Home » Faallo »

Dib u eegista 2011 iyo dhacdoyinkii ugu waa weynaa.

Waxay ahayd subax jimca ah 17/12/2010 dhamaadkii sanadkii hore markii uu dab jirkiisa qabadsiiyay wiil udhashay dalka tuunis, isala bishaasi 18keedii waxaa kacdoon sameeyay shacabkii magaalada uu kudhashay wiilkaasi, kacdoonkaasi cirka ayuu isku shareeray waxa uuna soo gaaray magaalooyinkii waaweeynaa sida caasimada tuunis.

14 bishii koobaad ee sanadka ayaa waxaa orad isku taabtay oo cagaha wax ka dayay,madaxwaynihii dalka tuunis Zaynul caabidiin Bin Cali, oo 23 sano gacan bir ah ku hayay dalka tuunis, arintii intaasi kuma aysan ekaan ee waxa ay dhiira galin siisay shacab badan oo carbeed oo dareenka wiilka reer tuunis oo kala qabay, 25 bishii koobaad ee sanadkan ayaa dalka masar waxaa hal mar aduunka ku baraarugay kacdoon shacab oo noociisa oo kala aan la arag, kacdoonkaasi oo ku gaba gaboobay in xukunka laga tuuray madaxweeyne mubaarak, oo isagana 30 sano gacan bir ah ku xukumayay dalka masar, mubaarak wuu is dhariijiyay wuuna diiday inuu kabaxa dalka hase ahaatee waxaa maxkamad lahor keenay isaga oo ku jira danbiisha danbiilayaasha.

17 bishii labaad ee sanadkan ayaa waxaa kacdoon ka bilawday dalka liibiya waxa arintaasi iyada ah ay u cunami waysay hogaamiyihii liibiya mucamar alqadaafi oo isaga xoog inuu ku maquuniya isku dayay, hasa ahaatee kacdoonkaasi ayaa sababay ugu danbeeyntiisii, filimkii reer qadaafi ay u daareen shacabka liibiya inuu dhamaado. Kuna dhamaado in ladilay aktarkii filimkaas qadaafi, qaxii reerkiisa, iyo dilkii qaar kamid ah jilayaashii filimkaas.

Iyadoo gacanta lagu dhigay wiilkii qadaafi Sayf al islaam oo ilaa hada gacanta oogu jiro hogaanka kacdoonka liibiya. Isla bishaasi bilawgeedii waxaa dalka yaman ka dhacay kacdoon shacab oo isagana ku khasbay oogu danbeeyntii madaxweyne saalax inuu xukunka wareejiya iyada oo dhaawac xun loo geeystay mr saalix.

Bishii sadexaad ee sanadka ayaa waxaa ka bilawday dalka suuriya kacdoon looga soo horjeeda madaxweyne asad hasa ahaatee kacdoonkaasi asaga ah wali ma dhamaanin oo wuu socdaa.dalal kala oo carbeed ayaa iyaguna kacdoonkaasi uu gaaray hase ahaatee uu damay, waxaana kamid ah wadamadaas, Baxrayn, Urdun, Jazaair, Cumaan ,Maroco,Suudaan,Sacuudi Carabiya,Ciraaq,iyo Kuwait.

Sheekada xagaaga carabta ayaa iyada ahayd sheekadii loogu hadal haynta badnayd dunida, hase ahaatee warar kala oo xiisa badan ayaa jiray, ayna kamid ahaayeen Dilkii hogaamiyihii al qaacida Usaama Bin Laadin,Dhulgariirkii Jabaanka, Dhalashadii Canugii Buuxiyay, milyaarkii 7aad ee tirade dadka dunida,dhalashadii dowlada koofurta suudaan, soodayntii shaaliid ooy filisdiiniyiinta ku badasheen kun ruux, gilgilashadii nidaamka loo yaqana (Rasala maaliga) iyo abaarihii geeska afrika gaar ahaana soomaaliya.

Dhanka soomaalidana waxaa oogu waynaa wararka Geeridii Sh Cumar Faaruuq, Ka bixitaankii Alshabaab ee Muqdisho, Booqashadii raiisulwasaaraha turkiya Adogan ee Muqdisho, soo galitaankii ciidanka Kenya ee koofurta soomaaliya, Dilkii Dr. Axmad xaaji Cabdiraxmaan iyo gaba gabada oo saaka bishu tahay maalinkii ugu danbeeysay ee sanadka Magaalada baladweyne oo ciidanka Ethiopia ay soo galeen.

Saciid cabdulaahi ibraahim
Somaliya114@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.