Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Kenya oo Shan Caruur oo isku Qoys ah ku diley Degmada Jilib

Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Kenya ayaa Duqeeyey maanta Magaaladda Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubadda Dhexe waxaa dadka deegaanka ayaa sheegeen in Diyaaradaha ay ahaayeen laba diyaaradood oo noocoodu ahaa kuwa dagaalka waxayna Bombooyin la dhceen Goobo ay ku sugnaayeen dad Rayid ah.

Duqeyntaan ayaa wararka ugu horeeya oo ka soo baxay ay tibaaxeen in ay ku dhinteen Qoys ka koobnaa lix qofood waxaana ka mid ahaa dadkii halkaa ku dhintey Shan Caruur oo la sheegey in Hooyadu ay ku maqneyd Suuqa sidoo kale Aabaha dhaley Caruurtaas ayaa isna ku maqnaa Howl Dacwo dineed gaar ahaa wuxuu ka mid ahaa Culimada Tabliiqa.

Dadka deegaanka ayaa u gurmadey Qoyskaas iyadoo Hooyadii dhashey Caruurtaas ay Miyir doorsoontey ka dib markii ay indhaha ka qaadey Shan Caruurteedii oo dhamaantood Geeriyoodey , iyadoo wararka naga soo gaaraya Deegaankaas ay sheegayaan in dadka Deegaanka ay ka muuqato Caro weyn.

Waa markii labaad oo ay diyaaradaha Kenya ay Duqeeyaan Magaaladaas waxaana ka horeeyey markii Diyaaradaha Kenya ay Duqeeyeen meel ay degenaayeen dad Barakacayaal ah oo markaas ka soo laabey Deegaano kale oo ay u tageen in ay nafsadooda ku badbaadsadaan markii ay Abaar ka dilaacdey Deegaanadii ay degenaayeen .

Dowladda Kenya ayaa maalmahaan looga bartey in marka ay duqeyso goobo ay ku sugan yihiin dad rayid ah ay tiraahdo waxaan duqeyney Xarumo ama saldhigyo ay leeyhihiin Xarakada Al Shabaab iyadoo la og yahay in Xarakada Sahabaab aysan lahayn saldhigyo loogu soo hagaago

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.