Home » Warar »

Xildhibaan Mowliid Macaani oo Been Abuur ku Tilmaamey War Murtiyeedkii ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ee lagu Taageerey Shariif Xasan

Xildhibaan Mowliid M acaani oo ka tirsan Xildhibanadii dhawaan xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamanka ayaa wa raysi uu siiyay warbaahinta wuxuu kaga hadlay Go’aan la sheegey in uu ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD oo ku baaqayay in xil ka qaadistii Guddoomiyaha Barlamanku aysan ahayn mid sharci ah.

Xildhibaan Macaani ayaa sheegey in baaritaano dheer oo ay sameeyeen iyo waliba xiriir ay la sameeyeen Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ay u caddaatay in arrintaasi ay tahay Been abuur Cad oo la sameeyay.,Xildhibaanka ayaa sheegey in baaritaano ay sameeyeen ay ku soo Ogaadeen in Warkaas la sheegey in IGAD uu ka soo baxay ay ka danbeeyeen waa siduu hadalka u dhigaye Xildhibaan ka Tirsan Taageerayasha Shariif Xasan iyo Nin uu Sheegey in uu yahay Soomaali Kiinyaan oo Dilaal uu ku sheegay.

Xildhibaanka ayaa sheegey in ay garanayaan Ninka Dilaalka ah iyo waliba xildhibaanka u ololeynaya abuuritaanka Dukumintigan lagu magac been abuuranayo IGAD taasina uu sheegey in ay tahay arrin u taala IGAD.

Mowliid Macaani ayaa diiday gebi ahaanba cid hor joogsan karto in ay jirto Go’aanka ay gaadheen Xildhibaano uu sheegey in aqlabiyad ay wax meel ku mariyeen xitaa Haddii ay qaramada Midoobay arrintaa soo fara geliso.
Xildhabaan Macaani ayaa go’aankooda ku sheegey mid u oggolaanayo Cahdi qarameedka sidaa darteedna inta ay haystaan Qodobada 71ka ah ee Sharci ahaanta ay u haystaan inaysan qaadanayn wixii ka soo haa oo kale.

Xildhibaanka oo ay Caro aad ahi ka muuqatay ayaa sheegey in ninka Kiinyaanka ah ee Dukumintigan Been abuurka ah sameeyay sheegeyna in IGAD ay sharci darro ku tilmaantay Go’aankii Barlamanku qaatay in ay tahay arrin Xad gudub ku ah sumcadda IGAD sidaa darteedna loo baahan yahay in ay daba gal ku samayso dukumintiyadan laga been abuuray.

Dukumintigan oo sida la sheegey lagu faafiyay meelo fara badan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu gebi ahaanba ka soo hor jeeday Go’aankii ay xilka kaga qaadeen Xildhibanada Barlamanka qaarkood guddoomiyihii Barlamanka Shariif Xasan.,Si kastaba hadaladan aan loo kala hareynin waxna la isula hareyn ayaa waxa ay u muuqanayaan kuwo khilaafka meeshii uu taagnaa marba marka ka danabaysa ka sii durkinaya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xildhibaan Mowliid Macaani oo Been Abuur ku Tilmaamey War Murtiyeedkii ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ee lagu Taageerey Shariif Xasan "

  1. xildhiban Mowliid macaani,waa nin dacada u ah dadkiisa iyo wadankiisa,waxaan aad uga farxi lahaa inay xildhibaano badan oo sidi Macaani aan calooshood u shaqaystayaal ahayn ku jiraan Baarlamaanka.Macaani waxaad noo tahay tusaale xildhibaan aan la gadan karin .Mahadsanid .waan ku garab taaganahay anogoo ah somalida Germalka degan.
    Abdirisaaq Noor(Nürnber/Germany)

  2. warsame says:

