Home » Warar »

Madaxweyne Shariif Oo Ka qeybgalay Munaasabad Lagu Soo Bandhigayay Waxqabadka Maamulka G/Banaadir Ee Sanadkii Tagay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka maamulka gobolka Banaadir ee sandkii tagay.

Xafladda Mudaanasabadda oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Banaadir isla markaana uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Shariif, wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, ururada bulshada rayidka, ururada haweenka, iyo mas?uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka.

Hobolada Waabari, Barbaarta gaashaaman, iyo kooxda Baambeyda Asluubta ayaa soo bandhigay madadaalo ay jecleysteen kasoo qeyb galayaashii munaasabaddaasi.

Waxaana furiyaankii munaasabaddaasi ayaa waxaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ka hadlay waxqabadka maamulkiisa ee sanadkii 2011-ka iyo qorsha yaasha sanadkan cusub, isagoo soo bandhigay horumarro farabadan oo maamulku gaaray kuwaas oo u badanaa adeegyadii bulshada oo intooda badan dib loo soo nooleeyay sida nadaafadda, suuqyo iyo kawaanno cusub oo la furay iyo horumarro kale oo aan la soo koobi Karin.

Intaa kadib waxaa sidoo kale hadalo qiimo badan munaasabaddaasi kasoo jeediyay Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu horreyntii waxa uu maamulka gobolka ugu hambeelyay horumarka iyo waxqabadka muuqda ee sanadkii tagay wuxuuna ku dhiirigeliyay maamulka gobolka in uu sii kordhiyo waxqabadkiisa isagoo shacabkana ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan Amaanka iyo isdhexgalka bulshada.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u ballanqaaday 10,000 Toban Kun oo Doolar degmadii ku guuleysta is dhexgalka Bulshada, isagoo amaan u soo jeediyay dadaalka ay muujiyeen degmooyinka gobolka Banaadir waxa uuna rajeeyay in muddo kooban looga budbi doono dhibaatadii muddada dheer dalka ka taagneyd.

Waxaana gunaanadka munaasabaddaasi ay kusoo dhamaatay iyadoo dadkii kasoo qeyb galay ay jecleysanayeen iney wali sii socoto.

Mohamed Yusuf

Press Officer office of the Mogadishu Mayor,

Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.

Mogadishu-Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.