Home » Faallo »

Imaam Shiikh Shaafici oo shabaab Aamusiiyey !!!!

Akhristoow waa Cashar kale oo ku saabsan silsiladdii Shareecadda iyo Shabaab, oon maantana ku fiirin doono Cilmiyarida Shabaab Haysata iyo Nusuusta oo barkeedana la daliilsado, Barkeedna Busto la huwiyo ama kubeerto sidaad u taqaan.

Waxaa jirtay Cajallad aan ka Dhageysta Shiikh Xasan Turki oo uu jihaadka kaga sheekeenaayey, Akhristoow waxaan ka tiriyey 47 Aayadood oo Jihaadka ku saabsan iyo Seddex Xadiis oo hal dhinac ah, hal dhinac waxaan ka wadaa aan marna xataa khatif ahaan uusan ku soo darin wax ku saabsan in Gaallo lala heshiin karo iyo in lala mucaamili karo ama aan afka ku Ballaarsho in looba Axsaan fali karo.

Aayadaha qaarkood baa isku xiga sida Aayadda Suuratul Anfaal : ( وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللّهِ وَعَدُوَّكُمْ

) 8:60 iyo Aayadda ku xigta ee
:( وَإِن جَنَحُواْ لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللّهِ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ

8:61 amaba Aayadaha Qaarkood baa isku Suurad ah Sida suuradda AL-mumtaxinah :
(

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَاءَ ) 60:1 iyo Aayadaha kale ee isla Suuradda ku soo arooray :
(

لَا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ ) 60:8
iyo Aayadda ku xigta ee : (

إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ ) 60:9 .
Akhristoow Xataa haddii uu Shiikhu Dhihi lahaa Aayadahan danbe waa la nasakhay wax bay ahaan laheyd ??? ileen Culumada qaarkeed baa taas ku tagaye ??? se in uu ka aamuso waa Kubeertadii aan sheegaayey ama Bustihii Aayadaha Qaarkood la saaraayey ???? Ma dhici karto in labo Aayadood oo isku xiga mid laga il duufo in loo Qasdiyo mooyee !!!!

Sow Noqon meyso in aad Aayadaha kuwa ku khuseeyo ee ku gargaaraayana in la rumeeyo kuwa kalena lagu kufriyo siduu Allaah Quraankiisa ku yiri :

(

أَفَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ فَمَا جَزَاءُ مَنْ يَّفْعَلُ ذَلِكَ مِنكُمْ إِلاَّ خِزْيٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ يُرَدُّونَ إِلَى أَشَدِّ الْعَذَابِ وَمَا اللّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ ).
Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri : ( ma waxaad rumayneysaan kitaabka qaar ka mid ah ,qaar kalena ma beenineysaan, muxuu abaalkiisu yahay Ruuxii sidaas sameeya oo idinka mid ah ilaa hoog mooyee oo adduuunka u sugnaaday,maalinta Qiyaamana waxaa loo celinayaa cadaab tan ugu daran )2:85

Akhristoow bal ila arag Aayadaha ay soo daliilsadaan dagaal hurayaasha ay madaxda u yihiin ururka burburka iyo halaagga Al-qaacidda oo meel kasta uu dago dhiig muslim ku daadiya, Afqaanistaan, pakistaan,ciraaq,Al-jeeriya.murutaaniya,yamen kaama foga,haatanna waa Soomaaliya :

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ

Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri: ( kuwa Allaah iyo Rasuulkiisa Rumeeyayoow haka dhiganina Yuhuud iyo Nasaaro kuwa idiin dhaw oo sokeeye idiin ah, Ayaga qaarkood ayaa sokeeya u ah qaarka kale, Ruuxii ayaga talo saarta ayaga ayuu ka mid yahay Eebana ma hanuuniyo kuwa Daalimiinta ah ) 5:51

Waxaa kaloo maalmahaan badatay Aayadaas Quraanka ah oo Ruux kasta ku hadaaqo mid mooriyaan ah ama gabar yar ama hooyo aan cilmi laheyn kuwaas oo dadkii ku gaalaysiinaaya ama ereyga foosha xun ee murtad dadka ku shabadeynaaya .

