Home » Warar »

Maamulka SoomaaliLand oo Maanta Xabsiga u Taxaabay Wariyaal Dibad Bax ka Dhigayay Magaalada Harggaysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed

iyo Dagaalo sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Degmada Buuhoodle

Ciidamada ammaanka ee Maamulka la magac baxay Soomaali Land ayaa maanta Tiro wariyayaal Xabsiga u taxaabay ka gadaal markii ay wariyayaashaasi Dibad bax Cabasha ah ay ka sameeyeen gudaha magaalada Harggaysa.

Wariyayaashan maanta dibad baxa ka dhigayay magaalada Harggaysa ayaa ka cabanayay Xarigga loo gaystey T.V.gii Horn Cable oo maalinimadii shalay Ciidamada ammaanka ee Maamulkaasi ay albaabada isugu dhufteen.

Wariyayaashan ayaa ku dibad baxayay meel aan ka fogeyn Hoyga magaalada harggaysa uu ka deggan yahay Axmed Siilaanyo taasoo goobtii ay ku sugnaayeen oo si nabad gelyo leh ay u joogeen ay soo weerareen Ciidamada ammaanka.Ciidamadan ayaa qab qabtay Tiro wariyaashaas ka mid halkaasoo xabsiga loogu taxaabay iyadoo waliba qaarkood falal jir dil ah loo gaystey.

Wariyayaashan oo cabashadooda ku muujinyay si nabad ah ayaa waxaa ka hor yimid Ciidamada ammaanka kuwaasoo sheegey in ay khal khal galinayaa ammaanka. Sarkaal u hadlay Ciidamada ammaanka ee maamulkaas ayaa sheegey in Dhalinyaradan Wariyaasha ah ee maanta dibad baxa dhigayay ay sameeyeen arrimo nabad gelyada khal khal gelinaya sidaa darteedna ay iminka wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sababaha dhabta ah ee keentay in ay dibad baxaan Dibad baxan ayaa ahaa kii u horeeyay oo wariyayaal mideysan ay ka sameeyaan bartamaha magaalada harggaysa kaasoo si weyn u soo jiitay dhegaha Dadweynaha oo qaarkood qayb ka noqday banaan baxa ay maanta wariyayaashu dhigeen.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Harggaysa iyadoo warar kale ooaan helnayna ay sheegayaan in ay suurta gal tahay in wariyayaashaasi goor dhow la soo daayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Dagaalo sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Degmada Buuhoodle

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee Goblka Sool ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka uu halkaa ka dhacay dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal ayaa yimid ka gadaal markii Ciidamo Taabacsan Maamulka la magac baxay Somaliland ay Duulaan ku soo qaadeen Magaaladaas halkaasoo Dagaal uu kula dhex marayu Ciidamo Degaanka ah.

Warku wuxuu intaa ku daray in Ciidamadii soo galay Magaalada Buuhoodle inay haysteen Magaalada Qaddar Saacada ah ha yeeshee Dagaal Rogaal Celis ah oo ay sameeyeen Ciidamada degaanku u suurta gashay in ay halkaa ka saaraan Ciidamadii soo galay ee Maamulka Soomaali land.

Ciidamada Maamulka Soomaali Land ee weerarka soo qaaday ayaa sida ay ku warameen Saraakiil magaaladaas ku sugan waxa ay wateen Gaadiidka Dagaalka iyadoo sida wararku sheegeen in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa afar iyo Toban qof oo u badan dhinacyadii dirirtu u dhaxaysey.

Faysal Faarax oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Degaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in dhankooda ay ka dhinteen illaa afar qof qasaaraha dhaawucuna uu gaarayo illaa Labaatan kuwaa sidda uu sheegey u badnaa ama ay ku jireen Dad Rayid ah.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Degaanka Buuhoodle ayaa sheegey in ay u suurta gashay dhinacooda in ay magaalada ka saaraan Ciidamadii soo galay degaankaas.

Faysal Faarax ayaa intaa raaciyay in ciidamadii soo galay magaalada in ay gaysteen Khasaare fara badan isagoo xitaa sheegey in ay bililiqaysteen goobihii ganacsiga waa siduu hadalka u dhigaye.

Sarkaalkan ayaa hoosta ka xarriiqay in uu jiro bur bur fara badan oo soo gaaray Guryaha qaarkood ka gadaal markii Ciidankii soo galay magaalada si arxan la’aan ay ugu garaaceen madaafiic waa siduu sheegayo sarkaalkane.

Xaaladda ayaa iminka u muuqanaysa mid deggan iyadoo aysan jirin wax dagaal ah oo xiligan soconaya walow la dareemayo xiisado iyo kacsanaan weli halkaa ka jirta.Si kastaba dagaalkan ayaa imaanaya xilli Maalinimadii shalay khudbad uu jeediyay Axmed Siilaanyo uu ku tilmaamay Shirka Khaatumo Labo inuu yahay mid lagu kala qaybinayo Soomaali land isagoo dhinaca kalena ku goodiyay in shirkaasi wax natiija ahi ka soo baxayn.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.