    Dhaba ahaantii hadii baarlamaanku fahmo in dalka ay ka dhacday ku tagri falid awoodii madaxweeyne nimo iyo ku tagri falid awoodii afhayeen baarlamaanimo taasoo loo adeegsaday arimo ka soo horjeeda axdiga kumeel gaarka ah ee udagsan dawlada kumeel gaarka ah oo ah aas aaska iyo gundhiga ayku shaqeeyaan baarlamaan xukuumad iyo madaxweeynaba. waa la xaqiray sharcigii dalka waa lagu tuntay oo waliba waxaa lagaar siiyay xad shisheeye lagu wareejiyo masiirkii umada soomaaliyeed awoodii baarlamaan tii xukumadeed tii madaxweeyne tii afhayeen wixii oo dhanba shisheeye ayaa la hoos geeyay.

    Waxaad hada aragtaan xildhibaanadii oo jahawareer san oo ka cabsanayaba in IGAD amar ku soo rogto!!! oo xagee caalamka lagu arkay baarlamaan la fara galiyo oo shisheeye awoodiisa ka qaado? go aanka baarlamaanka maxaa ka khuseeya UN. IYO IGAD???

    Dalaka masoomaali baaleh mise ugaandhaa leh? mise ninkaan shaqaalaha ah oo bariba shaqadiisu dhamaanayso u dhashay TANZANIA ayaa leh arimaha soomaaliya? baarlamaanku sharci hor imankara oo shisheeye oo faragalinkaraa majiro dalkoodana iyagaa leh taladooda iyagaa leh xag bay uleeyihiin inay dalkooda khatarta ka saaraan oo tuuran madaxweeynaha maxkamadna soo saaraan inay tuuran afhayeenkii baarlamaanka xaqbay uleeyihiin inay midkale doortaan waa sharci xaqay uleeyihiin yaa orankara baarlamaan matihiin? talada dalkiina go aan kama gaari kartaan? soomaali matihiin? yaa orankara oo soo hor istaagi kara? waa ma jirto cid hor imankartaa.

    Hadaba yaysan cabsan baarlamaanku caalamka iyo soomaaliba way arkaan inay xaq uleeyihiin bad baadinta dalkooda iyo balantii ay u qaadeen shacabkooda.haday ku tagnaadaan arintaan ay xaqa uleeyihiin cidna aanay uga daba fadhiyin difaaca madaxbanaanida soomaaliyeed way guulaysanayaan daba dhilifyada shariifyada ah way tuurayaan waana arin ay cidna uga haybaysanaynin oo xaq ah sharcina ah.

    Haday go aankooda ka dabcaan waa sidii la rabay in yar oo qabyaalad lagu soo xushay baa laga soo reebi inta kale waa lakala cayrinayaa sida hada qorshuhu yahay labadii shariif dan kamalaha waxa dhacaya waa ku raaxaysanayaan mar dhaw waxaa soo fara galin IGAD IYO MAHIIGE waana la dhamayn oo ah macnuhu waxaa lagaari xiligii inyar laga soo reebi lahaa intakalana la kala diri lahaa.

    Hadiise ay hada mooshin dagdag ah oo madaxwaynaha ah qaadaan oo ridaan ileen xaqbay uleeyihiine waxay markiiba doorankaraan madaxweeyne kaasaana noqonaya madaxweeyne sax ah baarlamaankuna waa shaqaynayaa soomaalina halkaasay uga bad baadaysaa dhagarta labada shariif ee u shaqaynaya ajanabiga.

    Hada awood baarlamaan baad leedihiin madaxweeyne hadaad doorankartaan maxaad sugaysaan oo idiin haray? aduunku waxaad rabtaan unbuu racaaya ninkastaa ha hadlo taa ogaada laakiin marka hore waa laydin handadayaa dhabtuse ninwalbaa wuu quusan wuuna idin raaci idinka shacbaka soomaaliyeedna dal iyo dibad waa idin raacsan yahay tiro badana waa tihiin tiinaa socon. laakiin ogaada hada arintu waa laba 1.qarankiina korkiina lagu wareejiyay idinkoo foorara 2.idinkana khadkaa laydinkasaarayaa lasocda. sidaasay ilatahay