Se Akhristoow ma ogtahay in Aayaddan ay Quraanka ku leedahay Aayaddo la micno ah ama la mataano ahba aan dhaho ( mathaaniya)sida Aayadahan oo kale :

1) (

لاَّ يَتَّخِذِ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُوْنِ الْمُؤْمِنِينَ وَمَن يَفْعَلْ ذَلِكَ فَلَيْسَ مِنَ اللّهِ فِي شَيْءٍ إِلاَّ أَن تَتَّقُواْ مِنْهُمْ تُقَاةً )
Allaah wuxuu yiri swt : ( yeysann muminiintu gaalada ka sameysan kuwa u dhaw ama sokeeya u ah ayagoo muminiinta ka xigsanaaya, Ruuxii sidaas sameeya Allaah agtiisa waxba

kuma laha in aad dhawrsataan oo cabsataan mooyee cabsasho …) 3:28
(

Let not the believers Take for friends or helpers Unbelievers rather than believers: if any do that, in nothing will there be help from Allah: except by way of precaution, that ye may Guard yourselves from them.) .

2) (

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ بِطَانَةً مِّن دُونِكُمْ لاَ يَأْلُونَكُمْ خَبَالاً وَدُّواْ مَا عَنِتُّمْ قَدْ بَدَتِ الْبَغْضَاءُ مِنْ أَفْوَاهِهِمْ وَمَا تُخْفِي صُدُورُهُمْ أَكْبَرُ ) 3:118
Allaah wuxuu leeyahay kuwa Allaah iyo Rasuulkiisaba Rumeeyayoow ha ka dhiganina saaxiibo hoose waxa idinka soo hadhay, kama gabood falaan fasahaadintiina ,waxayna jecelyihiin dhibkiina, waxay ka muuqataa cadhadu afkooda waxaana ka weyn waxa laabtoou qarsanayaan….) 3:118

( O ye who believe! Take not into your intimacy those outside your ranks: They will not fail to corrupt you. They only desire your ruin: Rank hatred has already appeared from their mouths: What their hearts conceal is far worse ) 3:118

3) (

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَاءَ تُلْقُونَ إِلَيْهِم بِالْمَوَدَّةِ وَقَدْ كَفَرُوا بِمَا جَاءَكُم مِّنَ الْحَقِّ ) 60:1
Aayadda kale waa tan ayadaha kor oo dhanba kala cadeysay uguna danbeysay ee soo degta waa Suuradda la yiraahdo : ( Al-mumtaxinah)

Allaah wuxuu leeyahay swt; ( kuwa Allaah iyo nabi mohamed rumeeyayoow ha ka sameysanina cadawgeyga iyo cadawgiina kuwa idiin dhaw oo Awliya idiin ah oo aad jaceyl u gudbineysaan ayagoo lala qabo in ay ku gaaloobeen xaqa idiin yimid….) 60:1

(

O ye who believe! Take not my enemies and yours as friends (or protectors),- offering them (your) love, even though they have rejected the Truth that has come to you, and have (on the contrary) driven out the Prophet …) 60:1
Akhristoow Aayadahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa la micno ah Aayadda suuratul Maa’ida ee dadka afkooda ku badatay, se maxay sababtu tahay oo Al-shabaab Aayadaha kale uga maageen oo u xusi waayeen ama aan si kale u dhaho maxay kubeertada u saareen ooy u sheegi waayeen ????

Haddii aan wax yar idiin iftiimiyo arrinkaas Aayadda ugu horeysa ee Suuratul Al-Cimraan ee

( لاَّ يَتَّخِذِ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُوْنِ الْمُؤْمِنِينَ ) waxaa lagu diidayaa shardiga ku xiran ee ah ( إِلاَّ أَن تَتَّقُواْ مِنْهُمْ تُقَاةً ) oo loo baneeyey mu’miniinta haddii ay gaalada ka cabsadaan in ay afka kala jiri karaan sida weedhii madaxweynihii bush ( either with us or with them) oo ku qasabtay dawladaha muslimka ah dhamaantood siiba Pakistaan in ay AL-qaacidda iska fogeeyaan ileen wax aan dhib aheyn uma soo wadaane.
Akhristoow waana na loo ogol yahay haddii aan cabsano in aan kalimad kufri ah ku dhawaaqno sida qisadii Saxaabigii weynaa ee Camaar bin yaasir oo kale uu nabiga caayey markii cadaabka laga badiyey aabihiis iyo hooyadiisna hortiisa lagu dilay oo ay ku soo degtay Aayaddan :

5) (

مَن كَفَرَ بِاللّهِ مِن بَعْدِ إيمَانِهِ إِلاَّ مَنْ أُكْرِهَ وَقَلْبُهُ مُطْمَئِنٌّ بِالْإِيمَانِ وَلَـكِن مَّن شَرَحَ بِالْكُفْرِ صَدْرًا )
Allaah swt wuxuu yiri : ( Ruuxii Allaah ku kufriya markuu islaamay kadib, ruux la qasbay mooyee oo qalbigiisu iimaanku ku degan yahay ,laakiin waxaa gaaloobaaya ruuxii qalbigiisa u waasic noqdo kufri, kuwaas waxaa korkooda ah cadho eebe ,waxayna mudan yihiin cadaab weyn.

