Home » Maqaallo »

Nadwadii Boosaaso iyo Waxyaalihii Laga Bartay (Qaybta 1aad)

Waxaa markay taariikhdu ahayd Janaayo 6, 2012 ka dhacday magaalda Boosaaso nadwo loogu magac daray MAQAASIDU SHARIICAH, nadwadaas oo ka dhacday masaajidka Rawdah ee bartamaha magaalada. Taas oo ahayd nadwo ay culumada gobolku isugu yimaadeen tan iyo intii Dr. axmed X. Cabdiraxmaan lagu dilay magaalada Boosaaso dhexdeeda, waxaa moodaa in shacabku aad u daneeynayeen markii la iclaamiyey nadwadaas. Haddaba waxaan isku dayaynaa in aan soo koobno waxyaalihii laga bartay markii ay nadwadaasi dhamaatay. Sababaha keenay in aan wax ka qorno waxaa ka mid ah in waayadaan dambe dadku ay aad iyo aad wax u akhriyaan oo laga yaabo dad badan oo aan dhagaysan maxaadaraadkaas in ay u fududaato inay akhriyaa.

waxaa nadwadaa ka soo qayb galay culumadii gobolkaas intoodii badanayd, waxaana ka mid ahaa:
1. Sheikh cabdiqadir Nuur Faarax
2. Shiikh Daahir aw Cabdi
3. Shiikh Fuaad Maxamud Nuur
4. Shiikh Axmed Daahir
5. Shiikh Axmed Macalin
6. Shiikh Axmed C/samad

Waxaan inshaa allah tacaala ka hadli doonaa si kooban oo aad iyo aad u urursan mawaadiicada iyo waxyaalaha muhiimka ah ee uu sheekh walba uu kaga hadaly, anagoo isku dayayna inaan u kala hor marino sida ay ukala horeeeyeen maxaadarooyinku. Waxaan mahad gaar ah usoo jeedinayaa walaalah hawl wadeenada ka ah shabakada lagu magacaano www.halgan.net oo iyagu isu xil saaray waqti badana ku bixiyey inay noo soo gudbiyaan maxaadaraooyinka. Hadal badani haan ma buuxshee aan idiin bilaabo waxyaalihii laga faaiiday maxaadarooyinkaas.

Sh. Cabdiqaadir Nuur Faarax
Waxaa u horeeyey oo goobta maxaadaradu ka dhacaysay ka hadlay Sh. Cabdiqaadir Nuur Faarax, wuxuu ka hadlay maqaasida ay shareecadu leedahay iyo in diintu gabi ahaanteedba loo soo dejiyey in ay ilaaliso shan waxyaalood oo kala ah:
1. Ilaalinta diinta
2. Ilaalinta nafta
3. Ilaalinta caqliga
4. Ilaalinta cirdiga
5. Ilaalinta maalka

Markii shiikhu intaa sheegay ayuu wuxuu xooga saaray midda u horaysa oo ah in diinta la ilaasho waxaana lagu ilaalin karaa waa jihaad oo jidka ilahay loo diriro, wuxuu sheegay shiikhu in jihaadku u baahan yahay in uu ilahay dartii noqdo oo qofka dagaalmaya laga doonayo ikhlaas. Wuxu sheegay axaadith arinkaas tilmaamaysa, wuxuu tilmaamay in marka hore laga shaqeeyo midnimada ummadda iyo in laga dhigo hal ummad. Wuxuu shiikhu sheegay in markii nabigu yimi magaalada Madiina uu ku bilaabay inuu ummadda walaaleeyo (almu’aakhaah) iyo inuu dhamaantood ka dhigay dad isku duuban.

Wuxuu shiikhu yiri nabigu wuxuu abuuray dawlad iyadoo waliba ay ku hareeraysnaayeen cadaw aad u tira badan oo yuhuud, mushrikiin, munaafiqiin iyo kirishtamba leh, laakin nabigu nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu xooga saaray sidii dadka loo midayn lahaa inta aan jihaad la galin. Wuxuu kale uu shiikhu sheegay in nabigu uu ku dadaalay in talada la wadaago oo umadu noqoto mid talo wadaag iyo wada tashi leh.

