Home » Faallo »

Imaam Shiikh Shaafici oo Al-Shabaab Aamusiiyey (2) !!!

Akhristoow wuxuu Casharkeenii hore noo joogay anagoo ka soo
Sheekayneyna sababaha ay Al-shabaab u soo Daliilsan waayeen
Aayadaha la macnaha ah Aayadda Suuratul Maa’ida ee :
(

يأيها الذين امنوا لا تتخذوا اليهودوالنصاري اولياء بعضهم اولياء )

Waxaana ka soo hadleynay Suuratul AL-Mumtaxinah oon soo niri
waa Suuradda aad u faahfaahisay Xiriirka Muslimiinta kala
dhaxeeya Gaallada,Culumaduna ku tilmaameyn in ay tahay midda u Asalka ah Gaallada loo Axsaan falaayo iyo kuwa lala
colaytamaayo sida ay cadeeyeen Aayadaha 8 iyo 9 ee Isla Suuraddaas.
Wuxuu Allaah Quraankiisa ku yiri :

لَا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن )
تَبَرُّوهُمْ )
(Allah idinkama Reebaayo kuwa aan idinkula dagaalamin Diintiina,guryihiinana aan idinka saarin in aad u baarinimo fashaan ood u cadaalad fashaan,maxaayeelay Allaah kuwa caddaaladda fala ayuu jecel yahay )60:8
( Allah forbids you not, with regard to those who fight you not for
(your) Faith nor drive you out of your homes, from dealing kindly
and justly with them: for Allah loveth those who are just ) .

Sidoo kale Allaah wuxuu ku yiri Aayadda ku xigta
: (
إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُم
مِّن دِيَارِكُمْ وَظَاهَرُوا عَلَى إِخْرَاجِكُمْ أَن تَوَلَّوْهُمْ وَمَن يَتَوَلَّهُمْ فَأُوْلَئِكَ )
( In kale ma ahee Allaah wuxuu idinka reebayaa in aad xariirisaan
kuwa Diintiina idinkula dagaalamaaya ,Guryihiinana idinka
saaraaya iskuna bahaystay saaritaankiina in aad wali ka
dhigataan Ruuxii ka dhigtana kuwaas ayaa ah Daalimiin ) 60:9
( Allah only forbids you, with regard to those who fight you for
(your) Faith, and drive you out of your homes, and support
(others) in driving you out, from turning to them (for friendship
and protection). It is such as turn to them (in these circumstances
), that do wrong ) 60:9
Haddaba maxay Mufasiriintu ka dhaheen Aayadahan, bal aan soo qaadano Seddex Tafsiir oo ah mid hore mid dhexe iyo mid casrigaan ah.

Waa tafsiirka Al-Qurdhubi oo ahaa Qarnigii 5aad ee hijriga iyo
Rowxul Macaani oo ahaa Qarnigii 12 aad ee hijriga iyo Tafsiirul
AL-Manaar oo ahaa Qarnigii tagay.

1) Tafsiirka AL-Qurdhubi ee Aljaamac Aayaaatul Axkaam :

Tafsiirkaan oo aad ugu Af dheer Aayadaha Xukunku ku soo
arooray ayaa mararka qaarkood ku oranaaya Aayaddaan
waxaa ku soo arooray 40 Mas’allo kadibna asagoon waxba ka
tagin ayuu Afartankii mas’allo kuu soo taxaayaa.

Waxaan kaloo ku jeclahay asagoo lala qabo in uu waqti dheer
ahaa, ayuu kuu celinayaa meesha uu Aayaddaas ama xukunkaas
ku bayaanshay oo uu ku leeyahay waxaan xukunkaas ku
bayaaninay juzka Hebel Bogga hebel meeshii ayaad ku
noqonaysaa waaba sida uu u yiri, dhanka sanaacadda Tafsiirka
laguma gaaro.
Shiikhu wuxuu ka bilaabay in Aayaddan Toddobo Mas’alladood ayaa ku jirta : ( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ)

A) Wuxuu ka Bilaabay Sabaab Nuzuulkiiaan horay u soo sheegnay.
B) Suuraddaan waxay Asal u tahay reebista in Gaallada la soo
dhaweysto,meelo Badan ayaanan kaga soo hadalnay (1) Markaas ayuu soo taxay Suuradda Aayadaha la macnaha ah sida kuwaan horay ugu soo radiyey AL-Shabaab Maqaalka Qeybtiisii kowaad.
Waxaa kaloo la sheegay buu yiri in uu Xaadib markuu maqlay in
suuradda lagu bilaawday iimaanka ( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ)
uu la suuxay farax dartiis markii loogu dhawaaqay iimaanka.
C) Markii lagu yiri ma waxaad u gudbineysaan jaceyl ( تُلْقُونَ إِلَيْهِم بِالْمَوَدَّةِ )
waxaa laga wadaa sida Muuqata,maxaayeelay Qalbiga Xadib
wuxuu ahaa mid Saliim ah sida Daliilka Rasuulku Cadeeyey oo yiri :
( Run buu idiin sheegay Saaxiibkiin) taasna waa wax ku tusinaaya

Qalbi wanaagiisa iyo ictiqaadkiisa fiican.

