Home » Faallo »

Kulankii aan la yeeshay taariikhyahan Aw Jaamac Cumar Ciise

بسم الله الرّحمن الرّحيم

Taariikhdu markii ay ahayd 5-12-1432H, oo ku beegnayd 1-11-2011, habayn Arbaco soo gelayso, salaadda cishe kadib, siddeedii fiidnimo iyo daqiiqado, waxaan kula kulmay hotelka Qasri alsuyaax, ee ku yaalla Xaafadda Alraas ee magaalada Dubai, dalka isutaga imaaraadka carabta, taariikhyahanka weyn ee soomaaliyeed Aw jaamac Cumar Ciise, Alle ha dhowree cimrigiisana wanaag ha ugu khatimee, oo in badan aan u xiise-qabay inaan mar hor fariisto;

Waxaa I weheliyey saaxiibkay C/qaadir Muuse Guuleed, oo iiguba bishaareeyey inuu Aw Jaamac ku suganyahay magaalada uuna indhihiisa ku arkay.

Duruufta caafimaad ee sheekh Jaamac annagoo tixgelinayna waxaan la joognay qaddar daqiiqado ah, waxaanan uga faaiidaysannay suaalo muhiim ah.

Waxaan weydiiyey kutubta uu hadda soo saarayo ee qabyada ah, wuxuu noo sheegay inuu jecelyahay soo saarista dhowr kitaab oo qabyo ah, kala ahna:

1- Qaran-jabkii Soomaaliya, dabcaddii labaad, oo qiyaastii kusoo baxaysa 3 mujalladood.
2- Dagaalkii Biyamaal iyo Talyaaniga.
3- Halgankii Cali faahiye Geeddi iyo Cumar Samatar.
4- 100 gabay oo xul ah.
5- Taariikhda Geeska Afrika, oo afcarabi ku qoran.
6- Soo geliddii gumeysiga iyo halgamadii gobonimo doonka.
7- Loolanka ka dhexeeya Islaamka iyo kiristanka ee soomaaliya ku saabsan. (kitaabkan fadhi danbe ayuu iigu sheegay ee habaynkaa iima sheegin).

Wuxuu kale oo habaynkaa noo sheegay inuu aaminsanyahay in afsoomaaligu kasoo jeedo carabtii reer Saba.

Kulan labaad:

Taariikhdu markii ay ahayd 11-12-1432H, kuna beegan 07-11-2011 ayaan haddana suaalo kale weydiiyey oo ku saabsan baaqii sheekh Muxammad C/wahaab Alle ha u naxariistee iyo raadkii uu ku yeeshay dalka soomaaliya, intii u dhexaysay sheekha iyo sheekh Nuur Cali coloow.

Wuxuu ii sheegay inuu ka warhayo gobolka Bari, balse gobollada kale wax arrintaa ku saabsan uusan ka maqal, wuxuu noo sheegay Afar caalim oo kala danbeeyey oo saddex ka mid ahi gobolka bari ku noolaayeen, kuna baaqayey mid la mid ah baaqii sh muxammad c/wahaab, ee ahaa in dadku diintii saafiga ahayd u noqdaan, kana fogaadaan waxa diinta looga baxayo ama qofka khatar gelinaya ee dib laga keenay, afartaa caalim waxaa ay kala ahaayeen:

1- Sheekh Saalax Xildiid, oo u dhashay tolka Siwaakhroon, kuna noolaa degmada Caluula.
Sheekhani waxaa uu la kulmay sheekh muxammad bin C/wahaab Alle ha u naxariisto labadoodabee, labada xaram iyo Basra ayuu kula kulmay xilligii sheekh muxammad cilmiga baranayey, sheekh saalixna sidoo kale cilmi doon ayuu ahaa xilligaa.

Sidoo kale wuxuu sheekh Saalix tagay Xadramawt-yeman, iyo Baqdaad-Ciraaq.
Sheekhani raad weyn oo dacwo iyo cilmiba ah ayuu ka tagay, ayuu yiri sheekh Jaamac.
Taariikhda uu dhashay iyo dhimashadiisa midnaba sheekhu ma helin, wuxuuse noolaa qarnigii 12aad ee hijriga.

2- Sheekha labaad: ee gobolka bari ku noolaa, kuna baaqayey mid la mid ah dacwadii sheekh muxammad c/wahaab, waa Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi kheyre, oo loo yiqiin (Xaaji Cali Majeerteen). (u dhashay qoyska reer Cumar ee ka mid ah Tolweynaha Majeerteen). Sheekhani waxaa uu la kulmay ardaydii sheekh Muxammad C/wahaab, sheekhan taariikhdiisii iyo halgankiisii, kitaab ayuu Aw jaamac ka qoray, laba qaybood ka kooban: Qayb afsoomaali ah, iyo qayb afcarabi ah, sidaa darteed isaga inaan u noqdo ayuu I faray.

