Home » Warar »

Bile Xuseen “Weerarka labada qof Maraykanku ku soo furtay waxa lagu qaaday Af-Duubayaashii oo hurda kaddib markii ay ruugeen Qaad”

Afduubayaashii labada qof laga soo furtay waxaa la weeraray ayagoo hurda kaddib markii ay cuneen Jaad, sidaas waxaa yiri Bile Xuseen oo sheegay in uu la hadlay burcad badeed ku sugan goobta weearku kadhacay oo u dhow magaalada Cadaado. Waxaa la diley sagaal, saddex kalena waa la dhaawacay….

Ciidaka Maraykanka ee loo yaqaan Navy SEALs ayaa habeenimadii Talaadada (Jan 24, 2012) ayagoo adeegsaanaay adiyaaradaha qummaatiga u kaca waxay soo furteen laba qof oo afduub loogu haystey Soomaaliya, labadaas oo qof oo midkood tahay 32-jir u dhalatay Maraykanka magaceeduna yahay Jessica Buchanan iyo 60-jir u dhashay dalka Denmark oo magaciisu yahay Poul Hagen Thisted.

Waxaa labadaas qof la afduubay October 25, 2011 ayagoo ku sii jeedey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo. Waxaana wararku tibaxeen in labadaas qof ee la afduubay ay u shaqaynayeen hay’ad Danish Refugee Council, gaar ahaan qaybta u qaabisan Miino ka saarida goobaha colaaduhu ka dheceen.

Wareegto laga soo saaray aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa sheegtay in Obama uu Isniintii ansaxiyey hawlgalkaas lagu soo furtay labada qof. Waxaana Obama sheegay in uusan u dulqaadanayn in Muwaadiniin Maraykan ah la afduubto.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in labada qof ay u af-duubnaayeen burcad, oo sida ay saaakiisha US sheegeen aan burcadaasi ka tirsanayn Al-Shabaab.

Nin magaciisa ku sheegay Bile Hussein oo telefoon kula hadlay hay’adda wararka ee AP ayaa sheegay in uu la hadlay burcad badeed ku sugaan goobta weerarku ka dhacay, waxana uu sheegay in sagaal la diley, saddex kalena la dhaawacay, waa sida warka AP u dhigay’e.

Wararka ayaa tibaaxay in hawlgalku bilowday labadii habeenimo ee saqda dhexe xilliga Soomaaliya. Waxaana weerarku ka dhacay meel 12 mile woqooyi kaga aadan magaalada Cadaado.

Waxaana Bile Xuseen sheegay in weerarku uu ahaa mid kedis degdeg ah oo lagu qaaday Burcad Badeedka ayagoo hurda kaddib markii ay ruugeen maandooriyaha la calashado ee loo yaqaan Qaadka oo kaddibna ay seexdeen.

Wararka ayaa sheegay in Soomaaliya meelo kamid ah weli afduub loogu haysto dhawr qof oo uu kamid yahay qof dalxiise ahaa oo u dhashay dalka Ingriiska, laba qof oo Spanish ah oo dhakhaatiir ah iyo weriye Maraykan ah oo la afduubay Sabtidii.

Isha: ABC, YahooNews, AP

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.