D) Ninkii uu bato in uu Muslimiinta sirtooda raad raadiyo si uu ugu
sheego Gaallada taas gaal ku noqon maayo haddii uu ficilkiisaa
ula jeedo arrimo adduunyo, Qalbigiisuna saliim yahay sida uu
sameeyey Xaadib markuu sirta ugu sheeg is yiri Mushrikiinul
Quraysh si uu gacan uga helo ee uusan u niyeysanin in uu
gaaloobo ama Ridoobo. (2)

(2)Tafsiirka labaad waa rowxul macaani lil Aluusi albaqdadiyi:

Tafsiirkaan oo ah mid af dheer oo kulansaday Nusuusta
( Ma’thuur) ka iyo tan Ra’yigaba ayaa wuxuu caan ku yahay in uu
Riwaayado fara badan soo arooriyo, ayadoo lala qabo Nahwaha,
fiqhiga ,siiradda iyo cilmiga tafsiirka oo hoos loogu daadago.

Wuxuu Shiikhu yiri asagoo ka hadlaaya Aayadda Suuratul

AL-cimraan ee ( لاَّ يَتَّخِذِ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُوْنِ )

Wali waa jamcu waliyin waana Dhawaansho,waxaana laga wadaa
in aysan ilaalin xiriirkii ay lahaan jireen Waqtigii Jaahiliga laakiin in ay haboon tahay in ay ilaaliyaan waxay haatan ku sugan yihiin ee uu Islaamku keensanaayo ee jaceyl ah amaba naceyb oo la rabo in ay ku camal falaan taasna waxaan u Niri Dad ayaa Qaba : Jaceylku Qaraabada iyo Saaxiibtinimada dhaw ama fog wey ka baxsan tahay mid ikhtiyaar loo leeyahay waana mid la cafiyey oo tixgalin laheyn (3).

Marka Jaceylka la diidaayo iyo Dhawaanshaha la diidaayo waxaa
laga wadaa in Gaallada loo kaalmeysto Dagaalka,taas ayaa
Culumada Qaarkood ku tageen…..

Wuxuu kaloo Shiikhu meel kale ku yiri Qaar Culumada ka tirsan
ayaa Tuqyadda ku daray in Gaallada iyo Fusaaqda iyo Daalimiinta hadalka loo jilciyo ama in qosol ama ilko cadeen loo muujiyo, in la isku furfuro ,xataa wax la siiyo si shartooda looga magan galo,carabkoodana looga amaan helo. Waxayna yiraahdeen arrinkaas is jilcinta iyo af kala jirka

( mudaaraat ama mudaahano) laguma tilmaami karo walaayadda la diiday ama u dhawaanshaha gaalada ee la diiday laakiin tani waa suno ama arrin Diinta ku banaan.

Wuxuuna arrinkaas u soo Daliilsaday Axaadiis faro badan ay ka mid yihiin Xadiiska Daylami uu Nabiga NNKH ka wariyey in uu Nabigu yiri :
( Allaah kor ahaaye wuxuu i amray in aan dadka isku jilciyo sida
uu ii faray in aan faraa’idda ku oogo ) Riwaayadna waxay
dhahaysay waxa la ila soo diray isu dhimrin isuturid.
Kitaabka AL-Jaamacna waxaa ku soo aroortay : ( Waxaa idiin
imaan doono Dad wax fuushan ama geel ama fardo oo aad u careysan tihiin ama aad naceysaan ee Haddii ay idiin yimaadaan soo Dhaweeya ).

Wuxuu kaloo soo qaatay Xadiiskii Caanka ahaa ee laga wariyey
Ummunaa Caa’isha RC in ay tiri Nabiga NNKH ayaa Nin gurigiisa
ka soo idan dalbay in uu soo galo aniga oo la joogga ,Markaas
ayuu Nabigu yiri :

( Waxaa baas lahaaday qolo wiilkood ama qolo
wallaalkood buu yiri oo uu Ninkaas ka wado,kadib wuxuu u idmay
in uu soo galo kadib markaas ayuu soo dhaweeyey oo hadalka
u jilciyey.Markuu baxay ayaan weydiiye ayey tiri Rasuulkii Allow

Ninkaan wixii aad ku tiri ayaad ku tiri haddana Hadalkii waad u
jilcisay ee see wax u jiraan ?Markaas ayuu Nabigu NNKH yiri Caa’shoow dadka waxaa ugu shar badan Ruuxii dadku ka tagaan ayagoo shartiisa ka dhawrsanaaya.

