Home » Warar »

Dowladda KMG ah oo go’aan kasoo saartay dadka sida sharci darada ah ku heysta Hantida Qaranka

(Mogadishu 25th Jan 2012) .

Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa diirada lagu saaray dadka sida sharci daradda ah ku heysta hantida Qaranka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa daba socday kulan hore oo la xiriiray isla arintaan, kaas oo madaxdi kasoo qeyb gashay looga fadhiyay in ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku aadan sidi wax looga qaban lahaa arintaan.

Arinta baneynta xarumaha dowladda waxaan dedejiyay fulinta dhismaha iyo dayactirka 94 goobo waxbaasho oo walaalaha Turkiya maalgelinayaan.

Dood dheer ka dib, waxaa la go’aamiyay qodobadda soo socda:

1.In ogeysiis kama danbeyn ah la siiyo dadka degan xarumaha dowladda, kaas oo ka bilaabanaya maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 25, 2012 kuna eg Febraayo 5, 2012.

2.In cid kasta oo ku baneysa waqtiga loo qabtay loo fidiyo cafis, taasoo macnaheedu yahay in aan loo raacan wax danbi ah mudadi uu sharci darada ku heystay hantida dowladda.

3.In cid kasta oo ka dhega adeygta go’aankaan, iskuna dayda in ay sii heysato xarun dowladdeed marki la gaaro waqtiga loo qabtay xoog looga saaro, lana hor keeno sharciga si looga qaado xaquuqdi kirada ee dhamaan mudadi uu sharci darada ku deganaa. Madaxda kasoo qeyb gashay kulanka:

1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya

2. Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya

3. Gudoomiyaha Baarlamaanka

4. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

5. Gudoomiyayaasha Degmooyinaka Gobolka Banaadir

6. Taliyayaasha Ciidanka Xooga Dalka

Press Release Our Ref 15/PR/CO/12

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.