Waxaa maanta Xarunta Hayadda Wanle Weyn Human Rights ee Magaaladda Muqdisho ka dhacdey Laba Munaasabadood oo mid ay ahayd Xuska Sannad Guurada 10-aad ee Aas-Aaskii Hayadda xaquuqda Adanaha ee Wanle Weyn Human Rights iyo Xuska Sannad Guuradda 1-aad ee Wargeyska Xushmo Press oo ah Wargeyska ay soo saarto Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle weyn kana faalooda arrimaha Xaquuqda Aadanaha, Baniaadanimada , Nabadda iyo dib u heshiisiinta
Xuskaas loo sameynayey Hayadda Xaquuqda Aadanaha Wanle Weyn iyo Wargeyska Xushmo Press ayaa ugu horeyn waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Hayadda xaquuqda Aadanaha ee Wanle Weyne ahna Gudoomiyaha Wargeyska Xushmo Ing Sidow Xasan Mahdi oo sheegey in Mudadii dheereyd ee ay jirtey Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle Weyn ay qabatey Barnamijyo fara badan oo la xiriira xaquuqda Aadanaha kuweaas oo isugu jirey Siminaaro ,Tababaro iyo doodo ku aadan Xaquuqda Aadanaha , Nabadda , dib u heshiisiinta iyo Barnaamjiyo Hormarineed sidoo kale Ing Sidow wuxuu sheegey in Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle weyne in ay Calaamadeysey 10-kii sanno ee ay jirto ama ay diwaangelisey Xadgudubyo fara badan oo ka dhacay wadanka Gudhiisa goor ay ahaataba kuwii geystey Xadgubyadaas Cadaalada la horkeeni doono
“Hadii aan soo koobno xaalada guud ee xuquuqda aadamaha ee soomaalida waxaan ku tilmaami karnaa mid ay weli taagan aysan weli ku guuleysan Dawlada Federaalka Ku meel Gaarka ah iney si buuxda u soo celisa amni iyo kala dambeyn ay shacabka isku laheyn karaan Waxaa dharaar cad la geystaa dilal qorsheysan, qaraxyo abaabulan oo ay inta badan ku dhacaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, taasoo u muuqata iney weli iska sii socdaan “waxaad doonto samee iskana dhex mushaax Magaalada aad ka sameysay falalka dilka ah iyo Qaraxaba taasina waa mid aan loo dulqaadan karin”ayuu yiri Ing Siidow Xasan Mahdi oo intaa raaciyey”Waxay Hayada ay aad uga Xun tahay Dilkii loo geystey dhawn Wariye Cabdisalaan Shiikh Xasan Xiis waxaana codsaneynaa in Cadaalada la horkeeno kuwii ka dambeeyey Dilkaas “
Ing Siidow mar uu ka hadlayey Wargeyska Xushmo Press wuxuu sheegey in ay maanta ku beegan tahay Xuskii Sannad Guuradii 1-aad ee Wargeyska isagoo sheegey in sababaha loo Aas aasey ay tahay sidii bulshadda soomaaliyeed loogu soo bandhgi lahaa Xadgudubyadda loo geysto bulshadda rayidka si Taariikh Ma Hadho ah ugu noqoto Dadka soomaaliyeed si loo helo taariikh saxan waxa kaloo uu sheegey in wargeyska lagu soo bandhigo Wararka ku aadan Horumarinta , Baniaadanimada , Nabadda iyo dib u heshiisiinta waxaa si Electoronic ugu qaybinaa Hayadaha samafalka,Haydaha Xaquuqda Aadanaha iyo qaybaha Bulshadda.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Spoortiga iyo Dhalinyarada Dr Aweys Shiikh Xadaad ayaa sheegey in aad ugu faraxsan yahay ka qaybgalka labadaan Munaasabadood ee lagu xusayo Sannad Guurada 10 aad ee hayada Wanle weyn Human Rights iyo Sannad Guurada 1 aad ee Wargeyska Xushmo isagoo sheegey in aad u soo dhaweynayo Halku dhiga ay Hayadu qaadatey ee sannadka 1012 ee ah XUSHMEE WARIYAHA wuxuuna Hayadda ugu baaqey in ay halkaa ka sii wado Hawlaha ee ururinta Xadgudubyada
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Hayadda u dooda Xaquuqda Qaxootiga Soomaaliyeed Mudane Cabdraxmaan Samater Abuu Xamza oo u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Munasabadaan isagoo u soo jeediyey Xarunta in ay laba jibaarto Howlaha ku aadan dhinaca ururinta xadgudubyada ka dhaca Dalka maadaama loo baahan yahay Xiligaan la diwaangeliyo Xadgudubyada xaquuqda Aadanaha
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk







comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.