Intaa markii uu shiikhu sheegay ayuu yiri bal aan eegno sida ay ALSHABAAB jihaadka u fahantay iyo mawqifka ay ka joogaan. Wuxuu shiikhu ka waramay in markii kismaayo la qabsaday ay wada qabteen rag badan oo ka mid ah xarkaadka islaamiga ah sida:

• Al-shabaab
• Xisbul islaam
• Caanoole
• Raaskanbooni

Intaas oo xarako ayaa ka soo qayb galay qabashadii kismaayo danta guudi waxay ahayd in kitaabka ilaahya wax lagu xukumo, YAA ARINKAA FASHILAY? YAA ARINKAA BAABI’IYEY? WAXAY AHAAYEEN DADKA BAABI’YEY AL-SHABAAB. markii magaalada kismaayo la qabtay ayaa kooxda ALSHABAAB waxay iclaamisay in iyagu ay maamulka leeyihiin cidii khilaaftana ay la dirirayaan. Kooxihii kale waxay bilaabeen in ay ka cararaan si naftooda ay u badbaadiyaan, waxaa bilaabatay: qaxin iyo in dadkii ay qaxeen ilaa soomali badan ay gaalowdo si loogu qaado wadamada gaalada, waxa kale oo bilaabatay in ay dadka la gaalaysiiyo, dadk inay ugu yeeraabn magacyo sida MURTAD, waa RIDOWDEEN , CULUMAAU SUU iyo waxyaalo kale oo la mid ah.

Waxaa bilaabatay in la sameeyo iqtiyaalaat iyo in dadka lagu laayo masaajida agtood, wuxuu shiikhu suaal waydiiyey shacabki dhegaysanayey oo wuxuu yiri: waa kuma kan salaada subax ku soo tukada masaajidka oo aan baqin? Isagoo ula jeeday dadku inay soo tukan waayeen salaadii subax baqdin ay naftooda u baqayaan awgeed. Hadal muddo socday ka dib wuxuu shiikhu su’aal kale waydiiyey dadwaynihii wuxuuna ku yiri: YAA KEENAY GAALADA SOO GASHAY SOOMAALIA? Dabadeed wuxuu shiikhu tilmaamay inay ka dambeeyey in ay gaaladaani soo gasho AL-SHABAB.

Sh. Fuaad Maxamud Xaaji
Shiikh fuaad oo ka mid ah culumada gobolka ku dhaqan ayaa isaguna wuxuu sheegay inuu wax ka tilmaamayo XIFDINTA DIINTA. Wuxuu shiikhu yiri waxaa la doonayaa in bulshadu ku dhaqanto oo isku ilaaliso diinteeda, waxaa la doonayaa in diinta hadii lagu soo tacadiyo la doonayo in la ilaaliyo. Waxaxan anagu citiqaadsanahay in ummadda soomaliyeed dhamaan ay muslimiin yihiin, sidoo kale in laga helo in ay jiraan dad badan oo inxiraaf ka galay xagga diintooda. Waxaa jirtay xili in shareecada laysku xukumaa ay dambi tahay, in dhalinyaradu ay salaada ku tukadaan masaajidka ay ceeb tahay, iyo wax yaalo kale oo farabadan, ilaah mahadii culumo ayaa u kacday, culumadaas oo uu ka mid yahay sh.

Cabdiqaadir nuur faarax, waxaa kale oo aan soo gaaray iyadoo xijaabkii meel kasta gaaray. Diintii baa dadkii la baray. Dadka khasab lagu ma barin ee diin baa lagu qanciyey. Wuxuu ka hadlay mar ay tageen magaalada muqdisho sanadkii 2006 mar ay iskugu yimaadeen culumadu, waxaa madasha yimi rag culumada ihaanaynaya. Waxaa istaagay maalintaa DR. AXMED XAAJI CABDIRAXMAAN ilaah ha u naxariistee wuxuuna sheegay “waxaa ii muuqata kumaando seerjito oo uu tigree (xabashida) ka talinayo hadaan sida lagu socdo laga joogsan”. Nin kale oo ragga meesha fadhiya ka mid ah ayaa wuxu yiri DHIIGAYAGU INTA UU MUQDISHO GALO AYUU WASHINGTON KA SOO BAXAYAA, waxaa u jawabay sh.

Cali Warsame oo wuxuu yiri: WAR WASHINGTON HA INOO DAMBAYSEE MUQDISHO HA SII DAYNINA, taasi wxay ahay taariikh qoran. Waxaan maalintaa waydiinay ka warama shariif (shariif la soo gamay) waxay yiraahdeen amiirkayagii weeye waxaan la galnay beeco, shiikhu wuxuu sii raacsiyey “anagu waagaa amiir uma aqoon” wax yar ka bacdi waxay keeneen inay yiraahdeen shariif waa riddoobay. Waxaan kale oo aan waydiinay ka warama ninka INDHACADE la dhaho oo maalintaa yiri waxaan ku tukanaynaa adisababa, waxay ku jawaabeen indhacade tiknikadiisii iyo hubkiisii dhamaan wuxuu ku bixiyey fii sabiili laah (ilahay dartii), wax yar ka dib waxay yiraahdeen indho cadde wuu ridoobay, waxaa maalintaa madasha fadhiyey sh. Cabdiqaadir nuur faarax, shiikh axmed cabdisamad, shiikh cali warame iyo rag kale oo culumo ah.

