Home » Warar »

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha oo magcaabay Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa

Waxaan maanta soo dhameystirnay xubnihii Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa si ay u howlgalaan.
17kii November 2011 ayaa golaha wasiiradu waxey ansixiyeen in dib loo cusbooneysiiyo sharciga Law no. 10 ee 1968 ee lagu aasaasay Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa.

Guddigan ayaa la filayaa inay dar-dar geliyaan la dagaalanka musuqmaasuqa oo qeyb weyn ka ah maamul wanaaga aan in muddo ah soo wadnay, si loo ilaaliyo hantida qaranka, isla markaana faa’iidooyin badan ku soo kordhinaya dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xasilinta dalka.

Maamul wanaaga ayaa waaa ka mid ah hannaan hufnaan ku dheehantahay (Transparency), isla xisaabtan (Accountability), iyo inaan la nimaadno herka ugu sareeya ee dhowrsanaanta (integrity).

Guddigan waxaa laga rabaa inuu wacyigelin badan u sameeyo shacabka oo looga digo musuqmaasuqa oo runtii dib-u-dhac u keena bulshadii aan la dagaalin.

Guddigan waxaa laga dalbanayaa inay horumarin ku sameeyaan shuruucda la dagaalanka musuqmaasuqa, soona dhameystiraan aasaasida Hay’ad Madaxbannaan muddo 60 cisho ah, si loo sharciyeeyo hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddigan waxey ku soo tooseen xilli wanaagsan oo Dowladdu ay ku howlantahay maamul wanaag, horumar ballaaranna ka sameysey dhankaas iyo iyadoo ay Wasaaradda Maaliyaddu ku howlantahay dhaqangelinta ururinta canshuuraha.

1. Cabdishakuur Sheekh Xasan Axmed

2. Najma Jaamac

3. Cabdirizaaq Nuux Xasan

4. Khadra Maxamed Ciise

5. Maxamed Barre Kuusow

6. Suleymaan Yuusf Cilmi

7. Xuseen Qaasim Yuusuf

8. Ibraahim Macallin Xuseen

9. Haadi Cumar Cabdullahi

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha oo magcaabay Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa "

  1. gudigaan uu magacaabay reysulwasaaruhu malaga ansixiyey barlamanka
    hadii aanu ansixin barlamanku sideey sharciga ugu hogaansamayaan
    somalidu waxaay deganaansho gaaraysaa marka aay u hogaansanto sharciyada aay samaystaan hadii kale sidaan ayaan ahaan doonaa , runtiina burburka waxaa noogu wacan cadaalad xumida iyo isdulmida.

  2. Gudigan la magacaabay ma C/wali iyo labada Shariif ayaa soo xulay teeda kale waxaa la wada ogsoon yahay in Madaxwaynaha , R/wasaraha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka wax isdabamariyaan sharcigan laga hadlayo ma lagu qaadi karaa sedexdan mas’uul?