Home » Warar »

Dowladda Mareykanka oo Qiratey in ay Bilaal Al Barjaawi ku Dileen Duleedka Muqdisho

Shiikh Cali Dheere “Bilaal Al Barjaawi wuxuu heley wuxuu Muddo Raadinyey ee Shahiidnimo Waxaan Dowladda Mareykanka u sheegeynaa in loo Aari doono”

Dowladda Mareykanka ayaa qirtey in Duleed Muqdisho ee loo barakacay ay ku dishey Hogaamiye Sare oo ka tirsan ururka Alqaacida 00 lagu magacaabo Bilaal Al-Barjaawi waxaana Dowladda Mareykankaa ay sheegtey in Dilakaas ay geysteen Diyaaradaha Iswada ee Drones-ka oo ka soo Duushey Maraakiibta Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliy

“Muddo aad u fog ayaan ku daba joogney Bilaal Al Barjaawi oo Haysta Dhaladda Ingiriiska kana soo jeeda Wadanka Lubnaan Wuxuu ka mid ahaa ragga ay Dowladda Mareykanka ay raadineysey Muddo dheer “ayuu yiri Afhayeen u Hadley Dowladda Mareykanka gaar ahaan Aqalka Cad mar uu wareysi siiyey Wargeyska Washington Post sidoo kale wixii sheegey in ay Baacsan doonaan kuwa kale ee ka tirsan Alqaacidda ee ku sugan Soomaaliya

Bilaal Al Barjaawi waxaa uu Soomaaliya yimid Xiligi Maxaakiimta wuxuu ka qayb qaatey Dagaaladii ka socdey Soomaaliya ee looga soo horjeedey Ciidamadii Itoobiya sidoo kale wuxuu ka mid ahaa Dagaalyanadii ka barbar dagaalamayey Xarakadda Alshabaab isagoo lagu waramey in uu Tiir Dhexaad u ahaa Xarakadda Al Shabaab

Afhayeenka Xarakadda Alshabaab oo ka hadley Dilkaas ayaa yir “Bilaal AL Barjaawi wuxuu heley Waxaa uu raadiney Muddo dheer ee Shahiidnimo Qof kastaa iskama helo Nicmadaas marka waxaa Gadaashiis soo bixi doonaa kuwa kale oo Buuxin doona Booska Bilaal sidoo kale waxaan u sheegeynaa Dowlada Mareykanka in Dilka Bilaal uusan u joogsan doonin Halganka Xarakadda AlShabaab islamarkaana Bilaal Loo Aari doono”

Tan iyo markii Xarakadda Al Shabaab ay Halkanka ka bilowdey soomaaliya Dowladda Mareykanka waxay Gacanteeda ku dishey Aadan Cayrow , Saalax Nabhaan iyo Fasuul Cabdalal ay Ciidamadda Dowladda ku dileen Duleedka Muqdisho sidoo darteed Dilalka Noocaan oo kale ah ma ku joogsan doonaan ama ma lagu hor istaagi karaa Ujeedooyinka Xarakadda Al-Shabaab ee ku dhaqanka Shareecada islaamka maadaama aysan Qarsaneyn Xarakadda Alshabaab Dilkasta oo Dowladda Mareykanka ka geysaneyso Soomaaliya sida uu marar badan ku celceliyey Afhayeenkooda Shiikh Cali Dheere.

Officials: US Drone Strike Killed Somali Insurgent

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@Yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.