Waxay maanta noqotay sidii Dr. axmed sheegay in kumaando seerjito uu tagree ka taliyo. Soomalidu waligood way iska celin jireen xabashida mana dhici jirin in Baydhabo ay soo dul marto diyaarad ay leedahay xabashidu, iska daa xabashi Soomalidu waxay quusiyeen ingiriiskii iyo talyaani, tixi laga triryeyna waxaaa kamid ahaa ayuu yiri shiikhu:

War nin guduudni dhulkayga
Haduu soo gardaraysto
Afrikaa gubanaysa
Isna waa go’ayaa
Galow baa ku ciyaaya
Garyanba Geesta kismaayo
Godin aan u afaystiyo
Gamuun baan kaga saaray
Ingiriisna geesta waqooyi
Galab buu ka caraabay
Oo gogoshiisa ka laabtay
Garangoori af dheer iyo
Maadigoo gafane ahbaa
Gablamow cirba taagsi
Isasoo gundhinaayoo
Gayigayga damcaaya

mingiste ayaa saa lagu lahaa, taariikh bay ahayd, waagaasna shabaab ma joogin, wuxuu kale uu cismaan yuusuf keenadiid yiri:

Amxaarkana tixgalin iyo
Turaan lagama eegoe
Tolwaynaha ogaadeen
Tuu ku falay la maqal yoo
Barna toogay
Intii kalana xabsi buu ku tuuraye.

Taariikh bay ahayd deegaankaa waqooyina oday can ah oo habar yoonis ah oo lagu magacaabi jiray dhagax dhiig ayaa wuxuu maqaly nin xabashi ah baa waqooyi yimi oo yiri habar yoonis waxaa laga rabaa gibir (canshuur) markaas odogii intuu dhagax dhulka ka soo qaaday ayuu ku yiri dhagaxaan dhegtaada gali, sida dhagaxani aanu dhegtaada u gali karin ayuunan habar yoonin kibir u gali karin.

Waxaan idin leeyahay ayuu yiri shiikhu anagu gaalo raali kama nihin soomalina gaalo raali kama aha ee waa laga adkaaday, ee dadka hadaan laga celinayn cadowga yaan la dhiibin. Wuxuu kale oo shiikhu eedeeyey websityo lagu qoray dacaayado lid ku ah culumada soomaliyeed. Waxaa la qoray mawduuc la dhaho ma soo gaartay Gaal iyo wadaad gaar u wada taagan. Waxaa la soo galiyey Sh. Umal, sh. Shibile sh. c/qadir nuur iyo culumo kale. Waxaa la soo galiyey shikh cabdiraxman shiikh cumar, wuxu tilmaamay shiikh fuaad in uu dhigan jiray booli tikniko iskuulkii la oran jiray ee xamar ku oolaa culumada wax u akhrin jirtay waxaa ka mid ahaa sh. Cabdiraxmaan sh. Cumar ayuu tilmaamay shiikhu.

Sh. Axmed Cabdi Samad
Sh. Axmed cabdi samad oo ka mid ah culumada ku dhaqan gobolka ayaa wuxu tilmaamay in mawduucu yahay dagaalka u dhexeeya xaqa iyo baadilka. Markii ilaahay dadka u soo diray kitaabka in dadku u kala baxeen Mu’min iyo Gaal, markii ay kala baxeen waxay noqdeen laba xisbi oo ay qolo ku xiran tahay ilaahay laguna magacaabo qoladaas awliyadii ilaahay, kooxdii kalena waxay naqotay mid ku xiran ibliis oo loo yaqaan awliyada shaydaanka, waxaana u dhexeeya loolan ka soo bilaamay aabaheen aadan. Loolankaas u jeedadiisu waa in uu xaqa kaa celiyo. Waxaa ka mid ah meelaha duulaanku ku socdo xaga manhajka iyo aqoonta, waad ogtihiin in laysku dayey in la yiraahdo ha la bedelo xadiiskaa ama aayadaas.

Meelaha laysaga soo duulay waxaa ka mid ah xaga siyaasada iyo dublamaasiyada waxaana loo samaystay ururo gaar ah sida ururka qaramada midoobay. Sidoo kale duulaanka waxaa lagu soo qaaday xaga amniga, amniga laguu sheegayana waa la dagaalamka diinta. Shikhu wuxuu sheegay in ay gaaladu duulaan soo qaado waxay ka jeceshahay in umada gudaheeda laga soo galo oo iyaga laysku diro, oo dhaqankeeda iyo caqiidadeeda la khaldo.

Shiikh axmed cabdisamad waxaa uu tilmaamay waxyaalaha waawayn oo khaladka ah waxaa ka mid ah in la sameeyey uruuro badan oo ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah leh oo ay shacabku u maleeyaan in ururadaasi ay xaq yihiin. Ku waas waxaa ka mid ah kuwii ka jiray Jazaair oo umada muslimiinta lagu baabi’iyey, dagaalkii ciraaqna waa mid laga fahmi karo in ummadda lagu baabi’iyey magac urur sida muqaawamo iyo wax la mid ah.

