Home » Warar »

Waxgaradka Soomaaliyeed oo aad uga Xumaadey Warkii ka soo yeerey Boqortooyada Sacuudiga ee ay ku taageertey Howlgalka Ciidamada Kenya

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka Amakaak iyo layaab u noqotey war ka soo yeerey Dowladda Sucuudiga oo ah in Boqortooyada Sacuudiga ay taageersan tahay Howlgalka Ciidamada Kenya ka wadooaan Soomaaliya islamarkaan ay si aad u soo dhaweyneyso

Qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegey in aad uga Xumaadeen Hadalka Dowladda Sacuudiga ku taageerey Howlgalka Ciidamada Kenya ka wadaan Koonfurta Soomaaliya waxayna sheegeen in in Hadalka ka soo yeerey Safiirka Sacuudiga uu yahay mid ummada soomaaliyeed aysna aqbali doonin islmarkaa abuuraya in uu Xumaado Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga taariikhda ay gelin Doonto

“Boqortooyada Sacuudiga ma waxay taageertey Xasuuqa Ciidamada Kenya ka geysanyaan Soomaaliya maalin welibana ay ku dhimanayaan dad aan waxba galkabsan marka Boqortooyada ma waxay ka mid noqotey Dowladaha isku soo Baheystey Xasuuqa Ummadda Soomalaiyaad” ayuu yri Nabdaoon Cali Ismaacil Yuusuf oo sheegey in Dowlada Sacuudiga ay uga fadhiyeen in ay wax ka qabato Xasuuqa Ciidamada Kenya ay u geysanayan shacabka soomaaliyeed

Dhawaan ayey ahayd markii Safiirka Dawladda Sacuudiga u Fadhiya Magaalada Nayroobi Quraami Saciid oo maanta Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dawladdiisu ay taageereyso Hawl Galka Ciidamada Kiinyaanku ay ka wadaan Gudaha Dalka Soomaaliya,Danjire Quraami ayaa sheegey in Xarakada Shabaab ay tahay Caqabad ka jirta Dalka Soomaaliya taasoo uu sheegey in ay diiday in Nabad ay ka Islaaxdo Gudaha Dalka Soomaaliya.

Danjiraha aya sheegey ka sokoow Dhibaatada Xarakada Shabaab ay ka waddo gudaha Soomaaliya in sidoo kale ay Halis ku tahay ammaanka Wadamada kale ee deriska la ah Soomaaliya ,Darjire Quraami ayaa intaa raaciyay in Dawladda Sacuudigu ay taageereyso mar walba isna bar bar taagayso sidii Xarakada Shabaab loogu qaadi lahaa dagaal looga saarayo gudaha Soomaaliya.,Qúraami ayaa sheegey in xukuumadda Sacuudigu uu taageeray Shacabka Soomaaliyeed haatana diyaar u yahay sidii uu u sii wadi lahaa Kaalmada uu u fidinayo shacabka Soomaaliyed oo ay la darseen Dhibaatooyinkii ka dhashay Colaadaha iyo abaaraha Dabiiciga ah ee ku dhuftay Soomaaliya kal hore

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Waxgaradka Soomaaliyeed oo aad uga Xumaadey Warkii ka soo yeerey Boqortooyada Sacuudiga ee ay ku taageertey Howlgalka Ciidamada Kenya "

  1. somali says:

    maxay ula yaabayaan sucuudiga weligiisba wanaag ma samaynee. waa uun xumaantii lagu yaqaanay qeyb kamid ah tani