Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Djibouti

Warsxaafadeed kasoo baxay DFKMG ayaa ku bilwoday sidan:

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta gaaray magaalada Djibouti oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa gegida caalamiga ah ee dayuuradaha ee Djibouti si heer sare ah ugu soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte iyo marwadiisa, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Hamud Abdi Sultan iyo wasiiro kale, waxaa sidoo kale soo dhoweynta ka qeybqaatay Safiirada labada dal Abdirahman Guulwade iyo Dayib iyo wasiiro, wasiiro kuxigeeno ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya oo sii joogey dalka Djibouti.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaskiisa Prof Hodan Isse, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Abdullahi Godah Barre, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda iyo Dekedaha Said Qorshel, La-Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ahna AfHayeenka Xukuumadda Eng. Yarisow, Madaxa Baratakoolka Dool, Ali Islaan iyo mas’uuliyiin kale.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inay labada dal ka wada hadli doonaan arrimaha xiriirka wallaaltinimada dhabta ah ee qotoda dheer ee ka dhexeysa labada dal, arrimaha amniga iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin Roadmap ka iyo sidii xilliga kala guurka ah looga gudbi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti, Dowladda iyo shacabka Djibouti u gudbin doona fariin uu uga sido Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana uu Ra’iisul Wasaaraha ugu mahadcelin doono shacabka iyo Dowladda Djibouti sida ay marwalba u garab taaganyihiin wallaalahood Soomaaliya.

 

 

 

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.