Home » Warar »

Magaalada Wajeer Weerar ka dhacay oo lagu diley Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Wajeer ee Waqooyiga Bari ee Dalka Kiinya ayaa sheegaya in barqanimadii maanta Kooxo Hubaysan ay weerar ku qaadeen Ciidamo Kiinyaan ah oo Magaaladaas ku sugnaa.

Weerarkan ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay Illaa Seddax Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Kiinya halka tiro intaa ka badanina ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Xukuumadda Kiinya Mr Ereg oo goor dhaweyt Saxaafadda la hadlay ayaa qiray dagaalkaas barqanimadii maanta ka dhacay gudaha Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in Ciidamadoodu ay iska difaaceen dibna isaga waabiyeen kooxihii duulaanka ku soo qaaday magaalada Wajeer isagoona dagaalkaa ku eedeeyay in ay soo qaadeen Xarakada Shabaab.

Afhayeenka ayaan sheegin si rasmi ah in Dagaalkaasi ay ka dambeeyeen Xarakada Shabaab wuxuuse farta ku fiiqay in ay haayeen Rag ka soo tallaabay dhinaca Xadka Soomaaliya isagoona intaa raaciyay in ay adeegsanayeen Hubka fud fud iyo walxha qarxa.

Mr Ereg afhayeenka ayaa sheegey inuu jiro khasaare ballaaran oo ay gaarsiyeen Ciidamadooda dhinicii dagaalka soo qaaday walow uusan si rasmi ah u sheegin Khasaaraha ay gaysteen ciidamadooda.

Hase yeeshee Warar aan ka helney dadka Deegaanka ayaa noo sheegey in Geerida Ciidamda Kenya ay gaarayaan ilaa 7 Askari oo ay ku jiraan SADDEX Sarkaal oo Kenyaan ah iyadoo lagu waramey in gaarigii ay wateen Ciidamadaas ay qaateen Kooxihii weerarka ku qaadey Ciidamada Kenya iyagoo kala gudbey Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana lagu waramey in Gaariga ay saarnaayeen Tiro Ciidamada Kenya oo Maxaabiis ahaan loo watey.

Ma aha markii u horeeyay ee Magaalooyinka ku yaala waqooyiga Bari ee Kiinya oo dagaalo noocaan ah ay ka dhacaan dhawaan ayaanay ahayd markii sidan oo kale Weeraro qaraxyo ah laga fuliyay isla magaalada Wajeer.

Magaalooyinka kale ee Mandheera iyo Dhagaxleey ayaa sidoo kale weeraro kuwaa la mid ah lagu qaaday taasoo lala beegsanayay Ciidamada ammaanka ee dalka Kiinya.

Tan iyo markii Ciidamada Kiinya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya waxaa soo badanayay qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah ee ka dhacayay gudaha dalka Kiinya.

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Kiinya ay soo saartay baaqyo ku aadan Dagaalo laga filan karo Xarakada Shabaab oo ka dhaca gudaha wadanka Kiinya taasoo ciidamadooda Feejignaan dheeraad ah la galiyay.,Si kastaba Dagaalka Wajeer ee maanta ayaa imaanayaa xilli Xiisadda Xadka ee Kiinya iyo Soomaaliya ay Cirka isku sii shareereyso isla markaana ay sii kordhayso Cabsida halkaa ka jirta.

W/D Amiin uusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.