Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Soddon Neef Ari ah ku diley Deegaanka Daable ee Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya Gobolka gedo ee Koofurta Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Kiinya ay mar kale Duqeeyeen Degaanka Daable oo hoos yimaada Degmada Garbahaareey.

Duqeyntaan diyaaradaha dagaalka Kiinya ayaa la sheegey in ay ku dhaawacmeen laba Ruux oo Rayid ah isla markaana ay ku dhinteen illaa Soddon Neef oo Ari ah.

Warku wuxuu intaa ku daray in duqeyntaasi sidoo kale ay khasaaro ka soo gaartay Tawarka Shirkad Degaankaas saldhig ku leh halkaasoo Madaafiicdii ay tuurayeen Diyaaraduhu ay wax gaarsiyeen.

Odoyaasha Deegaanka ayaa duqeyntaaso cambaareeyay iyagoona sheegey in diyaaradaha Kiinya ay bar tilmaameedsanayaan goobaha ay dadka rayidka deggan yihiin iyagoona ugu baaqay Xukuumadda Nairoobi in ay joojiyaan duqeynta ay ka gaysanayaan goobaha dadka rayidku deggan yihiin.

Arrintaas ayaa waxaa beeniyay xildhibaan Maxamuud Seyid Aadan oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo sida uu sheegey iminka ku sugan magaalada Garbahaareey isagoona sheegey in meellaha la duqeeyey ay yihiin Goobo ay degenaayeen Xarakadda Alshabaab

Xildhibaanka ayaa Duqeynta qiray wuxuuse diiday in duqeyntaasi ka dhacday gudaha Magaalada isagoona sheegey in duqeyntaasi ay ka dhacday meel loo yaqaano Siinka Dheere.

Si kastaba Duqeyntii u danbeysey ee lala beegsaday Degaanka Daable labadii Ruux ee ku dhaawacantay ayaa dhaawacooda waxaa loola cararay magaalada Garbahaareey halkaasoo iminka lagu dabiibayo. Iyadoo dhinaca kalena uu bara kac xoog lihi ka bilowdey degaanka Ceel Cadde iyo degaano kale oo hoos yimaada Faafax- Dhuun halkaasoo ay dadku ka cararayan Duqeynta aan loo meel dayeen ee Ciidamada Kiinyaanku ku hayaan muddoyinkan Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.