Home » Warar »

Xukuumadda Itoobiya oo Sheegtay in Gelitaankii Soomaaliya uu ka Danbeeyay Codsi uga Yimid Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladda Federaalka

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Itoobiya ee magaciisa ka gaabsaday oo waraysi siiyay warbaahinta Caalamka ayaa ka war bixiyay gelitaanka Ciidamadooda ay galeen gudaha Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Beled Weeyne ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaalkan ayaa sheegey in gelitaanka Soomaaliya ee Itoobiya uusan ahayn mid iska yimid balse ay jireen codsiyo uga yimid Urur Goboleedka IGAD wadamada ku jira iyo waliba Xukuumadda Soomaaliya oo iyaduna arrintaa soo dhaweysey.

Hawl galkan ayuu ku sheegay sarkaalka u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya mid lagula dagaalamayo Xarakada Shabaab oo uu sheegay in ay caqabad ku tahay Mandiqadda Geeska Afrika..

Ma aha markii u horeeyay ee Ciidamada dalka Itoobiya ay soo galaan gudaha Soomaaliya waxayna dabayaaqadii 2006dii gudaha u soo galeen magaalada Muqdisho halkaasoo dagaalo Muqaawama ah ay kala kulmeen Xarakada Shabaab oo markaa haysatay Taageerada inta badan shacabkii Muqdisha.

Hawl galkii Itoobiya ay ku fara gelisey Soomaaliya 2006 dii ayaa guul darro ku dhamaaday ka gadaal markii ay u caal weeydey in xoogaggii ka soo hor jeeday ay ka saarto Magaalada Muqdisha taasoo keentay ugu danbayntiina Itoobiya in si deg deg ah ay ciidamadeeda ugala baxdo Magaalada Muqdisho iyo qaybihii kale ee ay dalka kaga sugnaayeen.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda Addis ababa goor sii horeysey ayaa sheegay in gelitaanka Itoobiya ee xiligan ay galayso Soomaaliya uu ka duwan yahay kii hore isla markaana ay xiligan taageerayso Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom gaar ahaana dhinaca Lojistikada.

Sarkaalkan u hadlay wakaaladaha wararka Caalamka ayaa hadalkiisa ku daray in Dawladda Itoobiya aysan wax dan ah ka lahayn Soomaaliya gelitaankan ay iminka gashayna uu yahay mid lagu Riixay gaar ahaana isagoo soo qaatay Kulankii Madaxda IGAD ay kal hore ku yeesheen Magaalada Addis ababa kaasoo si weyn loogu lafa guray xaaladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Siyaasiinta Soomaalida ayaa arrinta fara gelinta Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya si gaabis ah uga hadlay iyadoo ay jiraan siyaasiin fara badan oo arrintaa soo dhaweeyay kuna macneeyay Taageerada Dawladda ku meel Gaarka ee Itoobiya ka imaanaysa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Feerka iyo laadka ka dhacay Barlamaanka DFKMG Dec 2011

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.