Sidoo kale Xadiiskii Bukhaari wariyey ee Abuu Dardaa RC in uu Nabigu yiri NNKH : ( Qoom baan u muujineynaa qosol ama ilko cadeyn ayadoo Quluubteenuna lacnadeyso) Riwaayaddii Kashmiihinina waxay oraneysaa Quluubteenuna ay u careysan tahay, sidoo kale riwaayadda Ibnu abi Dunyaai iyo Ibraahim Al-xazmi wax ay ku dartay ( waanan u qosleynaa ).
Halkanna waa qeyb kale ooysan AL-shabaab cilmigoodu gaarin,maxaayeelay maba yaqaanaan Gaal iyo munaafuq shartiisa ka magan gal oo afka u macaanee adigoo qalbiga ka neceb, ma waxay garan waayeen Xikmaddii AL- Shiikh Sayid Mohamed C/lle Xasan oo laga haayo :

( Ninkaad dili nikaad dagi ninkaad dabin u qooleyso waa laysku daadiyaa yuusan kaa didine) !!!
Haddiiba aad dhahdo waar gaal shartiisa Allaah ka magan gal oo Dagaalkiisa ha tamaninin haddii aadan awood u laheyn ama aadan is hor taagi karin , waxay ku oranayaan waad gaaloowday !!! haddii runta timaado oo fooda la is darana wey cararayaan, wuxuu noo sheegay Shiikh DR. Abu fadal saaxiibkii DR. Ayman markii Mareykanku ku duulay 2003 Afqaanistaan Usaama iyo Ayman Shuko ayey uga soo baxeen !!! Markii horena ayagaa Qirtay in ay Daarihii Dhaadheeraa ay dumiyeen .

Shabaabna Jidkii Macallimiintooda ayey ku socdaan Daaraha dhaadheer ee Nairoobi ayaan qarxineynaa ,Addis Ababa ayaan ku soo tukaneynaa,Alaska ayaan soo qabaneynaa, Markii Baladweyne la soo galana waa baqanaayaan oo dabada ayey roganayaan ,Waligood ayagoo cadaw hor istaagay yaa arkay??!!
Maxaa caawa xalay uga eg Aaboow kan yar iga celi oo ka weyn igu soo daa.

3) Tafsiirka AL-Manaar ee Shiikh mohamed Rashiid Rida (1865-1935):

Tafsiirkan oo ah mid Mucaasir ah sida ka Muuqata Waqtiga uu
Shiikhu Dhashay iyo waqtiga uu Dhintayba .
Ayaa ah tafsiir uu shiikhu ku soo saari jiray Majalad la yiraahdo
Al-Manaar oo Bayruud ka soo bixi jiraty,se Markii danbe waxaa
laga Dhigay tafsiir buuxa oo ilaa dhawr iyo toban majalood ah.
Shiikhu wuxuu yiri asagoo fasiraaya Aayadda Suuratul

Al-Cimraan ee ( لاَّ يَتَّخِذِ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُوْنِ ) :
[ Waxay oranayaan kuwa Diinta ka hadlaaya ayagoon Cilmi
laheyn Quraankana ku fasiraaya hawadooda in Aayadda
Suuratul AL-Cimraan iyo Aaydaha kale ee la macnaha ah sida midda Suuratul AL-Maa’ida iyo Suuratul AL-mumtaxinah, Waxay oranayaan Aayadahaasi waxay ku tusinayaan in aysan Muslimiinta u banaaneyn in ay Gaallo la xulafa noqdaan ama wax uun isku waafaqaan,xataa Xulufaysigaasu hadduu ayaga u yahay Dan, waxayna kuwaasi Hilmaamsan yihiin in Nabigu NNKH uu xulufo la noqday reer khuzaaca ayagoo Mushrikiin ah

,Waxay kaloo oranayaan kuwaas Diinta u xamaaseysani ayadoo lala qabo in ay Diinta Jahli uga Sugan yihiin in uusan Muslimiinta u banaaneyn in ay dhaqanka u hagaajiyaan Dadka aan Muslimiinta aheyn amaba ay is dhex galaan amabe ay wax kalsooniba ah ka dhaxeyso , waxaanan maqlay anigoo arrinkan ka faaloonaya in ay soo qortay Majalad in Dad ka tirsan Dawladda Afqaanistaan oo ah kuwo xamaasadeysan ay Amiirkoodii ama Madaxweynahoodii u caroodeen in uu la kulmay Ninka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Hindiya oo uu wax la cunay oo uu dharkoodii oo kale labistay , Markaas ayey Shir qabteen oo ku xukumeen in uu Gaaloobay ayna waajib tahay in xukunka laga qaado , Markaas ayaa Madaxweynihii Ciidan u diray oo kala eryey.