( Any one who, after accepting faith in Allah, utters Unbelief,- except under compulsion, his heart remaining firm in Faith – but such as open their breast to Unbelief, on them is Wrath from Allah, and theirs will be a dreadful Penalty .

Marka Akhristoow shabaab Aayadan ma anfaceyso marka hooyooyinka iyo mooriyaanta uma meeriyaan iyo wax ma garatada se Aayadda suuratul Maaa’ida waxay u jeccel yihiin kuwii raaca ayaga ayey ka mid yihiin intaas baa anfaceysa marka waa ku soo celcelinayaan, middaanse kubeertay saareen ( car yaa waligiis ka maqlay) xataa tan kale waa ka xeel dheer tahay oo waxaa ayadana ku jirta ( ruuxaasi allaah agtiisa waxba kama aha) se tuqyada ayaa Aayadaan ka erisay shabaab iyo macallimiintooda (

أَفَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ ) maxay abaalmarintiinu noqoneysaa !!!!
Akhristoow ila soco Aayadda kale ee isla suurada ku soo aroortay Al-cimraan

waxay ka hadleysaa munaafiqiinta oo markay idinla joogaanna waxay dhahayaan waan rumaynay markay idinka maqan yihiin waxay idiin qaniinayaan faraha cadho darteed : ( وَإِذَا لَقُوكُمْ قَالُواْ آمَنَّا وَإِذَا خَلَوْاْ عَضُّواْ عَلَيْكُمُ الْأَنَامِلَ ).
Marka halkaan waxaa laga hadlayaa Munaafiqiin taas shabaab uma cuntameyso see gaalnimo ayaa u cuntameysa ileen Takfiir bay farac ku leeyihiine.

Si kale haddaan u iraahdo ( waan rumaynay) ayaa dhibaysa wey kufriyeen iyo Murtad baa u macaan !!! maxaan mooriyaan murtad leh arkay oo ii daliilsanaaya Aayadda Maa’ida, aniguna 34 sano ka hor ayaan Soomaalida ku gaaleysiin jiray ayada iyo (

فَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللّهِ حُكْمًا لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ ) 5:50 maxaa caawa xalay uga eg waxaan 21 sano ka hor Allaah naga soo hanuunshay bay haatan daba rucleynayaan, shalaad dhalataye waa la shubi jiray (1) .
Haddaan u soo noqdo Suuradda mumtaxinah oo ah suuradda Aayadahaas oo dhanba hooyada u ah ee kala bayaanisay xiriirka Muslimiinta iyo gaalada u dhaxeeya ayaan waxaan ku bilaabanayaa sababu nuzuulkeeda oo ah sidaan:

Waxaa Cali bin abii Daalib laga wariyey RC in uu yiri Nabiga NNKH ayaa na diray aniga iyo zubeer iyo miqdaad wuxuuna nagu yiri : ” waxaad tagtaan meesha la yiraahdo rowdatu khaakin Haweeney Awr hoowdaj ah saaran oo kitaab wada ka soo qaada ” waan baxnay ayadoo fardaheenu nala dheeraynayaan, Haweeneydii baan qabanay, waxaan ku niri kitaabkii soo bixi , waxay tiri kitaab ma haayo, waxaan ku niri kitaabka soo saar ama dharkaan kaa dhigeynaa, waxay ka soo bixisay tinteedii tidcaneyd dhexdeeda , waxaan u keenay buu yiri Nabiga NNKH , waxaaba ku yaala Xaadib ibnii abii Baltaca …oo Dad Mushrikiin ah oo reer Mako ah u sheegaaya Qaar ka mid ah Amarkii Rasuulka .Markaas ayuu yiri Rasuulku NNKH ” Xaatiboow waa maxay waxaan ? Rasuulkii Ilaahayoow ha igu dagdagin waxaan ahaa ruux Qureysh la degan oon ka mid aheyn oo xaliif la ah, Dadkii kula soo haajiray waxay Mako ku lahaayeen Qaraabo oo dadkoodii u i laaliya, markaas baan jeclaaday haddii taasi i seegtay in aan gacan u fidiyo si ay qaraabadeydii Mako joogtay iigu ilaaliyaan, Taasna uma sameynin Kufri iyo Rido aan Diintaydii ka noqday, umana sameynin in aan kufri raali ka ahay islaannimadeydii kadib, Markaas ayuu Nabigu yiri : ” Run buu sheegay ” Markaas buu Cumar bin Khadaab yiri : Rasuuloow ii daa aan munaafuqaan qoortiisa gooyee, Markaas buu Nabigu NNKH yiri : ( Dagaalkii Badar ayuu ka qeyb galay maxaa ku ogeysiiyey in uu Allaah quluubtii Ahlu badar daalacday oo yiri waxaad rabtaan sameeya waa idiin danbi dhaafay.Markaas baa Allaah suuradaan soo dejiyey ;

