Home » News »

gumaysi waa maxay ?

waxaan u mahadcilinayaa war baahinta somalitalk.com oo ah xaqiidii website daneeya daneeya qadiyada somaliyeed guud ayaanwaxaana leeyahay halkiinaa ka wada waligiin waanada. Qormaddan, waxaan kubaadi goobaynaa Micnaha erayga gummaysi, iyo waxyaabaha kadhasha gumaysiga.gumaysiga waxaan u malayn inaan cidna loo sharxaynin dhibaatooyinkiisa,iyo hagardaamasiisa,lakiin waxaan rabnaa inaan wax yar ifino macnaha gumaysiga.gumaysiga iyo midabtakoorku jirtay intuu jiray aadamuhu waana mid jiri doonta inta aadamuhu jiro,fircoon ayaana u horeeyay wax wax gumaysta sidaa daraadeed waa mid ku dalaysan dabeecada insaanka .

Aadamuhu wuu kala baqaa, ee isma qadariyo, hadii aanu kala baqaynin isma qiimeeyo. Muruqa ayaa hagga laakiim maskaxd ma hagto Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “rag idaa kuguma dayee wuxuu kugu daayo ayaa la tusaa”.waxaa kale oo dhahaan “nin aan ushaa kaa reebin afkaa kaama reebo”.

Haddii aan u soo daa-dago qasadkii qormada, erayga gummaysi micnihiisa waxaan ku raad goobaynaa erayda kale ee Soomaaliga ah ee aan is leeyahay, isir ayay wadagaan, sida “Gun iyo Gummays” waa maah can ka ah Somalida dhaxdeeda,ruux walbana markuu maskaxdiisa celceloyo,ereygan soomaliga ahi aad ayuu oogu madno dhawyahay ereyga gumaysi,nin walbana hadii su,aasha gumaysi muxuu yahay la waydiiyo Waxaa dhab ah, marka laysu geeyo jawaabaha akhristayaasha dhamaantood in uu isku meel ku soo biya shuban uuna jiro hoseeye iyo koreeye, haddaan soo uruuriyo wada hoos imanaya dalada “Cadaalad-xummada”.

Eraygan “Gumaysi “ ayaa wuxuu ab iyo isir lawadagaa laba eray ee kala ah “Gun” iyo “Guumays” oo labaduba bulshada Soomaaliyed dhaxdeeda loo adeeg sado cay ahaan. Erayga, gun micnihiisa guud waa “ hoos”, waxaana loo isticmalaa meelo badan , sida gunta geedka,ceelka guntiisa, guntu waa wixii jirida geedka ka hooseeya sida xididada, Weelka guntiisa. Dhamaan tusalayaasha waxay tilmaamayaan, micnaha “Gun” in uu yahay, shay ama meel qaybteeda hoose.waxaa kale oo meesha iman gumaysi garanay muxuu yahay waxa la gumaystaa?jawaabtu waa la gumayste.

La gumaystuhu waa aadamaha ka ugu hoosaysa ama ugu liita, marka laga eego dhinac walba. Qiimayntan noocan ah waa tan maadiga ah, waayo diinteenu, si kale ayay u qiimaysaa,ilaahay(swc/insaanka dhamaantii wuu karaameeyey,wuuna simay loomana kala eegin mid cad iyo mid madaw.shayga kaliya ee ilaahay agtiisa lagu kala qiimayn aadamaha, waa taq-wada ayadaana ah kafada qiimaynta Ilaahay loogu dhawaado, wanaag dhamaantiina halkaas ayuu yalaa.

Dhimrintan kore ee erayga “gun” waxaad kadheehan karataa kala sarayn, wax kore “Gob” wax hoose “Gun” haka eegin, jiho ahaan, ee waxaa loo kala sareeyaa sharaf ahaan marka laga hadlayo Aadamaha qiimayntiisa.

Dhaqan ahaan, bulshada Somaaliyeed way addeegsan jirtay eryga “Gun” waxayna u adeegsan jirtay qaybo bulshadda kamid ah oo la takooray, loolana dhaqmi jiray si foolxun iyada oo anay jirin, kuwa takooray, ee iyagu isku maggacaabay “Gob” wax ay kaga duwanyiin kuwa ay takoreen.

