beermay, waxaana hoosta ka xariiqday qaabka dadka hubka looga dhigi doono maadaama la wada bililiqeystay xarumihii Ciidamada, Jabhaddii USC markaa ma jirin wax qorshe ah oo ay ku badbaadinayaan xarumihii ciidamada balse dhinacooda ayay ka bililiqeysteen, waxaana soo baxay ifafaalo qabyaaladeed.

Intaan xukunka laga tuurin Max’ed Siyaad Barre ayaa Gen. Max’ed Cabdi allah u naxariistee oo ka soo jeeday Beelaha USC ayaa markay jabhaddii USC soo mareyso Degmada Jowhar ayaa Odoyaashii iyo Siyaasiyiintii Beelaha Hawiye waxay ku yiraahdeen “Adigaa Jeneraal ahee soo indha-indheeyey xaaladda Jabahadda”, waxa uuna markiiba tegay degmda Jowhar waxayna indhihiisu qabteen Warshaddii Sonkorta ee Jowhar oo la bililiqeysanayo oo xitaa lala baxayo birihii, Jananku inta uu yaabay ayuu dib u soo laabtay, waxa uuna shir la qaatay siyaasiyiinta iyo odoyaashii beelaha Hawiye xili ay ku shirsanaayeen hoteelkii burburay ee Towfiiq, waxa uuna hadal ka bilaabay hubka aanu qaadano oo aanu ka hortagno Jabahaddaha soo socda, odoyaashii inta ay yaabeen ayay yiraahdeen “War Jeneral ma laguu yimid mise Maskaxdaada ayaa is bedeshay”, waxa uu ugu jawaabay “Meesha wax wanaagsan kuma soo arkin, dadkaan soo arkayna uma bisleyn wax dowladnimo la yiraahdo”, warkii Odoyaasha iyo Jeneraalka is dhaafsadeen ayaa banaanka u baxay, waxaa dhacday in Jeneraalkii hoos xabad loogu dhigo isagoo la leeyahay waa FAQASH ee ha la dilo waxaa ka mid ahaa hadaladii laysla dhex maray xiligaa “Waxa uu u shaqeeyaa Max’ed Siyaad”, waxaana amar lagu siiyey in uusan imaan goobaha ay ku shirayaan. Gen. Maxamed Cabdi waa iskaga dhaqaaqay waxa uuna niyadda ka saaray in uu wax taageere ah siiyo jabhaddii USC maadaama aysan u muuqan dad dowladnimo raba.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Haddaan dib ugu laabanayo taariikhda Max’ed Siyaad Barre waxa uu ahaa nin aad ugu firfircoonaa dhinaca ciidamada, dadkii la soo shaqeeyey waxay inoo sheegeen in uu ahaa nin aad u jecel in uu waxa uu doonayo ka dhabeeyo, taasina waa midda keentay in 1969 uu xukunka dalka la wareego kadib markii uu ku qabsaday afgambi milatari iyadoo ay gacan siinayaan saraakiil kale, waxaana afgambigaasi soo dedejiyey markii dowladdii rayidka ahayd ay si aad ah ugu fogaatay arrimaha dhinaca qabyaaladda, waxayna shacabku taageere siiyeen Gen. Max’ed Siyaad, dadkuna waxay qaadeen wadadii uu u jeexay, waxa uuna bilaabay in uu ka shaqeeyo horumarinta dalka Soomaaliya, hase yeeshee Max’ed Siyaad Barre waxa uu galay 1977 dagaal aan laga fiirsan oo u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya basle markii dagaalkaasi lagu fashilmay Max’ed Siyaad Barre waxa uu saaxiibaddii u soo bandhigay in uu doonayo in uu xukunka wareejiyo sida ay qireen qaar ka mid ah saraakiishii la shaqeyneysay xiligaasi, hase yeeshee waxaa arrintaasi hor istaagay oo Max’ed Siyaad Barre ku diiday go’aankaasi ragga qaarkii kadib markii ay sheegeen in aan xiligaasi laheyn cid uga wanaagsan xukunka, wixii markaa ka dambeeyey Max’ed Siyaad Bare waxa uu lugaha la sii galayey dhiiqo, waxa uuna bilaabay in uu dad badan xabsiyadda ku guro, qaar la masaafuriyo, qaar ay dalka isaa cararaan, waxayna dadka qaarkii sheegeen in xiligaa haddii uu Maxamed Siyaad xilka wareejin lahaa ay Soomaaliya wax weyn iska bedeli lahaa.

Max’ed Siyaad Barre waxa uu geeriyooday 2-dii Janaayo 1995, isagoo ku geeriyooday dalka Nigeria waxaana lagu aasay degmada Galbahaareey ee gobalka Gedo oo ah deegaanka uu ka soo jeedo Max’ed Siyaad Barre, inkastoo Max’ed Siyaad intii uu talada hayey uu qaladaad badan ku kacay oo ay ugu horeysay markii uu toogtay 10 wadaad ee ka hor yimid go’aankii sinaanta ragga iyo dumar, waxaana maalinkaa culimada la tooganayey isku dhacay labo diyaaradood oo iyana qasaare gaystay, iyadoo saraakiishii ama madaxdii xiligaasi la shaqeyneysay Max’ed Siyaad Barre ay sheegeen in uu ahaa gefkii ugu weynaa ee ay galeen intii ay hayeen xukunka dalka, sidoo kale ragga siyaasadda u kuurgala waxay sheegayaan in Max’ed Siyaad Barre markii uu xiriirka u jaray Midowgii Sofiyeet markii uu dareemay in ay gacansiinayaan Dowladda Itoobiya, waxa uu damcay in uu xiriir la sameeyo Dowladihii reer galbeedka, hase yeeshee waxa uu arrinkoodu ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban.

