Home » Maqaallo »

GABAY:Soomalaay Digtoonoow !

Waa Dhamaadkii sanadki tegay 2011 kadib markii ay dalka dib soo galeen ciidamda Shisheeye oo farabadan, waxaa intooda badan ka yimaadeen wadamada dariska oo somalidu xuduud beenaadka dalka somaliya la ah. Waxaa ay iska dhigaayeen inaay soomaliya tageeryaan, has yeeshaa qof kasta oo Somali ah ay garaneeyso inaanay dan soomali u iman , waxaa dad badan oo aanigu ka mid ahay u muuqatay inaan cadowgaas dalka soo galaya aanay faaiido keeni doonin qasaare moogiiye.

hadii aan laga hor tegina wadanka xalaaleeysan doonaan. Sidii ay u xalaaleeysteen dad iyo dalal hore inooga maqnaa ee NFD Iyo Somali-galbeed. Waxaa kale oo ii muuqatay in hadii ay la wareegaan degaano ka mid ah dalka , aaneey soomalidu sidii hore ee dhacday 2006 uga gilgilan doonin.

Arimo is biirsaday dartood. Waxaa mar walba lama huraan ah in dagaal qaraar lagu caabiyo sidii kuwii ka horeeyey ee sayid Mohamed cabdille, oo waqtigiisii beelo badan oo somaliyeed taageeren gumeestihii ingiriiska iyo xabashida.

Waxaa gabaygaan ku cabirayaa , in labada khatar ee , wadaada xagjirka ah ee ku daabulan islaamiyiin xag jir ah iyo gulufka wadamada dariska ah ay dhibaato ku noqon doonaan ummada soomaaliyeed., Waxaan la hadlayaa oo I soo wacay deelaydii la xiray oo markaan aakhiro joogta.

1. Deeleey dawaaq dheer
2.Dardariyo walwaaleey
3.Damaciyo warmooleey
4.Daqariyo dalxiisleey
5.Maxaa caawa kuu dan ah ?

6.Waxay tiri Daryeeloow .
7.Akhiraan dul joogaa
8.Caloolxumo dibnuhu xiran
9. Yamyam iyo durkisii .
10.Afyare doontii uu waday
11.Raage dowgii uu falay
12. Dib u socod ayaa jira.

13. Waxa iri Darmaaneey
14. Dowgi calanka waa damag
15. Duriyadiina waa reer .
16. Calafkoodu waa dayn
17. Sharaftoodu waa duli
18.Anigaa Tigreey Diray
19. Kataabulushna daawaday .
20. Mahiiga iyo dantiisiiyo
21.Kamplana anaa dubay
22. Duulku dhacan dantuna xiran
23. Darbi dheer salaankeed
24. Dawaciyo dulmigu sugan

25.Waxaa tiri daryeeloow.
26.Dalku muu xoroobine .
27. Miyaa reerki lala degay
28. Amxaar dibada laga dhigay.
29. Kukuuyadii duleeysneed
30. Miyaa qaradi* lagu dubay.

31.Waxaa iri Darmaaneey
32. Labo daran midood doon.
33.Caruur maalin dubatada.
34.Dirqi daabad shaydaan
35.Dariiq waafi lagu mood.
36.Ayaa daabki naga dhigay.

37.Dufdufleey tigreeygiyo
38.Dacas ciidankoodiyo
39.Duli yusuf** direy iyo
40.Dalam-dalam warkoodiyo
41.Daaquuska baasiyo
42.Dalaf shacabka lagu dilay
43.Ayeey maanta doorteen

44.Igad baa dalaal u ah
45.Durqun lasku sirayiyo
46.Doqon iyo magaratiyo
47. Warafiyo dabool maran
48.Ayaa loogu dowgalay
49.Oo laga dab qaataa

49.Waxay tiri Daryeeloow
50. Laba shiin dalkaan ma leh
51.Mana doonayaan abid
52. Dollar maanu seegin wali
53. Nin degdegay hankisii
54.Ninki dilay walaakiis
55.Walaashi nin daabulay
56. Dumashidi nin guursday
57. Kii doorshay soomaal
58. ee duleeystay shacabkii
59. Dowligood waa xarig.
60. Heeg Darato iyo Holland.

61.Waxaan iri Darmaany !
62.kampala waa dareen culus
63.ROADMAP difaac maleh.
64.Ciidankii dalkaaguna
65.dibadeey ku oomeen
66. dufan iyo daryeel maleh ?

67. Waxay tiri Daryeeloow
68.Hadalkaan dibnaha mari
69.Dadkiina gaarsii
70. Hadaan degalka maanta ah.
71. Isku duubni loo dumin
72. Cafis daawo Lagu helin
73. Damacana la seeteeyn.
74. Cabsi daarad laga dhisin.
75. Geeleenu waa dagan.
76. Hablaheeni waa duban
77.Caruurteenu dinig
78. Dibi ferenjigii dhalayiyo .
79. Duli iyo kufaar nool.

80.Waxa iri Darmaaneey
81.Maan arag dadkeedii .
82.Kuwii danaha sugi jiray
83.Danta guud ka talin jiray
84.Meeyey Daahirkii iyo
85.Cibaar dowladkii iyo
86.Shiino dararamtiisii.
87.Deeleey nin dhalayiyo.
88.U waqlale direeyskii
89.Gaariye dantiisiyo
90.Sungub doorki aabihi .
91. iyo Duubi ina Qays

92.Waxay tiri daryeeloow
93.Dalabkaan bal iga qabo
94.Somaalaay digtoonoow .
95.Dibnahaaga kala qaad.
96.Qorigaaga danab saar .
97. Guurkaaga daba mari
98. Ama duul dalkaa qabo
99.Ama damaqa qaylada
100. Durbaan qaado iyo woow
101.Ama doolar soo dhiib.
102. Ama dibada meermeer
103. Calan qaado oo danaan.
104. Ama reera dabajoog.
105. Iyo dowli cayn go’ay.

• Yamyam : Cabdiqaadir xersi yamyam. One greatest poet of his time.
• Afyare : Cali elmi afyare: gabyaa , luuqad sare
• Raage ; Cabdulle rage tarawiil, gabay yaqaan geraar, gooroow
• Cibaar : Moahmed cibaar , poet , delft , the Netherlands
• Gaariye : Mohamed hashi dhamac, Somali poet, teacher
• Sungub :Mohamoud cabdilaahi play wrier
• Ina qays: Cabdi aaden xaad: play writer and poet
• Shiino : Mohamud A.cabdalla shine, poet Columbus , OH
• Daahir : Daahir cabdulle, friend and poet
**yusuf : Yusuf haagi, Somali-kenyan
* 12 Qarqarada : xuduud beenaadka. Waa lahjad reer guri/gedo

Dhamaad
Hussein Abdikarim Ahmed-gendisch.
Gendisch@aol.com
North Carolina

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.