Home » Warar »

Modoobe Nuunow oo shir Gudoomiyey Kulankii Baarlamaanka isla markaana Xukuumada Gaaz u qabtey Muddo Saddex maalmood in ay Baarlamaanka ku Horkeento Road Map-ka

Waxaa maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho damcey in ay ku kulmaan Xildhibaanadda Taagersan Shariif Xasan Shiikh Aadan hase yeeshe markii ay Warbaahinta ka maqleen ayaa Xildhibaanadda Taageersanaa Madoobe Nuuow ,markiiba ay is waceen waxaa Qola waliba ay dooneysey in aan looga hormarin Xarunta waxaa dhacay in Xildhiaano ka tirsan labada dhinaca ay Xaley ku Hoyeen Xarunta.

Xildhibaanadii taageersnaa Madoobe Nuunow ayaa iyagu noqdey in ay ku kulmaan Xarunta waxaa kulankooda uu shir Gudoominayey Madoobe Nuunow oo la doortey 12 kii Desember ee Sanadkii tagey Muran dheer ka dib hase yeeshee kulankii maanta ayaa qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ah in Xukuumada uu madaxda u yahay Dr Cabdi weli ay Baarlamaanka ku horkeento Muddo sadex Cisho ah Hanaanka Road Map-ka.

Sidoo kale Qodobada ka soo baxay Kulankii Maanta ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa in ay ka soo horjeesteen Shirka ka dhaca London oo ay ku tilmaameen mid la doonayo in Maxmiyad lagu geliyo Qaranka Soomaaliyeed iyadoo maalinta Berri ah WarbixIn laga dhageysan doono Xildhibaanadda kulanka kula qaatey Nairobi Masuuliyintii Ka socotey Dowladda Ingiriiska ee dhawaan yimid Magaalada Muqdisho

Inta aan loo kala Hormarin Xarunta Golaha Shacabka ayaa qaar ka mid ah waxay wareysiyoo siiyeen Warbaahinta aan ku horeyno Xildhibaan .Maxamed Waayeel oo ka mid ah Xildhibaanada sida aadka ah u taageersan Shariif Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in garabkoodu saaka u balan san yahay in halkaa ay shir ku yeesheen ajandhayaasha looga hadlayana ay ka mid tahay Miisaaniyadda Xukuumadda iyo arrimaha Road Map-ka.,Xildhibaankan ayaa sheegey in shirkooda ay qabsanayaan isla markaana uu ka soo qayb galayo Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan oo isagu shirka shir guddoomin doona.

Daahir Ciiro oo ka mid ah Xildhibaanada Taageersan Guddoomiyanimada Madoobe Nuunoow oo isaguna hadlay ayaa sheegey in Xalay ay maqleen in dhinaca taageersan Shariif Xasan ay doonayaan in saaka ay halkaa ku shiraan taasina ay tahay mid aan suurtoobi karin in Kulan uu Shariif Xasan Guddoominayo inuu halkaa ka dhaco.
Daahir ayaa ku Eedeeyay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaruhuba in ay qayb ka yihiin Fadqalalada laga dhex wado Barlamanka isagoona si gaar ah ugu Eedeeyay Ra’iisul wasaaraha in Miisaaniyaddii uu u gudbiyay Shariif Xasan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.