Home » Warar »

Maxay Dowladda Federaalka uga Aamusan tahay xasuuqa ay Diyaaradaha Kenya u Gaysanayaan dadka Rayidka ah.

Waxaan aad uga xumahay in Qoys inta la laayo la yiraahdo Shabaab ayaan Bartilmaameedsanay, Caqligaas mid Dad loo Sheego ma ahan
Mar aan saakay oo dhex qaaday qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaan wax ka weydiiyey sida ay u arkaan xasuuqa diyaaradaha kenya ka gaysanayaan deegano ka tirsan Soomaaliya kuwaas oo ay maalin walba ku dhimanayaan dad aan waxba galabsan ayaa dadkii aan la kulmay waxaa ka mid ah Xasan Cilmi Jaamac oo ka mid ah waxgaradka.

Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “waxaana aad uga xumahay Dowladdii Soomaaliyeed ee la doonayey in ay ogaato dhibaatada gaareysa bulshada Soomaaliyeed ayaaba marnaba soo hadal qaadin xasuuqa Kenya u gaysaneyso shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliduna waxay tiraahdaa hadalkuba hiilo waa galaa, bal fiiriya Xamiid Karsaay marka ciidamada Mareykanku ku xadgudbaan shacabka reer Afgaanistaan af labadii ayuu yeeraa oo cambaareeyee, weliba cambaareyn midda ugu xun, ma garan karo aamusnaanta dowladda federaalka ay ka aamusan tahay in carruur Soomaaliyeed inta la laayo la yiraahdo waxaana xasuuqney Shabaab, waxaan leeyahay dadka dhibaatada la gaarsiiyey Alle ayaa idiin maqan”.

Faadumo Idiris Cali oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaan wax ka weydiiyey waxayna tiri “Waxaan ka xumahay in Diyaaradaha Kenya inta ay qoys Soomaaliyeed baabi’ayaan ay dad damiir laawayaal ah yiraahdaan diyaaradaha kenya waxay duqeeyeen saldhigyo ay shabaab ku sugnaayeen, war fiiriya carshaanta dadka Masaakiinta ah lagu kor baabi’iyey, welibana waxaan ka xumahay in dowladda Federaalka aysan marnaba ka hadlin dhibaatada loo gaystay qoysaskaa iyo waliba kuwii ka horeeyey ee lagu baabi’iyey xeryaha qaxootiga”.

Nabadoon Faarax Cilmi oo isna ka mid ah nabadoonada Soomaaliyeed ayaa yiri “Dowladdaan illaahay ha naga hor wareejiyo, waxay raali ka noqdeen in ciidamada Kenya ay dad Soomaaliyeed soo qabqabtaan oo ay dab qabadsiiyaan, sidoo kalana diyaaradahooda dagaalka ay weeraraan deegaano ay degan yihiin dad rayid ah lana yiraahdo waxaa halkaas ku baabi’iyan shabaab, xaqiiqdii kenya waxay abuuraneysaa cadaawad aad u weyn”.

C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Nabadda iyo Dimuquraadiyadda ayaa isna tacsi u diray qoyskii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay deegaanka Jilib, wuxuuna intaas sii raaciyey ‘Kenya waxay dadka Soomaaliyeed ku tijaabineysaa hubkeeda, laakiin mar ay ahaataba waa lala xisaabtami doonaa, waxaana aad uga xumahay in qoys inta la laayo la yiraahdo shabaab ayaan bartilmaameedsanay, caqligaas mid dad loo sheego ma ahan, shabaab waa la yaqaan meesha uu joogo, xuduuda ayuu idinla joogaa, waxaan leeyahay Dowladda Kenya ha joojiso xasuuqa ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed”.

Nin nabaadoon ah oo isna ku sugan magaalada Jilib ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan xasuuqa ciidamada Kenya ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed wuxuuna yiri “Dowladda Kenya waxaan ugu baaqayaa in ay magdhow ka bixiso dadka lagu xasuuqay qaar ka mid ah deegaanada Soomaaliya, kuwaas oo ahaa dad aan waxba galabsan”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxay Dowladda Federaalka uga Aamusan tahay xasuuqa ay Diyaaradaha Kenya u Gaysanayaan dadka Rayidka ah. "

  1. Faa`id says:

    Wuxu Dowlad maaha waa mid aan ka damqaneyn dadka ay mas,uu aan ka ahay ay leedahay ee magac u yaal aan tabar laheyn run ahaantiina Dowladdakmg ah waa in la baraa waxa ay Döwladnimo tahay, waxaa ka sii daran kuwa indhaha xiran ee umadda sababteeda lagu leynayo oo aan ka damqaneyn lagana filimaayo in ay u naxaaan shacbiga Soomaaliyeed uma hayaan jid umadda lagu hogaamiyo iyo wax mustaqbal ah ayagaasna waa in wadanka laga qabtaa yaase qabanaya waxaa qaban kara xoogii dalka Somalia oo la dhiso u maleyn maayo ciidamadaan shishaaye ee lagu naas nuujinayo Somalia iney wax ka qaban karaan.