Home » Warar »

Xukuumadda Kiinya Boqol Maalmood ka dib Howgalkeedii Soomaaliya Maxaa u Qabsoomey

Cismaan Fiidow Cali “Howgalka Guuleystay ee Kenya Sheegtey ma Duqeynta Caruurta iyo Xoolaha”

Afhayeenka Xukuumadda Kiinya u qaabilsan Hawl Galka Soomaaliya ayaa maanta u waramay Jariidada The Stander oo ka soo baxda Dalka Kiiny afhayeenka ayaa ugu horeyntiiba Hadalkiisa ku sheegey in Ciidamada Keenya in ay galaan Soomaaliya in ay u sabab ahayd Xarakada Shabaab oo uu sheegey in dalka Kiinya ay gaysanaysey Falal isugu jira Dilal iyo Afduub loo gaysanayo dadka ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha Kiinya.

Afhayeenka oo war bixintiisa Cinwaan uga dhigay Boqol Maalmood kaddib maxaa u qabsoomay Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Hawl galo ay ciidamadooda ka fuliyeen gudaha Soomaaliya gaar ahaana Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose. ayaa sheegey in hawl galadaas Ciidamada Kiinya ay ka gaareen Guulo la taaban karo isla markaana ay wiiqeen waa siduu hadalka u dhigaye awooddii Xarakada Shabaab.

Afhayeenka Mr Saris Akuna ayaa hadalkiisa sii raaciyay mudadii ay Ciidamada Kiinyaanku ay wadeen Hawl galkaas in ay ku burburiyeen Gaadiid fara badan oo midka dagaalka ah oo ay Xarakada Shabaab lahaayeen isla markaana ay weeraradooda ku dileen Boqolaal ka tirsan Askarta Shabaab oo ay ku jireen Saraakiil Ajaaniib ah oo caawinayay Ciidamada Shabaabka.

Mr Akuna ayaa Farta ku fiiqay in Guulaha ay gaareen ay ka mid yihiin Degaanadii ay hore ugu sugnaayeen Ciidamada Shabaab oo ay kala wareegeen isagoona Tusaale u soo qaatay Faafax dhuun. Bilis qooqaani Buusaar iyo Degaano kale kuwaasoo uu sheegey in maanta ay ku sugan yihiin Ciidamadooda iyo kuwa dawladda oo is garabsanaya.

Afhayeenka ayaa sheegey in Awooddii Xarakada Shabaaab ay si wanaagsan u wiiqeen kuwaasoo uu sheegey in maanta ay ku soo Ekaadeen Weeraradoodaoo ay u bedeleen habka ku Dhufo oo ka dhaqaaq ah ,isagoona intaa raaciyay in Farsamadii Dagaalkooda oo ay bedeleen in macnaheedu yahay in laga adkaaday.

Mr Aguna ayaa ugu dambayntii sheegey in Xukuumadda Kiinya ay iminka qorsheyneyso sidii ay ula wareegi lahayd magaalada Kismaayo oo ah magaala madxda Gobolka Jubada Hoose halkaasoo iminka ay gacanta ku hayaan xarakada Shabaab.

Wararka ka soo yeerey Afhayeenka ayaa mooda in uusan sheegin Khasaaaha gaarey dhinacooda isla markaana ma faahfaahin Waxay ka faaiideen Howlgalkooddi Soomaaliya hase yeeshee tan iyo markii ay Ciidamada Kenya Soo galeen Soomaaliya Bishii Oktoobar 16 -keedi ee Sannadkii tagay ayaa dadka qaar qaba in 100 Maalmood Dowlada kenya oo garab ka heleysa Dowladda Kale in ay maanta tiraah Guul ayaa ka gaarney Howlgalkii Soomaaliya

“Waxaa Xaqiiqo ah in Dowlada Kenya ay ku fashilantey Gelistii Soomaaliya waayo waxaa Dalkeeda lagu qaadey Dagaalo iyo Qaraxyo , weliba laga soo afduubtey Saraakiil Sare waxayna ka badin weydey in ay Diyaaradaheeda Dagaalka ay garaacaan dad aan waxba galabsan sida Caruuta iyo Xoolaha bal fiiri Xasuuqii la dhacay Jilib ,kii Hoosingow , kii Baardheere kii Afmadow iyo midkii Ceel Cadde marka waxaa leeyahay Dowladda Kenya waad ku hungowdey Howlgalkaadii ee sida ugu dhaqsiyaha badan uga bax Deegaanada aad soo gashey inta ay goori goor tahay”ayuu yiri Cismaan Fiidow Cali oo intaa raaciyey “Kenya waxaan u sheegaya in Dalka Soomaaliya ay ku soo duuleen Mareykan Itoobiya iyo Amisom marka sida ay u fashilmeen kuwaas ayaa u fashilmi doontaa , waxaana leeyahay mar kale Kenya” Nin Ku jira Guri Muraayad ah ma dhagaxyeeyo nin ku jira Guri Dhagax ah ”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.