(

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَاءَ )
Akhristoow waxaan Maqaalka ku soo gabagabeynayaa anigoon wali u daadagin dulucdii maqaalka iyo sida uu Shiikh Imaam shaafici u aamuseeyey AL-shabaab, marka ha sugu waayin qeybta 2 iyo 3 iyo tan 4 haddii Allaah noo sakhiro .

وَعَلَى اللّهِ قَصْدُ السَّبِيلِ

Shiikh saahid mohamed yusuf

usa,va

sahidyusuf@yahoo.com

Al-muthakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah

(1) akhristoow 13 sano oo noloshayda ka mid ah takfiir baan ahaa , 21 sano ka hor baa Allaah iga soo hanuuniyey!!! Alxamdulilaah haatanna dhallinta ayaan uga digayaa in aysan marin jidkaan ku jabnay.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Imaam Shiikh Shaafici oo shabaab Aamusiiyey !!!! "

  1. cabdiraxma says:

    asc wr wb ilaahow na hanuuni aamiin dheh waar heedhaha muslinka hadii aad leedahay wuu i dilayaa mana aha mid aan aaminsaahay anigu in muslin uu dilayo walaalkii hadiise ay dhacdo miyaan la qaadanayn qaacidadii qaabiil iyo haabiil mise taangi ayaa la daba galayaa sida ninkani sheegayo culimada ka soo wada horjeeda iyo caamada kasoo wada horjeeda jihaadka gaalada meelkasta lagula jiro aakhira war waa idiin yaalaa aduun walee ka tageyseen oo waa la hubaa ee baal madow ha ka galin ilaahay agtiisa waar gaal walaaltinimo idinkama dhaxayso ee allah ka baqa oo ha laga run sheego diinta inta qof walba ka yaqaan iga waloon waxba inaga xumaanayne wscwrb

  2. Bin Hassan says:

    Ascwrwb:

    Hashu maankeyga gadaye ma masaar bay liqday:

    Salaan qiimo badan iga gudooma akhristayaasha sharafta lehow. Salaan ka dib bal aan ana ceelka u rito wadaanteyda si talo loogu helo qaranka bukooday ee aan ku abtirsano.
    Xagee bay salaado iska qaban la’dahay!!! waxay ila tahay in dhibka jira qof walba dhan ka iftiimiyay asagoo xaldoon ah islehna bal dhibkaan baahay wax ka dabo qabo yareyntiisa.
    Hadii aan nahay soomali waxaan u baahanay labo inaan isla helno is aan wadadii badbaadada cagta u saarno:
    1. In wadankeekii aan xor u noqono ku noolaashihiisa iyo sidoo kale inaan xor u noqono qaabkii aan ugu noolaan lahayn iyo waliba inaan si xaq ugu kulano ama isugu raacno cidii talada aan u dhiiban lahayn.
    2. In taladu ay ku koobantahay dadka soomaliyeed kaliya ayaguna hoos isu wareystaan, ka dibna xalkooda jid u baxshaan.

