Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Mar Kale Duqeyn ka Gaystay Degaano Hoos Yimaada Af Madow

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidamada Kiinya ay Maanta Duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada Degmada Af Madow.

Diyaaradahan ayaa la sheegey in muddo dheer ay isaga daba laabanyeen goobihii ay duqeynayeen isla markaana duqeyntaasi sida ay ku soo waramayaan dadka degaanka ay dhibaato ka soo gaadhay Dad Rayid ah.
Sarkaal u hadlay Ciidamada Kiinyaan Duqeynta kaddib ayuu sheegey meelihii maanta ay garaaceen Diyaaradahooda in ay ahaayeen Saldhigyo Ciidamada Xarakada Shabaab ay ku leeyihiin Degaanadaas.

Sarkaalka ayaa intaa raaciyay in bar tilmaameedyadoodii ay haleeleen isla markaana weerarkii ay Maanta qaadeen ay ahaayeen kuwo ku dhacay goobihii loogu tala galay.

Dadka degaanka ayaa iyagu sheegaya in Weerarkii diyaaradaha Dagaalka Kiinya Maanta soo qaadeen ay khasaare ku gaarsiyeen Xoolo iyo Dad Rayid ah oo halkaa ka dhawaa.

Dadkan oo warbaahinta qaarkeed la soo xiriiray ayaa beeniyay in Diyardihii maanta Dagaalka soo qaaday oo ahaa Nooca Miigga loo yaqaano ay garaaceen bar tilmaameedyo ay dad Rayid ah ku sugnaayeen.

Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee duqeynta maanta Af Madow ka dhacday ay gaystay walow warar hor dhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in illaa afar qofood in ay ku waxyeeloobeen Duqeyntii Diyaaraduhu ka fuliyeen Degaano hoos timaada Degmada af madow ee Gobolka Jubada Hoose.
Shalay ayay ahayd markii Ciidamada Cirka ee Dalka Kiinya weerar kanoo kale ah ay ku qaadeen Demada Jilib halkaasoo ay ku dileen Shan Caruur ah. Taasoo ciidamada Kiinyaankuna sheegeen in ay bur buriyeen Fariisimo Ciidamada Shabaabku lahaayeen.

Dawladda kiinya ayaa maalmahan danbe wadda Duqeeymo dhinaca Cirka ay kaga qaadayso Gobolada Koofurta Soomaaliya iyadooGobolka Shabeelaha Hoosana mar ka gaystay weerar dhinaca Cirka ah.
Si kastaba Weerarada aan loo meel dayeen ee Ciidamada Keenyaanku ka gaysanayaan Degaanada Rayidka ayaa si weyn looga canbaareeyay gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.