Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha DFKMG iyo Wafidi uu hogaaminayo oo booqday B/weyne

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada B/weyne kulamona la qaatay qeybaha Bulshada iyo saraakiisha Ciidamada

Muqdisho, January 6, 2012——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo dhowaantan ay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay kala wareegeen kooxdii nabadiidka ee Al shabaab, waxaana socdaalkan oo qaatay hal maalin galabta 6-dii maqribnimo ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo sawirada booqashada

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Aadan-cadde International ka qaaday isaga iyo wefdigiisa labo diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter) waxaana abaara sagaalkii subaxnimo ay ka degeen garoonka Ugaas Khaliif Airport halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha dowladda ee Gobolka Hiiraan, kuwa Itoobiya iyo xubno isugu jiray odayaal iyo waxgarad reer Hiiraan ah.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Jahweyn, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Cabdulqadir Maxamed Dhicisow, taliyaha ciidanka Xooga dalka Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo agaasimaha guud ee Xafiiska R/wasaaraha Mudane C/raxmaan Warsame (Burhan).

Wefdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey saraakiik kala duwan, odayaal iyo waxgarad waxayna yimaadeen magaalada iyaga oo ku hakaday Jaamacadda Hiiraan University halkaasoo ay kulamo iyo qado kula qaateen qeybaha kala duwan ee reer Hiiraan, waxayna kala hadleen sidii loo xoojin lahaa ammaanka iyo kala dambeynta horeyna loogu sii wadi lahaa howlaha xasilinta iyo nabadeynta dalka ee ka bilawday gobolada koofureed. Waxaana sidoo kale r/wasaaruhu uu ku wareejiyay saraakiisha dowladda daawo ay ugu tala galeen in la geeyo Isbitaalka guud ee magaalada si loogu daweeyo cid kasta oo ay howlgalada socdca wax ku noqda.

Odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan ayaa wacad ku maray inay is garabtaagayaan howlaha iyo qorsheyaasha dowladdu wado waxayna xuseen inay ka go’antahay in gobolada koofureed iyo gobolka Hiiraan uu helo maamul loo dhanyahay oo dadka degaanku raali ka yihiin, waxaana loo balan qaaday in loo dhisi doono maamul ay soo xuleen odayaasha, ugaasyada, waxgaradka iyo qeybaha reer Hiiraan.

Ra’iisul wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Ugaas Khaliif ayaa xusay in ujeedada booqashada magaalada Beledweyne ay aheyd sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada howlgalada ka bilawday goboladan, gaar ahaana Hiiraan kuwaasoo uu sheegay inay sii socon doonaan dhowaana ay ka xoreyn doonaan ciidanka xooga dalka oo taageero ka helaya dalalka deriska la ah Soomaaliya dhamaan gobolada ay xooga ku heystaan kooxaha xiriirka la leh Al qaacida ee Shabaab.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqdo magaalada Beledweyne oo ah magaalo facweyn muhiimad gaar ahna u leh Dowladda Soomaaliyeed, waxaana u mahadcelineynaa dhamaan ciidankii Qaranka ee xoreeyey magaalada waxaana rajeynayaa in sidan oo kale loo wada xoreeyo magaalooyinka dalka ee ay xooga ku heystaan kooxaha nabadiidka ah” ayuu yiri Dr. Cabdiweli intii uu ku sugnaa B/weyne.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho halkaasoo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen golaha Wasiirada, qaar ka mid ah xildhibaanada, saraakiisha ciidanka iyo haweenka gobolka.

– DHAMAAD –

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafidi uu hogaaminayo oo booqday B/weyne

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay Magaalada B/weyne oo dhawaan gacanta dowladda kusoo laabtay lagana saaray maleeshiyaadka kooxda xagjirka ah ee Alshabab oo ku xiran ururka Alqaacida.waxaana si diiran u soo dhaweeyay shacabka iyo Hogaamiyaasha Ciidanka qalabka sida ee ku sugan Magaaladda.

Ujeedadda Safarka Wafdiga ayaa waxaa ay tahay in ay u kuur galaan xaaladda Shacabka B/weyne,
xaaladda Amaanka, iyo tan ciidamada ee Gobolka Hiiraan. waxaana Raiisul Wasaaraha iyo
wafdigiisu kulmo la qaateen Hogaanka Ciidamada Soomaaliyeed, waxayna ka hogaanku warbixin ka
siiyay wafdiga sida uu u socodo ololaha ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabab, iyo sida lagu
xureynayo magaalooyinka harsan ee ku jira gacanta argagixisadda.

Dhanka kale Raiisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku bogaadiyay ciidamadda qalabka sida guusha ay
ka soo hooyeen gobolka hiiraan kuna booriyay iney dadaalkooda sii labalaabaan ilaa laga xureynayo
dhamaan deegaanada ku jira weli gacanta argagisada alshabab, Waxaana uu ugu baaqay Raiisul
Wasaaruhu dhamaan Hay’addaha gargaarka iney yimaadaan Magaalada B/weyne si ay u gargaaraan
shacabka.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Ra’isul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka
Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada
iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn,Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo
Iskaashiga Caalamiga Mudane C/laahi Goodax Barre,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka
Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan.

Dhamaad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.