Home » Warar »

Xisbiga Hiil Qaran oo si kulul u Cambaareeyey Xasuuqa Ciidamada Kenya ka gaysanayaan qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya.

Xisbiga Hiil Qaran ayaa xaruntiisa Magaalada Muqdisho waxa uu ku qabtay shir jaraa’id balse ka hor inta uusan shirku bilaaban ayaa saxaafadda loo soo bandhigay sawirada shacab Soomaaliyeed oo diyaaradaha Kenya dhibaato ku gaarsiiyeen qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliya kadib markii 16-kii bishii October ee sanadkii hore ciidamada Kenya soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.

Shirkaasi jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay wakiilka Xisbiga Hiil Qaran ee Muqdisho Shariif Xuseen Roobow oo sheegay in Xisbiga Hiil Qaran uu aad uga xun yahay isla markaana uu cambaareenayo xasuuqa ciidamada Kenya ka gaysanayaan Gobalada Soomaaliya gaar ahaan Gobalada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo, isagoo sheegay in Ciidamada Kenya ay bartilmaameedsadeen goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah.

“Waxaa duulaan looga soo qaaday Soomaaliya Badda, Dhulka iyo Cirka, waxaana xaqiiqo ah in la doonayo in lala wareego dhulka Soomaaliya, taa waxaad ku garaneysaa kii Badda Kalluumeysiga u tagay waxaa lagu sheegay in uu yahay Burcad badeed, shacabkii dhulka ku sugnaana waxaa la yiri waa Argagixiso, taas miyeysan kuu caddeynin in la doonayo in la qaato dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri Shariif Xuseen Roobow oo intaas sii raaciyey “Eeg waxaa duulaan lagu soo qaaday Xuduudaha Soomaaliya siiba wadamada Kenya iyo Itoobiya, AMISOM waxay iyana qayb ka tahay duulaankaasi Soomaaliya ka dhanka ah, sow ma ahan qorshe fog oo la doonayo in lagula wareego dhulka Soomaaliyeed, ama lagu qaato dalka Soomaaliya”.

“Wuxuu Xisbiga Hiil shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay iska ilaawaan Qabiilka iyo Firqo Diineed ayna u soo jeestaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dhulka Soomaaliyeed ee duulaanka qorsheysan lagu soo qaaday” ayuu yiri Shariif Xuseen oo intaa ku daray “Xisbigu wuxuu aad uga xumaaday warkii Ra’isul wasaaraha markii uu qaabilayey shaqsi ay carruurtiisa Ciidamada Kenya ku xasuuqeen Magaalada Jilib, wuxuuna yiri Ra’isul Wasaaruhu “shaqsiyan waxaan tacsi u dirayaa xasuuqii ka dhacay degmda Jilib’, waxay ahayd in uu yiraahdo ‘Aad baan uga xumahay ama uu cambaareeyo xasuuqaaasi’, marka waxaa halkaasi kaaga cad in Dowladda Federaalka wax ka og tahay xasuuqa loo gaysanayo shacabka Soomaaliyeed”.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Shariif Xuseen Roobow isagoo ku hadlayey magaca Hiil Qaran wuxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka kala duwan ee xasuuqa ah ee ciidamada Kenya ka gaysanayaan dhulka Soomaaliya isagoo u soo jeediyey Ummadda Soomaaliyeed in ay jiifka ka kacaan oo ay u istaagaan sidii dalkooda uga badbaadin lahaayeen Duulaanka lagu soo qaadey.

WD:Amiin Yuusuf Khasaaro
EMail: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail: amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.