Haddaba suaashu waxay tahay maxay dadku u fahmi waayeen arinkaas? Jawaabtu waxaa weeye dadka oo u arka in dhaqdhaqaaq yadaa socda ee muqaawamaadku ay dhab ka tahay oo ay u hiilinayaan diinta islaamka. Shiikhu wuxu ka hadlay in jihaadku yahay wax ilahay jideeyey, laakin diintoo dhan jihaad maaha, waa qayb ka mid ah diinta. Dad baa yimi oo diinta ku duminay iyagoo isticmaalaya magaca jihaadka.

Shiikhu wuxuu ka hadlay bilaabitaankii ururka SHABAAB iyo cida abuurtay iyo in ay ku jiraan rag badan oo cilmi leh laakin waxaan shaki ku jirin ayuu yiri in ay waddo khaldan qaadeen, shiikhu wuxuu tilmaamay in culumada lagu eedeeyey in ay mujaahidiintii kala direen laakin waxaan cadaynaynaa hadii culumada saa lagu eedeeyey waxaa ka dambi badan shabaabka laayey mujaahidiinta, waxay shabaabku laayeen ragii RAASKAMBOONI, IYO RAGII XISBU ISLAAM oo uu watay shih xasan dahir.

Waxyaalaha lagu yaqaano al-shabaab waxaa ka mid ah in ay laayeen dadka intii ka dhaqdhaqaaysay. Waxaa kale uu shiikhu ka hadlay in shabaabka lagu yaqaano inay hor ordaan gaalada oo meel kasta oo ay gaaladu soo gasho way ka tagayaan waxaad moodaa inay leeyihiin naga daba imaada. Dad badan oo gobolada koonfureed ka mid ah in ay gaajo u dileen.

Wuxuu sheekhu waydiiyey dad waynaha in shabaab ay meel kasta burburiyaan maxay ka dheefayaan? Tusaale ahaan in boosaaso iyo hargaysa la qarxiyo maxay ka helayaan? Hadii xataa anaga ay noo haystaan inaan gaalo nahay sow quraanku ma oran la dagaalama gaalada idinku dhow? maxay u aadi waayeen xuduuda keenya iyo itoobiya oo iyaguna gaalo ah oo aad ugu dhow inta ay boosaaso iyo hargaysa ugu soo dirayaan ciidamo culumada laaya.

Wuxuu sheekhu shacabdka waydiiyey oo yiri: xilligaan lagu jiro oo ay ciidamo shisheeya wadanka soo buuxiyeen maxaa keenay in xarakada SHABAAB ay soo saarto in culumada la laayo? Miyaanan loo fahmi karin dadkii ka hor tagi lahaa ama ka hadli lahaa ha laga sii takhaluso? Haddaba waxaan idin leeyahay ururkaan ALSHABAAB shaquu hayey, shaqadii uu hayey intii ugu muhiimsanayd wuu qabtay, dacwadii salafiya ee si fiican u gashay koonfurta soomaliya si la yaqaan bay u burburiyeen. Dadka diintii bay ku direen.

Ummaddii way qaxiyeen. Waxay soo gaartay dadka in loo diyaariyey boqolkiiba boqol gaalo inay qabsato. Waxaan idiin sheegayaa ururkaa shaqadii laga lahaa koonfur waa qabtay. Hadda waxaan ka filayaa inay waqooyi iyo bari yimaadaan buuraha galaan oo gaalada soo hor kacaan oo diinta ina necbaysiiyaan oo gaalada ina jeclaysiiyan. “war ma ila socotaan horta” waxaad is dhahdeen wadaadku nimanka u daranaa, dad baa i waydiiyey maalin dhowayd horta nimanka hadaad belada ku ogaydeen maxaad noogu sheegi waydeen. Mar kale ayaan idiin sheegi doonaa, xoogaa aan ka ogaa baan idiin sheegay ayuu sheeku ku soo gebagebeeyey.

“AFEEF: WAXAAN TARJUMAY OO KALI AH MAXAADAROYINKII”

Waxaa qoray: C/qani Qardhaawi
qardhaawi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Nadwadii Boosaaso iyo Waxyaalihii Laga Bartay (Qaybta 1aad) "

  1. sulaiman says:

    Bismillah. Assalamu calaykum.
    waa arin loobaahanay yahay in nadwada oo qoraal ah loo helo .sheikh c/qani aad ayuu u mahadsan yahay howlaha uu wado sida qaraalka khudbadii ama muxaadariggi sheikh c/qaadir uu ka jeediyey shirkuu garoowe.
    xoogaa si bey isugu qasan tahay baan fili hadalada culimaa mise aniga ayey ila noqotey !!??