Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka oo Jaamacadda Bariga Afrika ay xagaagii 2010 lagu siiyey macallimiinta dugsiyada sare ee magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, waxayna ila noqotay in dad badan ka faa’iidaysan karaan. Waa kan mulakhaskii dowradu:
Thaqaafada Islaamka (Islamic Culture)
Ahmiyadda iyo fadliga cilmiga
– Ilaahay wuxuu ku amray nabiga صلى الله عليه وسلم in uu Ilaahay cilmi kordhin weydiisto
( وقل رب زدني علما)
Sheekh Qurdubi wuxuu yiri: hadduu jiri lahaa shay cilmiga ka sharaf badan Ilaahay wuxuu nabigiisa صلى الله عليه وسلم ku amri lahaa in uu kororsiiyo u weydiisto sida uu cilmiga kororsiiyo ii weydiiso u yiri oo kale.
– Nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri: qofkii Ilaahay kahyr la doono diinta ayuu fahamsiiyaa
( من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين)
– Wuxuu kaloo yiri: aadanuhu hadduu dhinto camalkiisu wuu go’aa seddex mooyee ( sadaqo joogto ah, cilmi laga faa’iidaysanayo iyo ilmo wanaagsan oo u soo duceeya
(إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا من ثلاث: صدقة جارية، أو علم ينتفع به، أو ولد صالح يدعو له)
– Wuxuu yiri nabigu صلى الله عليه وسلم: waxaa idiin imaan doona qolyo cilmi doon ah ee markaad aragtaan ku dhaha: ku soo dhawaada dardaarankii rasuulka صلى الله عليه وسلم, waxna bara
(سيأتيكم أقوام يطلبون العلم ، فإذا رأيتموهم فقولوا لهم : مرحبًا بوصية رسول الله وأقنوهم ـ علموهم)
Baraarujin:
1. Barashada cilmiga diintu waa camal wanaagsan si Ilaahay ajar kaaga siiyo, kuuguna anfaco waxaad u baahantahay in aad Ilaahay dartiis u baratid, qasadkaaguna wanaagsan yahay ama aadan dan adduunyo ku doonayn.
2. Cilmiga diinta iyo tarbiyada islaamku qiime weyn bay ugu fadhiyaan ardayga, hadduu dhinacaas ku liitana waxaa dhici karta aqoonta kale inay uga sii darto oo uu u adeegsado wax dhibaya naftiisa, qoyskiisa iyo ummaddaba; sidaa darteed waa in macallimiintu ilmohooda iyo ardaydoodaba kula dadaalaan barashada diinta iyo tarbiyada islaamka.
3. Waa in la dareemo xilka weyn ee saaran macallinka iyo kaalinta weyn ee uu kaga jiro barbaarinta jiilalka dambe iyo horumarinta bulshada.
4. Waa in macallinka Soomaaliyeed dareemo in uu xambaarsan yahay xil labanlaab ah; waayo waxaa meesha ka maqan kaalintii hay’adaha waxbarashada dawladda, xilkii waalidkuna ma xoogbadna. Waxaa kale oo xilka ku sii cuslaynaya dhaqanxumada iyo duulaan miskexeedka lagu hayo dadkeena gaar ahaan da’yarta oo la doonayo in uu macallinku ka hortago.
5. Macallimiintu maadaama ay qabtaan shaqo qiimo badan, dadaal iyo waqti badana ay ku bixiyaan waxaa ku habboon in ay shaqadaas Alle ugu dhawaadaan oo ajar iyo janno ku doontaan. Taas waxay u baahantahay in niyad wanaagsan lala yimaado, shaqadana sida ugu wanaagsan loo qabto.
Qeexid iyo ujeedooyin
1. Thaqaafa (Culture) waxaa looga jeedaa: wadarta culuumta (Science), funuunta (Arts) iyo aqoonta guud (general Knowledge) ee la doonayo in lagu xeeldheeraado.
2. Thaqaafa islaamiya waxaa lagu qeexaa: in si wacyi leh loo ogaado tiirarka ay ku taagantahay ummadda muslimka ah oo ay weheliso falgalkeedii hore iyo kan hadda, tiirarkaas oo leh diin, luqad, taariikh, xadaarad, qiyam iyo ujeeddooyin mideeya.
Ujeeddooyinka loo darsayo thaqaafada islaamka:
1. In la caddeeyo macnaha guud ee thaqaafada islaamka, dhinacyada ay taabanayso, waxyaabaha ay kaga duwan tahay thaqaafadaha kale iyo meelaha laga soo qaatay; si uu u muuqdo faraqa u dhexeeya iyada iyo thaqaafadaha kale.
2. In macallinku awood u yeesho in uu kala sooci karo thaqaafada asalka ah iyo tan inoo soo dhuumatay, sunnada iyo bidcada, wixii islaamka ka soo jeeda iyo wixii jaahiliyada ka soo jeeda.