    Labadaas arimood seen isula helnaa hadaba?.
    Marka koobaad waxaa muhiim inaan fahano in dhibka somaliya ka jira loo fahmo inuu yahay mushkilad bulshadeed oo dadka xalka raadinaya ay yihiin dad aqoon fiican u leh xalinta arimaha bulshooyinka ka murga.
    Hadii aan u soo noqda walaalaha iyo faalooyinkii ay ka baxsheen qoraalkii sh. Saahid waxaa un kuu muuqanaya (Nin Buka boqolu talisay), waase wax wanaagsan in la wadahadlo la isqanciyana ileen cid ku dhaaran karta anigaa xalkii kaligey wada mar jirtee. Hadaba si aan xal u gaarno waxaa nala gudboon in labo is waafajino:
    Sidii ciidamada shisheeye iyo huwantoodaba loogu qan lahaa sida aad wax u rabtaan xal kuma jiro,
    Iyo sidii xoogaga “muqaawamada” hadii la isku raaco eraygaas ayagana loo qancin lahaa xalku gamcihiina kaliya kuma jiro ee miiska xal saadiska soo fariista qabligana ka saartaan **Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho, Muska ina Afay galo arlada kama maciin yeesho**. lana ogaado inaan cidna laga maarmin hadiiba xal iyo dan bulshadeed la raadinayo.

    Waxaana waliba xasuusin lahaa walaalahaas in looga fadhiyo xal siyaasadeed korna ay wax u fiirshaan lana jaan qaadaan waxa aduunka ka dhacaya, lana gaaro xili aad gashaan gorgoro siyaasadeed soona bandhigtaan xal siyaasadeed iyo ujeedooyinkiina ugu danbeeya ee aad higsaneysaan.

    Jzk allah khayr all wcsrwb

  3. buhoodleman says:

    shiikh zaahid adiga oo mahadsan wali waxaan kaa sugaynaa su,aashii walaasha khadra ku waydiisay ee ahaa imaam axmed iyo imaam shaafici wixii ay ka dhaheen aminsom iyo ciidamada shisheeye ee itobia,uganda,brundi ,kenya iyo xasuuqii beledwayne loo gaystay wiigan mise wali garabdaarkii baadugaysaa -bal jawaabta hanaga ilaawin uun

  4. SCWXWB :
    Haddaan u jawaabo wallaalka wata Samadon horta waad ku mahadsan tahay utube & video aad nala wadaagtay se horaa loo yiri markii geel loo heesaayo goroyo ha u heesin.
    Haddii aan isku dayo in aan dul istaago labadaadii farriimood marka ugu horeysa DR. Grant Dawson khabiirka Ingriisiga ahi war sax ah kama hayo Al-shabaab iyo waxa ay ka wadaan Soomaaliya waxaana taas ku tusineysa hadaladiisaan oo dadka Soomaalida ah ee Akhristaayi ay arkayaan in ay xaqiiqda ka fog tahay :
    ( To understand why this is so we have to look at the human behind the terrorist label. The Al-Shabab has not been allowed to participate in Somalia’s political process. Terrorist attacks like suicide truck bombings and recent Al-Shabab audiotape calling for attacks on the US, Canada, and other countries are the only tactics available to them to effect change and insert themselves into the debate about the future of their country.

    The Transitional Federal Government has said it wants to negotiate with the Al-Shabab. It knows it cannot compete.