Max’ed Siyaad Barre gabi-dhacleynta siyaasadeed ee ku dhacay waxay qayb ka qaadatay kacdoonkii lagu riday,hase yeeshee waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu xasuusto Max’ed Siyaad barre waxa uu ahaa qoraalkii farta Soomaaliga iyo waliba inuu dhidibadda u aasay ilaa iyo 40 warshadood, waxa uu dhisay wadooyin waaweyn oo ku yaala Magaalada Muqdisho iyo waliba dhismayaal kale oo intoodii badneyd ay cagta marisay Jabhaddi USC, wixii ka dambeeyey dhicitaankii Max’ed Siyaad Barre dalku waxa uu galay mar xalad aad u adag taas oo weli lagu jiro inkastoo dalka ka aasaasmeen dowlado aan taag laheyn.

Max’ed Siyaad Barre intii uu dalka xukumayey waxa uu jeediyey khudbooyin badan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Biyo sacabadaada looga dhergaa” isagoo markaasi sifeynayey in aad muhiim ah in la isku tashto maadaama dalku uu leeyahay kheyraad kala duwan looga maarmi karo in gacanta loo hoorsado wadamo shisheeye, waxaa kale oo ka mid ah hadalada natiijadooda hadda la arkay ee Max’ed Siyaad ka dhawaajiyey “Dhego Libaax ayaa idinka hayaa” oo ula jeedahay in haddii uu meesha ka baxo soo bixi doonaan dad aan u naxeyn dadka iyo dalka, sidoo kale Max’ed Siyaad waxa uu oran jiray “Dal waan ka tegayaa balse dad ka tegi maayo”, hadalkaan oo aad u qiimo badan ayaa Max’ed Siyaad waxa uu ku cabirayey sida uu dalka Soomaaliya u yahay mid barwaaqo ah oo ku filan ummadda Soomaaliyeed oo dhan balse waxa uu dhanka kale hadalkiisu shaaca ka qaadayaa in aysan jirin dad diiyaar u ah in ay ka faa’iideystaan dalkaan barwaaqada isla markaana fekeraya dhowranaya dalkooda. Habeenkii uu baxayey Max’ed Siyaad waxa uu ka dhawaajiyey “Dagaal Wiil kuma dhasho ee Wiil ayaa ku dhinta” isagoo ula jeeday in la joojiyo dagaalada. Waxyaabaha kale ee aan ka Xasuusto Hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “

Weligeeyn Ma Sibraar baanu ahaaneynaa” Sibraar haddii aan idiin Fasiro waa Weel Reer Miyiga Caanaha ku Shubtaan mararka qaarna lagu shubto Biyaha, Wuxuu ka sameysan yahay Harag la Jilciyey ,marka ereygaan qiimo weyn buu ku fadhiyaa waayo wuxuu Maxamed Siyaad ula jeedey “ Soomaaliyeey ha Noqon weel wax lagu shubto markasta ” waxaa Dhab ah in maanta ay taagan tahay Sibraarkii waxay umadda Soomaaliyeed Noqodeen Sibraarkaas aan waxna diidi kain waxna Ogolaan karin oo u taagan in weligii wax lagu Shubto marka Bal eeg sida Shisheeyuhu wax noogu meerinmayaan oo hadba Barnaamji ugu keenayaan Ummadda Soomaaliyeed , inta aan Sibraarkaas nahay weligeyn Dhibaatada ka biximeyno .

Dadka Soomaaliyeed waxay mudo ku duceysanayeen in Max’ed Siyaad xukunka laga tuuro balse kuma duceysan in hogaan wanaagsan oo daacad ah uu dalka la wareego, markii USC dalka qabsaday waxay dadku niyadda geliyeen in ay Qorax cusub u soo baxday oo barwaaqo lugta geliyeen balse ka Daroo Dibi Dhal wixii dhacay laysaga sheekeyn maayo, waxaana soo baxay Yaxaasyadii uu Max’ed Siyaad Shabaqa ku hayey oo cunay dad iyo dal, nin odey ayaa ku talinaya “Dadow isbedel keliya ha rajeynina balse isbedel wanaagsan ku duceysta waxaana 26-kii Janaayo ee Sannadka 2012-ka Buuxsamey 21 Sanno Bur bur iyo Halaag ah waxaa ka horeeyey 21 Sanno oo Xukun Adag ah marka arrintui waxay mareysaa 21 Sanno iyo 21 Sanno marka waa Barbar dhac Soomaaliyeey 42 Sanno idiin ku filan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.