3. In thaqaafada islaamka loo soo bandhigo sidii ay u badali lahayd thaqaafadaha gaalo ee dunida lagu faafiyey.
4. In macallinku awood u yeesho in uu ka hortago duullaanka thaqaafadeed ee la inagu soo qaaday, uuna awood u yeesho gudbinta thaqaafada islaamka.
5. In la xoojiyo dareenka xiriir iyo walaalnimo ee ina kala dhexeeya muslimiinta kale, fartana lagu fiiqo ahmiyadda xiriirkaas walaanimo; si muslimku u dareemo ciso, isku kalsooni iyo inuu ka mid yahay ummad aadanaha hoggaamiye u ah.
6. In aynu aqoonteena iyo afkaarteena diineed u rogno dhaqan iyo akhlaaq; si aynu u cusboonaysiino xiriirka aynu diinta la leenahay.
7. In aynu muujino mawqifka diinteenu ka taagantahay culuumta aragtiyaha ah iyo tan tajribada ah (Theoretical and Applied Science), iyo in islaamka lagu kala hufo.
8. In la soxo fikradda qaldan ee hoos u dhaca muslimiinta ku sababaynaysa haysashada diinta; si loo caddeeyo in dibudhaca muslimiintu ka yimid ka tagista diinta ee aanu ka imaan qabsashadeeda.
Meelaha laga qaatay thaqaafada islaamka (masaadirta)
Masaadir Sharci ah:
1. Qur’aanka kariimka
2. Sunnada rasuulka صلى الله عليه وسلم (axaadiistiisa).
3. Axkaamta ay isku raaceen culumada muslimiintu (Ijmaac).
4. Qiyaaska ( masalo aan xugunkeeda la caddayn oo masalo kale oo xugunkeeda la caddeeyay lala wadaajiyey xugunka, cillada xugunka oo ay ka midaysan yihiin darteed).
Masaadir aqooneed:
1. Taariikhda islaamka oo ah weelka lagu kaydiyey acmaashii wanaagsanayd ee muslimiintu qabteen taariikhdii dheerayd ee ay diinta ku dhaqmayeen, isla markaana lagu kaydiyey mashaakilkii iyo caqabadihii ka horyimid intii ay jidkaa dheer hayeen iyo hababkii ay u xalliyeen mashaakilka ama uga tillaabsadeen caqabadihii ka horyimid.
2. Luqada carabiga oo ah luqada Qur’aanka kariimku ku soo degay, axaadiista rasuulkuna ku timid, culuumta diinta iyo taariikhda ummadduna ku xafidantahay. Taas oo ah luqadii xadaaradda, aqoonta iyo suugaanta muslimiinta.
Luqada carabiga iyo Soomalida:
Luqada carabigu marka laga soo tago arrimaha aynu kor ku soo xusnay:
a) waxay ka mid tahay luqadaha rasmiga ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
b) Waa luqad aynu u dhalanay oo ku abtirsano
c) Waxay inoo tahay luqad aqooneed; waayo waxbarashada diineed ka sokow ardayda ugu badan ee dibadda wax ka barata waxay wax ka bartaan dalal carbeed.
d) Waa luqad ganacsi; waayo tijaarada ugu badan waxay Soomaalida kala dhexaysaa dalalka Carabta.
e) Intaasoo dhan waxaa ka sii daran inta ay ceebtahay nin madax ah ama aqoonyahan ah ama isim ah oo carbeed, isla markaana laga tarjumayo ama walaalihiis kula hadlaya luqado shisheeye.
f) Ragga dhibsanaya luqada carabiga iyo magacyada carbeed, isla markaana luqado shisheeye ku hadaaqaya ama doonaya in carabiga la fogeeyo, luqadaha kalena la soo dhaweysto waxaa habboon in raggaas su’aalo badan la weydiiyo. Ka hortagga duullaan miskexeedkaasna macallimiinta waxaa ka saaran xilweyn.
3. Khibradaha aadanaha ee waxtarka leh; waayo muslimiintu wixii ay iyagu xadaarada ku soo kordhiyeen ka sokow waxay ka qaateen xadaaradihii kale ee jirey wixii waxtar u leh aadanaha; taas oo caddaynaysa in aysan iska hor imaanayn diinta islaamka iyo waxyaabaha aadanaha waxtaraya.
Waxyaabaha thaqaafada islaamku kaga duwan tahay thaqaafadaha kale:
1. Waxay ka timid xagga Rabbi, dadkuna wax lug ah kuma laha jideynteeda. Taas waxaa ka dhalanaya arrimahaan:
a) waa thaqaafad cilmi ku qotonta; waayo waxay ka timid Allihii dadkaan abuuray oo og wax kasta oo ay u baahanyihiin xilli kasta, meel kasta iyo xaalad walba, mana jidho cid uga xog-ogaalsan waxa addoomadiisu u baahanayihiin. Eeg warshaddu markay soo samayso qalab waxay soo raacisaa buug ka hadlaya sida loo isticmaalayo, waxyaabaha laga ilaalinayo iwm, dadkuna cidda qalabkaas soo samaysay way uga dambeeyaan oo laguma qabsado, lagumana khilaafo, garna maaha in kitaabkii Ilaahay soo raaciyey addoomadii uu abuurtay loo diido oo lagu dhaqo buug aadanaha qaarkood dajiyeen!.
