Home » Warar »

Wararkii ug Dambeeyey Qarax Nafhurnimo ah maanta ka dhacay Magaaladda Beled Weynoo Khasaarana ka soo gaartey Ciidamo Itoobiyaan ah.

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Saakey aroortii hore Xarunta Gobolka uu ka dhacay Qarax naftii hurnimo ka dib markii Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey uu galey Xarunta Gobola Hiiraan Xiligaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan oo dhawaan soo galey Magaalada Beled weyne

Qaraxaan oo si weyne looga maqley Magaalada Beled weyne ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaa in Khasaaro uu ka soo gaarey Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Xaruntaas waxaana durba Ciidamada Itoobiya Bilaabeen in ay xiraan dhamaan Wadooyinka Soo gala Xarunta Gobolka iyadoo Ciidamada Itoobiiya ay Magaalada ku soo rogeen Bandow

Xaerakada Al Shabaab ayaa sheegatey in Qaraxaasi uu fuliey Qof nafiii hure ah ka mid ah Xarakadda Alshabaab iayadoo Afhayeenkda dhinaca Meletariga Cabdi Casiis Abuu Macab uu sheegey in Qaraxaasi ay ku dileen ilaa 50 Askari ayna ku dhaawaacmeen ilaa 70 Askari oo isugu jira kuwa Itoobiya iyo Kuwa Dowladda Federaalka sidoo kale wuxuu sheegey in ay Qaraaasi ay ku gubeen laba gaari oo Ural iyo Gaari yar oo ay qaataan Saraakisha Ciidamada

Hase yeehsee wararka naga soo gaaraya halkaas waxay sheegayaan oo aan ka helney dadka Deegaanka Ciidamadda Itoobiya uu Khasaaro uu ka soo gaarey Qaraxaasi taasoo ay sheegeen in Garoonka Diyaaradaha ay soo gaareen ilaa laba Diyaaradood oo ah kuwa Qumaatoga u kaca si ay halkaa uga qaadaan Asarta ku dhimatey Qaraxaasi iyo kuwa ku dhaawacmey iyaoo magaalada lagu waramey in Ciidamada Itoobiya ay ka biaalbeen in ay qab qabtaan dad fara badan sidoo kale waxaa goobaha u dhow dhow halka uu qaraxa uu ka dhacay ay ka carareen dadkii degenaa iyadoo magaalada ay ka istaageen dhamaan dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo Gaadiid dadkana waxay ku jiraan Xaalad Cabsi leh

Qaraxaan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca Mgaaladda Beled weyne iyadoo 18-kii Juun ee 2009 waxaa magaaladaas ka dhacay Qarax ismiidaamin uu ay ku geeriyoodeen Wasiirkii Amniga ee Dowlada Fedraalka Cumar Xaashi iyo Saraakiil kale waxaana Qaraxaasi sheegtey Xarakadda Ashbaab oo dooneysey in ay ku hor istaagto Dhaqdhaaqyo ay wadeen Ciidamadda Dowlada Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.