Marka kuwaas xamaasadeysan oo kale ee Jaahiliinta ah ayaa ah kuwa Islaamka ugu daran iyo Muslimiintaba ,bal waa kuwa xaqiiqada Islaamka ugu fogaanshaha badan adduunka oo Dhan. Muxuuna yahay Fahamka kuwaas Afqaanka ahi ay Quraanka ka fahmayaan ayadoo lala qabo afkooda cajamiga ahi iyo Jahligooda aysan fahmeynin Tilmaamaha Quraanka iyo sida ay u fahmeen Asaxaabtii hore ama salafkii….

Wuxuu Shiikhu Meel kale ku yiri Haddiiba uusan Allaah &
Rasuulkiisaba aysan Xaadib Gaaleysiinin markuu isku dayey in uu Mushrikiinta Sirtii Rasuulka u gudbiyo ayadoo laga reebay, sideebuu ku gaaloobayaa Madaxweynaha Afqaanistaan oo aan Sameynin wax Allaah u baneeyey mooyee oo cunto cunis ah amaba labis ah amaba isku jilcin ah uu xukuumad ahlu kitaab ah isku jilciyey, kuwaas oo nooga dhaw Mushrikiinta , Isku jilcintiisaasina ma ahan Wali ka yeelasho Mu’miniinta ka sokoow ah laakiin waa isku jilcin dantooda
ah oo uu shacabka Afqaanistaan u baahan yahay ] Hadalkiisii waa dhamaaday. (4)
Maxaa caawa xalay uga eg ileen Afqaanistaanku xamaasadda beenta ah caan bay ku ahaayeen iyo qalafsanaanta iyo Cilmi la,aanta ama seef la boodnimada, se maxaan kala yaabaa Shabaab baa Noqday Dameeri dhaan raacday oo Gaalnimo been ah soo waaridtay macnaa soo degsaday ganacsi ahaan se waxaa Beec lagu khasaaro noqotay Badeecadda ay soo gateen .

Akhristoow Qeybtaanna waxaan ku soo gabagabeynayaa aniga
oo wali gaarin Dulucdii Maqaalka ee aheyd sidii buu Shiikh Shaafici u Aamusiiyey Al-shabaab, maxaa yeelay qeybtan Aayadaha fasirkooda ayaa nagu ballaaratay marka insha laah Qeybta 3aad ayaan ka bilaabi doonaa sida Shiikhunaa shiikh Shaafici u aamusiiyey Al-shabaab ee la soco goor dhaw.

fii Amaani laah .

Shiikh Sahid Mohamed Yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
AL-Mutakhasis fil Xarakaat AL-Islaamiyah.

1) ku noqo Tafsiirka AL-Qudhubi Juzka 4,bogga 57iyo bogga 178 iyo Juzka 6,bogga 216.
2) Ruuxa ku ridoobaaya wali yeelashada gaaladda waa ruuxa caqiido ahaan u raaca sida ka dhacday saxaabigii C/llaahi ibnu abii sarax oo gaaloobay oo makah aaday, haddana Fatxul makah soo islaamay markuu wallalkiis Cusmaan bin cafaan magan gashay kana mid noqday saxaabadii Masar furatay iyo waqooyiga Afrika.
3) walinimada qaraabada lama diidaayo walow ay gaalo yihiin sida ka dhacday Asmaa binti abuubakar markay Hooyadeed oo gaalo ah ugu timid makah oo Nabigu nnkh xiriiri ku yiri.
4) tafsiirul Al-Manaar juzka 1aad bogga 277-278

Sahid Yusuf

sahidyusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Imaam Shiikh Shaafici oo Al-Shabaab Aamusiiyey (2) !!! "

  1. Shalaqo says:

    Waxaan Shiikha maqaalkan qoray doonayaa in uu caddeeyo in Rasuulku scw xulufaysiga uu xulufaystay Reer Khuzaaca uu gaalo u xulufaystay laakiin sinnaba looma ogola in dad muslimiin ah loo xulufaysto gaalo. Marka Sh. khayr Alle ha ku siiyo ee qoraalkaagu yuusna noqon mid caamada lumiya. Waxaan uga jeedaa qoraalkaaga yaanay su’aalo iyo dul duleel ka muuqan waayo waxaad wax u sheegaysaa dad caamo ah, waad mahadsan tahay walaal Ilaahna khayr badan ayaagaga baryayaa. WaBillaahi Tawfiiq.