b) Waxay ku taagantahay caddaalad; waayo Rabbi cid kasta iyo shay walba waxa uu mudan yahay buu ogyahay, mana u kala eexanayo addoomadiisa.
c) Waa la ixtiramayaa, waana laga haybaysanayaa; waayo muslimiintu waxay ogyihiin in Rabbigood sharcigaan dajiyey ee aan aadanuhu lug ku lahayn.
d) Waxaa jira abaalmarin aakhiro oo qofka muslimka ah ku xambaaraysa in uu fuliyo waxa lagu amro, uuna iska ilaaliyo khilaafisteeda; waayo wuxuu ogyahay hadduu khilaafo oo ka baxsado ciqaabta adduunka in aakhiro lagu ciqaabi doono, halka qaanuunka aadanaha khilaafiddiisa aan dadku aakhiro uga baqayn ee ay iska ilaalinayaan ciddii markaas ku shaqada lahayd.
e) Thaqaafada islaamku waxay waafaqsantahay fidrada aadanaha iyo caqliga toosan, mana laha wax iska soo horjeeda iyo wax is burinaya midna.
f) Waa wax fudud oo iska cad, cid walibana ay fahmi karto, lana falgali karto.
2. Waxay koobaysaa wax walba oo khuseeya nolosha addoomada:
a) adduun kaliya kuma saabsana ee waxay xambaarsantahay danaha adduun iyo aakhiro ee addoomada, waxayna ka hortageysaa waxyaabaha dhibaya adduun iyo aakhiroba.
b) Dhinaca axkaamta iyo qawaaniinta kuma gaar aha ee waxay xamabaarsantahay caqiidadii qofku aamini lahaa, cibaadadii uu Alle kula xiriiri lahaa, akhlaaqdii iyo dhaqankii wacnaa ee uu kula dhaqmi lahaa Rabbigiis, naftiisa iyo aadanahaba.
c) Waxaa kaloo ku jira qaybihii qawaaniinta oo dhan, sida: xeerka qoyska, xeerka madaniga, xeerka dawliga, xeerka distuuriga, xeerka maamulka, xeerka ciqaabta, xeerka ganacsiga iwm.
d) Waxay koobaysaa waqtiyada oo dhan (laga bilaabo markii ay soo degtay ilaa qiyaamaha) ee kuma gaar aha xilligii ay soo degtay kaliya. Dadka ku doodaya in diintu duugowdayna waxaa habboon in la weydiiyo: Yuhuuda iyo Kirishtaanka ayaa noogu yeera diimohooda, waxaana hubaal ah in nabiyadii loo soo diray ka horreeyeen nabigayaga ee haddii horrayn diin looga tagayo marka hore labadaas qolo ayaa naga diin horreeyaye iyagu kuwooda ha iska dhaafeen, ka dibna annaga iska dhaafa ha na dheheen, laakiin iyagoo diimo taayada kasii horreeyey haysta inay taayada duug ku sheegaan, tii ka horreyseyna noogu yeeraan ma garbaa?.
Tan kale dadka ku andacoonaya waa la hormaray aynu weydiino diintu ma waxay la hadashaa dadka mise walxaha dadku isticmaalo?. Haddii horumar la sameeyeyse waxa hormaray ma dadkaa mise waa walxaha?. Haddii walxaha iyo qalabkii la siticmaalayey la hormariyey dadkuna miyuu isu badalay sida alaabooyinka la isticmaalayo isu badaleen?, mise dadku waa sidii Alle u abuuray?. Tan kale waatan wax kastoo xasri ah la isugu bishaaraynayo wixii horena la durayee wax kastoo cusub ma wada fiicanyihiin?, wax kastoo horase ma wada xunyihiin?.
e) Waxay koobaysaa goobaha oo dhan ee kuma gaar aha deegaankii carbeed ee ay ku soo degtay.
f) Waxay koobaysaa aadanaha oo dhan ee kuma gaar aha rasuulka صلى الله عليه وسلم qawmkiisii kaliya, waana waxyaabaha rasuulkeenu kaga duwanaa rusushii hore oo iyaga qowmkooda kaliya loo diri jirey.
Tilmaamo:
1. macallimiinta sharafta leh waxaa laga doonayaa fahamka iyo macnaha guud ee duruusta thaqaafada ee ay qaateen.
2. su’alaha waxaa ku jiri doona kuwo afkaar guud ah oo ugu yaraan 10% noqon kara.
3. cinwaan kasta waxaa ka imaan kara su’aal.
4. su’aaluhu kuma koobna qoraalkaan ee daruusta macluumaadkii ku jiray way soo wada galayaan.
5. duruusta thaqaafada faa’iidadeedu maaha in imtixaanka darajo lagu qaato ee waa in ay faham ahaan iyo dhaqan ahaanba uga muuqato macallinka iyo ardaydiisaba.
Waxaan idiin rajeynayaa guul iyo horumar adduun iyo mid aakhiro.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.