Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira Masuuliyiinta Dowladda Federaalka KMG oo isku Khilaafsan Qaabka loo shaandheynayo Xukuumadda Raiisul Wasaaraha DFKMG Dr Cabdiweli Maxamed Cali gaas, waxayna Saraakiil ku dhow dhow Madaxtooyada noo Sheegeen in 20 –kii Bishan uu Raiisul Wsaaraha uu doonayey in uu ku dhawaaqo isku shaadheynta Xukuumadiisa.
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa raiisul wasaaraha u soo jeediyey in Xukuumada Sideeda loo dhaafo ilaa laga gaaray Bisha Ogoosto ee Soo socota wuxuuna ku taliyey in wixii lagu dari karo lagu daro.
Raiisul Wsaaraha DFKMG ayaa doonaya in uu isku shaandheyntiisa ku koobo qaar ay ka mid yihiin Wasiirada ugu Tunka weyn sida Wasaarada Maaliyada, Arimaha Gudaha , Gaashaadhiga iyo Arimaha Dibada hase yeeshee waxaa ilo wargal ah sheegeen in Madaxweynaha KMG uu arrinkaas ka soo horjeestey islamarkaana ku adkeystey in Xakuumadda sideeda loo dhaafo hase yeeshee Raiisul Wasaaraha ayaa doonaya in uu magacaabo Wasiiro Cusub oo dardargeliya Hanaanka Road Map-ka oo la doonayey in mar hore la dhaqan geliyo balse Caqabado ka hor yimaadeen
Raiisul Wasaaraha KMG sidoo kale wuxuu Doonaya, sida ay sheegeen ilo wargal ah, in Dowladiisa uu ku soo biiriyo Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal kuwaas oo Raiisul Wasaaraha uu ka doonayo in ay Xoojiyaan Wasiirada Wasaaradaha maadaama ay hore u yaraayeen Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha.
Raiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxay Caqabad uga timid Gudoomiyihii Baarlamaanka ee Xildhibaanada ka qaadeen Xilka Shariif Xasan oo isagu doonayo in Wasiiradiisa dhinaciisa ka soo jeedo aan la taaban, isagoo ku doodaya in uu dhigayey Heshiiskii Kambala in aan la taaban Xukuumada inta laga gaaro Bisha Ogoosto 2012, wuxuu si gaar ah uga soo horjeedaa in Raiisul Wasaaraha uu taabto Wasiirka arrimaha Dibadda.
Isku shaandheynta Raiisul Wasaaraha ayaa markii Sadexaad dib u dhacdey ka dib markii uu batey Khilaafka Masuuliyiinta Sare ee Dowladda ,waxaana Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ay sheegayaan in Maalmaha soo socda uu doonayo in Raiisul Wasaaraha uu ku dhawaaqo isku shaandheyntiisa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@Yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.