Home » Warar »

Qaxootiga Soomaalida ee ku jirey Xeryaha Qaxootiga Kenya oo Bilaabaya in ay dib ugu soo Laabtaan Soomaaliya…

Tan iyo markii dagaalada Sokeeye ay ka qarxeen gudaha Soomaaliya ayaa waxaa jiray Kumanaan Soomaali ah oo dalka Dibaddiisa u Firxaday kuwaasoo ka cararayay Dagaalada ahliga ah ee Soomaaliya ka jira.

Qaxootiga ugu badan Adduunka ayaa waxa ay ku jiraan Xeryaha qaxootiga dalka Kiinya halkaasoo Kumanaan Kun oo Soomaali qaxooti ah ay ku jiraan Xeryaha Dhadhaab ee waqooyiga bari ee dalka Kiinya.

Qaxootiga Soomaalida oo muddo halkaas ku haystey nolol san dureerta ah ayaa iminka waxa ay ka fiirsanayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda ka gadaal markii ay soo food saareen Culeyso fara badan.
Xakiima Cabdi oo u hadashay warbaahinta Caalamka ayaa sheegtay in qoysas fara badan oo Soomaali ah in xiligan ay door bidayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.

Xakiima ayaa sheegtay in dalkoodii Soomaaliya ay uga soo carareen Dagaalo haatana ammaanka goobaha ay ku sugan yihiin ay soo xumaanayeen si joogta ahina ay uga dhacayaan Qaraxyo iyo Dilal.

Haweeneydan ayaa sheegtay in hay’adihii samafalak badankooda in ay halkaa isaga baxeen haatana waxa ay meesha ay ku haysteen ay iska yer yihiin iyadoona intaa raacisey in ay jireen qoysas badan oo go’aansaday in ay doonayaan in ay dalkooda dib ugu laabtaan.

Xaaladan ayaa imaanaysa markii Hay’adihii samafalka ee Xeryahaas ka hawl geli jiray ay joojiyeen hawlihii samafaleed ee ay halkaa ka hayeen sababo ammaan darri darteed ka gadaal markii qaar ka mid ahaa Shaqaalihii MSF halkaa laga afduubtay.

Dhinaca kalena waxaa si aad ah u yaraadey Raashiinkii gar gaarka ahaa ee la gaarsiin jiray Xeryaha qaxootiga Soomaalida ee Dhadhabaab kuwaasoo iminka ka fikiraya Nolol tan dhaanta.
Waa markii u horeeyay ee qaxootiga Soomaalida ee Xerada dhadhaab ay sheegaan in ay doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda walow Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga aysan weli ka hadal umuurtaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.