Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisii oo galabta caasimadda dib ugu soo laabtay kadib todobaadyo uu ku tegay degaanada Puntland

Wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyaga oo ka soo ambabaxay magaalada Bosaaso ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo booqasho labo todobaad qaadatay uu ku tegay.

Ka hor inta uusan ka soo dhoofin Ra’iisul Wasaare Gaas magaalada Bosaaso ayaa waxaa garoonka u soo sagootiyay madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole iyo wasiiro ka tirsan Puntland wuxuuna la hadlay saxaafada gudaha isaga oo u mahadceliyay madaxda Puntland, shacabka iyo ciidamada sida hagar la’aaneed ee ay u soo dhoweeyeen ergooyinkii ka soo qeybgalay shirkii wadatashiga ee Dastuurka Soomaaliya kaasoo ay ka soo baxeen miro wanaagsan oo mustaqbalka dalka ka turjumaya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa ay galabta ka soo degeen garoonka Caalamiga ah ee Aadan-cadde halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil, iyo bulshada Rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saxaafada u sheegay in safarkii mudada qaatay ee uu ku soo maray qeybo ka mid ah degaanada Puntland uu ahaa mid aad u xiiso badan oo natiijo wnaagsana ka soo baxay isaga oo tilmaan u soo qaatay shirkii najaxay ee Garowe isaga oo rajeeyey inay meel mar noqon doonaan dhamaan qodobada ka soo baxay shirka.

Halakan kadaawo masawiri dheeri ah

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dowladdaha Beljim-ka iyo Indonesiya isaga oo uga tacsiyadeeyey dilkii magaalada Muqdisho maalin ka hor loogu geystay samafalayaal u dhashay dowladdahaasi oo u shaqeynayay hay’adda MSF Spain, wuxuuna muujiyay in dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeedba ay aad uga xunyihiin dhimashada samafalayaashaasi.


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.