Home » Warar »

Maxaa ka jira in Midowga Afrika uu Doonayo in Meesha uu ka Saaro Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow oo mar kale la qabto ..

Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka Dowladda Federaalka ka dib markii 12-kii bishii Desember Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka qaadeen Xilkii Shariif Xasan ayaa waxaa socda Dadaalo la doonayo in lagu Xaliyo Khilaafka Baarlamaanka waxaana wada Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rowling ka dib markii uu dhawaan kulama la yeeshey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madoobe Nuunow

Xildhibaan diidey in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado kana tirsan Xildhibaanada Dhexdhexaadka ka ah Labada Dhinac ayaa si Hoose iigu sheegey in Kulankii dhexmarey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo ergeyga Soomaaliya ee Midowga Afrika Rowling, wuxuuna Xildhibaanka uu ii sheegey in Shariif Xasan la weydiiyey in uu soo bandhigo qaabka ugu Hoboon ee lagu xalin karo Baarlamaanka wuxuuna sheegey in Shariif Xasan uu u sheegey ergeyga in uu ku taagan yahay Heshiiskii Kambala oo dhigayey in aan wax Mooshin ah laga keeni karin Masuu;liyiinta ugu sareysa ee Dowladda Federaalka “Haddi laga Tanaasuley Heshiiskii kambala ama la laaley aniga waa ka Tanaasulayaa Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka “ayuu yir Shariif Xasan Shiikh isagoo intaa sii raaciyey “Hadii aan baneeyo Xilka Kooxdii sheegtey In Xilka iga Qaadeen waxaa dhab ah in ay Xilka ka qaadayaan Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdi weli waayo Kooxdu waa koox isku baheystey burburka Dowladda Federaalka oo Qaswadayaal oo Fowdada jecel marka haddii aad tihiin Midowga afrika marnaba ha ogolaanina in in Dowladda Federaalka ay noqoto Dowlad Fowdo ah “

Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey Midowga Afrka in mar kale la qabto Doorasho aan Gacan taag ahayn oo Qarsoodi islamarkaana Doorashadaas ay Goob joog ka noqdaan Midowga Afrika , Qaramada Midoobey iyo Wadamada ku bahoobey Igad si loogu kala baxo uuna u dhamaadto wax uu ugu yeerey Fowdada iyo Qaska ka tagaan Baarlamnaanka

Rowling waxaa kaloo uu kulan la yeeshey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shariif Shiikh Axmed oo isna dhiniciisa wax laga weydiiyey qaabka uu u arko ama ugu haboon ee lagu Xalin karo Khilaafka Baarlamaanka wuxuu sheegey in Kooxdi Xilka ka qaadey ay tahay Koox ku xadgudubtey Heshiiskii kambla oo iyagu horey u ansaxiyey marka waxaa ku talin lahaa in wax laga qabto Kooxdaas oo uu ku tilmaamey mid Qaswadayaal ah oo dooneysa in mudada yar dooneysa sidaa la isku haysto waxaana idiin soo jeedinayaa in Gudoomiyaha Sharciga ee Barlamaanka uu yahay Shariif Xasan Shiikh Aadan

Madoobe Nuunow oo isagu Qaar ka mid ah Xildhibaanada u doorteen Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa isagana Sheegey in Loo baahan yahay in Midowga Afrika ay dhexdhexaad ka noqdaan Siyaasada Soomaaliya iyo Tan Baarlamaanka isagoo sheegey in Doorashadii dhacdey 12 Desember ee Sannadkii tagey ay hayd mid Sax n isla markaana Midowga Afrika laga doonayo in uu u hogaansamo Doorashadaas sidoo kale wuxuu sheegey in aysan marnnaba gorgortan ka geli Karin arrimaha Baarlamaaka islamarkaana Baarlamaanku yahay mid Xor ah

Xildhibaano ka madaxbanaan labada dhinac oo kulan la qaatey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u soo jeediyey in Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madoobe Nuunow labada Meesha laga saaro islamarkaana la doorto Gudoomiye Cusub oo ay goob joog ay ka noqoto Midowga afrika oo haatan galaan gal weyn ku leh arrimaha Soomaaliya maadama Ciidamo fara badan ay ka joogaan Soomaaliya waxaana lagu waramey in Masuuliyiinti ka socotey Midowga Afrika ay si aad u soo dhaweeyeen Fikirka ah in labada ninba meesha laga saaro taasoo Xildhibaanadu sheegeen in ay tahay Xalka keliya ee lagu dhameyn karo Khilaafka u dhaxeeya labada garab ee Baarlamaanka iyadoo warar aan ka helney dhinaca Taageerayasha Shariif Xasan ay si aad u soo dhaweyanayo in meesha la wada baneeyo oo la doorto Gudoomiye Cusub

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.