Home » Warar »

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyed ee PuntLand ayaa ugu Baaqay Odoyaasha Soomaaliyeed in ay soo Xulaan Xildhibaano u Qalma Barlamaanka

Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud Faroole oo ka hadlayay Munaasibad lagu xusayay Sanad Guuradii 3aad ee ka soo wareegtay Markii Talada qabtay ayaa halkaa ka jeediyay Khudabad dhinacyo badan taabanaysey.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii amaanay maamulkiisa kaasoo uu sheegey in uu soo celiyay wax badana ka qabtay arrimaha dhaqaalaha Siyaasadda iyo dib u dhiska PuntLand.

Cabdiraxmaan faroole ayaa dhaliilay Rag uu ku sheegey in ay ka tirsanaayeen Maamuladii isaga ka horeeyay kuwaasoo uu sheegey in ay ka  hadlayaan Bushashaka dhexdooda  isla markaana doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan Siyaasadda PuntLand kuwaasoo uu sheegay in ay hore ugu fashilmeen Maamulkii ay hayeen.

Madaxweynaha PuntLand ayaa sidoo kale ku faanay in arrimaha Siyaasadda Soomaaliya in ay door weyn ka ciyaareen gaar ahaana shirarkii wada Tashiga ee kii u danbeeyay ay iyagu marti geliyeen  isagoona si gaar ah u soo qaatay in ay lahaayeen Talada Ra’iisul wasaaraha Maanta oo ka soo jeeda Degaanada PuntLand.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka hadlay sidoo kale arrimaha nabad gelyada isagoona sheegey in Cadow isu soo kaashaday bur burinta Puntland ay dalka ka saareen isla markaana ka hor tageen isagoona Tusaale u soo qaatay Xarakada Shabaab oo uu sheegey in ay doonayeen in ay soo galaan  degaanada uu ka arrimiyo Maaulkiisa.

Sidoo kale ayuu ka hadlay Madaxweyne Faroole Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida isagoona sheegey in maamulkiisu uu ku guulaystay inuu wax badan ka qabto Dagaal cadna ku qaado Kooxahaas oo uu sheegey in inta badan ay ka suuliyeen degaanada uu maamulkiisu ka taliyo .

Mar uu Faroole ka hadlayay  arrimaha Dhaqaalaha ayuu sheegey in Maanta ay awoodeen in Mushaaraad ay bixiyaan isagoo qoladii ka horeyseyna ku dhaliilay in sedax sano oo ay shaqeynayeen in ay awoodi waayeen in ay Mushaaraadka bixiyaan taasoo uu sheegey in Isimada iyo wax garadka PuntLand ay soo qaaraamaan Mushaaraadkii ay qaadan lahaayeen Shaqaalaha Maamulka.

Ugu danabayntii ayuu Madaxweyne Faroole ugu baaqay Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed  in ay soo xulaan Xildhibanadii Barlamanka Soomaaliya Fariisan lahaa Mustaqbalka isagoona ka codsaday in aysan soo xulin Xildhibaano Baarlamanka Jabsada sidii Tuugadii,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.