Home » Warar »

Warsaxaafadeed R.W. oo maanta la hadlay boqolaal Arday ah oo waxbarasho lacag la’aan ah dowladdu siisay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday dugsiga Maxamuud Mire kaasoo ay wax ka bartaan ku dhowaad 1,000 arday kuwaasoo si lacag la’aan ah wax ku barta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisan waxaa ku wehlinayay Wasiir kuxigeenada Wasaaradda Waxbarashada iyo maamuleyaasha iskoolka Maxamuud Mire, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu mid mid u gacan qaaday ardaydii halkaasi ku sugneyd wuxuuna sidoo kale booqday qeybaha xafiisyada iyo keydka iskoolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay shaqsiyaadkii gacanta ku hayay isla markaana badbaadiyay xilliyadii burburka wuxuuna ka sheegay goobta in maanta ay tahay maalintii ugu farxada badneyd maadaama uu hortaagan yahay boqolaal arday Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay mustaqbalkooda dhisaan waxbarasho lacag la’aan ahna heysta.

“Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa waxbarashada oo ah aas aaska bulshada, waxaadna la socotaan in ummad kasta ay horumarkeeda ku xirantahay heerka aqoonteeda” ayuu yiri R/wasaare Dr. Gaas oo tilmaamay in xukuumadiisu ay fursad u siisay arday fara badan in loo helo waxbarasho dibadeed oo lacag la’aan ah sida dalalka Turkiga, Sudan, Yemen iyo dalal kale oo haatan la filayo.

“Waxaan ku guuleysanay inaan balanqaad ka helno dowladdo kala duwan, waxaana ka mid ah balanqaadyadaasi dhismaha wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo dowladda Sucuudiga naga balanqaaday” ayuu yiri Mr. Gaas oo balanqaaday in iskoolka Maxamuud Mire ay u dayactiri doonto xukuumadu qeyb ka mid ah iskoolka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Dhinaca kale, R/wasaaraha ayaa kormeeray xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda oo la dayactiray isla markaana ay xafiisyo ka dhigteen Wasaaraddo dhowr ah oo ka soo guuray Wasaaraddii Harkaha iyo Saamaha wuxuuna R.wasaaruhu ugu baaqay Wasaaradduhu inay dardargeliyaan hwolaha bulshada ay u hayaan.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.