Wuxuu ii sheegay Aw jaamac inuu jiro kitaab uu qoray Xaaji yuusuf Fiqi Idiris, oo sheekh cali ay ilma abti ahaayeen, sheekhiisana ahaa (xaaji yuusuf ayaa macallin aha, sh cali ayaa loo ahaa),(una dhashay tolka Awrtable). kitaabkaana waxaa haya faracii Xaaji yuusuf oo ku nool degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, balse nasiib uma yeelan inaan arko kitaabkaa ayuu yiri Aw Jaamac, waxaana suuragal ah in laga helo wax ku saabsan Sheekh Cali iyo culuumtiisii ayuu yiri Aw Jaamac.

3- Xaaji Saciid Maxamuud Saalax, una dhashay tolka Cali Saleebaan ee ka mid ah tolka Majeerteen. Wuxuu noolaa xilligii daraawiishta, wuxuu in muddo ah la fadhiyi jiray Sayid Muxammad Cabdille Xasan.
Sheekhani dacwo ballaaran ma samayn, wuxuuse inkiri jiray khuraafaadka ayuu yiri Aw Jaamac.

Arrin ka mid ah cilmigiisii: sheekhani wuxuu dadka u fatwoon jiray in zakada fitrada lagu bixin karo hilib iyo caano, waxaa jiray sheekh shariif ah oo ku noolaa degmada Xaafuun, arday badan oo Xaaji Aadan ka mid yahayna ka aflaxeen (xaaji aadan waa sheekhii reer nugaaleed ee qarnigii hore noolaa, ahaana sheekh nuur cali coloow sheekhiisa);

Shan nin oo ka mid ah ardaydii shariifka ayaa Boosaaso ugu tagay Xaaji saciid, xilligii Talyaaniga ee daraawiish iyo saldanooyinkii majeerteeniyaba jabeen, mas’aladii ayey weydiiyeen, wuu sooryeeyey sidii dhaqanka suubban ahayd, iska nasta ayuu yiri waan idiin sheegi doonaaye;

Casarkii ayuu ku yiri: intaanan suaasha idiin ka jawaabin, xagee horta mas’alooyinka cilmiga ugu noqotaan, markaas ayey yiraahdeen: Minhaajka iyo sharraxyadiisa;

Wuxuu ku yiri: oo yaa qoray kutubtaa?

Waxay ku yiraahdeen: Nawawi iyo Raafici iyo culimadii kale ee sharaxday.

Wuxuu yiri: oo xagee ku noolaayeen?

Kolkaasay yiraahdeen: Shaam.

Wuxuu ku jawaabay xaaji Saciid: dadkaasi beeraley ayey ahaayeen, quudkooduna wax la beerto ayuu ahaa, isaga ayeyna zakada ku bixinayeen, innagana quudkeennu waa hilib iyo caano, iyagaynu ku bixinaynaa!!!

4- Sheekha Afaraad: waa sheekh la oran jiray Sheekh Muxammad Baafallaah, yemani, Xadrami ah ayuu ahaa, masjid uu Beexaani ka dhisay ayuu wax ka akhrin jiray, halkaa ayuuna dacwada ka faafin jiray, xilligii gumeysigu dalka haystay, qiyaastii xilliyadii xorriyadda la qaatay ayuu dhulkiisii ku noqday, Sheekh Nuur Cali coloow ayeyna saaxiib ahaayeen.

Kulankan waxaa sheekadu nala gashay suugaanta wax ka mid ah, kolkaas ayuu sheekhu iga saxay tix aan soo qabsaday oo ahayd:

Siwaakhroonba waa niman hadday socoto xaafuune!!

Subxaanyaduba waa halaq hadday surin maraysaaye

Oo ay ila ahayd inuu tiriyey Sayid Maxamed Cabdille Xasan, wuxuuse Aw jaamac igu yiri waxaa leh: Raage Ugaas, oo galbeed ayuu ku noolaa, deegaanka barigana ma kala aqoon, siwaakhroonna Xaafuun shaqo kuma leh.

Kulan saddeexaad:

Waxaa kale oo Aw jaamac ii sheegay: in sheekh nuur markii ugu horraysay ee uu caqiidada saxda ah fahmay uu ka fahmay tafsiirka quraanka, kadibna uu u kicitimay Maka oo uu kutub badan oo caqiidada ku saabsan kala yimid, markaana uu dacwadiisa ka bilaabay magaalada Gaalkacyo, uuna samaystay xer si gaara ugu xiran oo 10 nin ahaa.

Kitaabkii ugu horreeyey ee uu caqiidada ka allifo waxaa la oran jiray:

كتاب التّوحيد والنّهي عن التّنديد

Kulamada sheekha aan la yeeshay oo badnaa intaa ayaan jeclaystay inaan usoo gudbiyo akhristayaasha taariikhda xiiseeya, si ay faaiidada iila wadaagaan.

W/Q: Muxammad Cusmaan Aadam
Mohosman79@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulankii aan la yeeshay taariikhyahan Aw Jaamac Cumar Ciise "

  1. Nafsa says:

    masha Allah, aw jamac waa taarikh yahan culus. well done mahamed cusman , aad baad ugu mahadsan tahay taarikhda aad nooga soo gudbisey qoraaga qarniga soomaaliyeed.