Shaki waxaan ku jirin, dadka la takooray in ay ahaayeen dad tiro ahaan ka tirayar tolkooda kale, markaa loo cudud-sheegtay lana-baday hoog iyo hiirtaanyo. Cadayn waxaa inoo ah tolalka Soomaaliga ah ee jira manta, waxay isku qaddariyaan; qiimeeyaan ama ku kala sad-bursadaan waa “Laandheeronimo”

Dadka la takooray ayaan haba yaraatee, aan lahaan jirinin, wax xuquuq ah. Hantidooda waa ladhici jiray, marmarna waaba layska dili jiray. Dhab ahaan xidhiidhka kadhexeeya “Gob iyo Gun” “Gumayste iyo la-Gumayste” xaalkiisu waa saas oo dhab ah. Waa – Aan ku dooxee ha danqan, aan ku dhacee ha dhooyin -.

Dad walba oo laga awood bato, lana ciilo la bahdilo, meeshay donaanba dunida haka jogaane marka kobaad way qab-jabaan, kadibna way hoggaansamaan, deedna waxaa kadhinta hal-abuurka dabadeena way badalmaan, deedna way bah-dilmaan ugu danbayna way tir-tirmaan. Taasi waa midhaha kadhasha gumaysi ga. Muhiimna ma aha cidda ku gumaysanaysa.
Erayga “Guumays” Soomaalidii hore waxay u isticmaali jirtay gabdhaha kuwa guur waaya ee aan helin geyaan Guur la’aan waxaa kadhasha waraso la,aan oo keenta gablan.

Waxaa jira micne daahsoon oo muhiim ah, oo uu leeyahay erayga “guumays”, kaas oo ah ”raagid ay daba socoto qiimo-jab”. Tusaale gabadha guurku karaago waxay ku dhaleceeyaan “Guumays” micnaha waad raagtay ood qiima jabtay. Maanta haddaan ku dilo, waad ciiloon, lakiin ciilkaas ma yeelanayo caabuq hadaanu kugu soo noq-noqonin, marka shardiga gummaysiga ayaa ah in uu leeyahay dhib iyo gabood-fal joogta ah.

Hadaan soo uruuriyo micnaha erayga gummaysi: Waa gar-daro, waa gunimo, waa gablan, waa geeri. Haddaan si kale u dhigo waa murug, waa Cabudh, waa Caloolyow, waa caabuq, waa cimrigaa haku furto, Gumaysi waa:

Dil, waa Dulmi, waa Daan-daansi, waa boog aan la dhayin, waa Dibad wareeg,waa murug ,waa caloolxumo,gumaysiga laguma soo koobi karo halkan dhibaatooyinkiisa ama macnisiisa maxaa leeyay wuu ka macna waynyaahay in taas kagu soo kobo lakiin waxaan ooga danleenahay inaan wax yar ka sheegno si loo ogaado hagardaamada gumaysiga,hawraarintiisa,shacabka somaliyeed waana tan maanta haysata somali waxaa la dhahaa (gacantii nisku dile looma ooyo) somali ayada ayaa daridaa ay maanta taalo is dhigtay,cadaw shisheeyana isugu yeedhay,mayna ku quus qaadan dhibka uu gumaysi ku hayay kuna hayo walaalahooda s/ogadeniya dilka,gufsiga,dhaca,xidhayga,intay walaalahood u gargaari lahaayeen yay isugu yeedheen,kaalay gumayso inta baaqiga ahna waa mid layable.

mayna waxba garanaynin,mayna fikiraynin ma meelkale ayaa looga heesi damanaanta intaa la,eg,madamiir ayayna lahaynhagar dama badanaa. Diin ma wadaagno,dal ma wadaagno,dhaqan mawadaagno.!maxaa loogu xilan.waxaan leeyahay walaalayaal madaxa kor u qaada oo kala garta cadawgiin iyo nasixiin.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.