    Like the Courts movement, Al-Shabab has the local contacts, support of the civil elites, grassroots leaders and bottom-up approach that Somalis respect and trust.)
    Horta Shabaab ciddina uma diidin in ay Siyaasadda Soomaaliya qeyb ka qaataan ama Ummadda Soomaaliyeed Heshiis la galaan, waa tan ilaa iyo hadda laga la’yahay oo Dawlladda Qadar Dhawr mar isku taxalujisay.
    Haddii Shabaab cidi u diiday in ay ka qeyb qaataan Mustaqbalka Soomaaliya Usama Bin Ladin ayaa u Diiday oo ku yiri Waddaada dibu heshiisiinta idiin wada ha ka yeelina sababtoo ah Waaqaca Soomaaliya waxba kama oga !!! Shiikh Umal oo arrintaas ka jawaabay wuxuu yiri Allaah baan idinku Dhaarshaye ma Culumo Soomaaliya ku dhalatay oo intaas ku soo le’ekaatay baa waaqaca Soomaaliya og mise in ku jira Buuraha Toro Boro.
    Haddaba wali gacanta Soomaalidu waa u furan tahay in Shabaab la heshiiso wallalaheeda Soomaaliyeed dagaalkana joojiso, Adiga ayaanan samadoonow Safiir kaaga dhigeynaa ee ka keen Heshiis iyo in ay Miiska soo fariistaan.
    Dhanka kale DR. Dawson wuxuu yiri Shabaab waxay taageero ka helaan Soomaalida qeybaheeda kala duwan sida Odayaasha, Cuqaasha,dadka sar sare ee Ummadda hogaamiya iwm Taasna waa been cad Shabaab labaddii sano ay koonfurta Maamulaayeen waxay dileen oo eryeen wax garadkii, Odayaashii,ganacsatadii,Culumaa u Diinkii iyo Nin Doorkii Soomaaliyeed Aqoon kastuu leeyahay, waana tan maanta muuqata oo ay leeyihiin Odayaashiiyow Hub iyo Dhallin noo dagaalamta na siiya ( it is too late ) !!!
    Haddii aan u soo noqdo wareysiga Amy goodman ee Cabdi Ismaaciil Samatar waa 2008 shabaabna waagaas waxay ka tirsaneyd Ururkii Maxaakiimta ee ma aha shabaabkan aan haatan ka hadleyno ee dhulkii fasahaadiyey labadii sano.
    Dhanka kale Cajalladaha aad noo soo tuurtay ee Adigaaba is baraan baraaya markii Soomaaliya Dawlad aheyd Dirir Dhabaan tagnay markii Dawladnimadii la diidayna Dawac kastaayi ha iska keen cuno, Laxiba shilinkay is dhigto ayaa lagu Qashaa halkaas ( Shabaab iyo shuftaa na dhigay)!!!!
    Samadoonoow haddii aad ka dhiidhiyeyso dhibka lagu hayo Wallalaheena Ogaadiiniya Taas ayaa jihaad ahe maxay Shabaab halkaas uga dagaalami waayeen oo ONLF gacan u siin waayeen sida uu sheegay Caalimka weyn ee Shariif Cabdi Nuur markay Jihaadka ONLF ay isku dayeen in laga dhigo mid cilmaani ah, ayuu yiri waa jihaad xaq ah ee hala taageero !!! Maxay shabaab wallahooda Muslimiinta ah ugu xasuuqayaan Afmadoow, wabxo, Busaar, Buracle,shangaani, Yaaqshiid,Shibis, Hodan iyo Hawl wadaag,Hoteel Shaamoow, Hoteel Muna,Hargaha iyo Saamaha IWm.
    Maxaan Maalin kaliyah ay Cadawga Ethiopia u hor istaagi waayeen maxaa caawa shalay uga eg Baladweyne maxay uga cararaan mar kasta oo Amxaaro soo gasho !!! Aaway Jihaadkii ma dabada ha la rogataa, Aaway janaddii ma nolol baa laga jecleystay, Anigu waxaan la yaabanahay Jihaad Gaalka laga soo cararaayo oo Soomaalida iyo Muslimiinta lagu Jiahaadaayo !!! Aaway Xuural ceyntii !!! Aaway Shahiidnimadii, Aaway wadan difaacii,Aaway Aaway….
    Samadoonoow ONLF baa mujaahidiin dhab ah ee shabaab xoogooda ha ku daafacdo Muslimiinta Ogaadeeniya iyo Haweenka ooyaaya ee leh : ( Waa Muctasamaah) sida aad video nagu tustay Haddiise laguu Been guuray oo aad Shabaab ka dugsaneyso Gaalay la diriraan annagu fikirkaas ma hayno waxaan haynaa tigree markuu soo galaba dabaday rogan markuu baxana ( Aaboow kan yar iga celi ee kan weyn igu soo daa ) !!! Ugu Danbeyntii Maqaalkaygu kuma saabsana in aan ka hadlo ugaandha iyo Burundi ileen Wallaal Soomaaliyeed oo i eryanaaya ayaan dabadooda ka galay, Sida uu u yiri Sayid Mohamed Mujaahidkii dhabta ahaa ee Gaalo la diriray ( Adiguba caqlaad leedahee carar maxaa dhaama) ama uu u yiri Caalimka weyn ee Mohamed Cabdi Umal xafidahu laah ( Haddii uu Bashiir Axmed Salaad uu Taangiga Ugaandha gadaashiisa galo maba galine maxaa u diiday adigoo shabaab ahi haddii aad eryaneyso oo aad nolosha u diidan tahay ) waa taas caqliga saxaiixa ah oon ugu jawaabaayo Khadro Ibraahim oo i soo weydiisay waxa aan ka qabo Ugaandho iyo Burundi !!! Allaahoow xaqa na fahamsii.

  5. Kaahin nuur says:

    JAWAAB CELIS KU SOCOTA WALAAL SAMO- DOON
    Asc wr wb, ugu horeyn walaal Samo-doon waan ku salaamay salaan raxmad iyo barakaba ay weheliyaan, salaan ka dib, walaal Samo-doon waad ku mahad-santahay jawaabtaada naqdinta ah, balse waxaan kuu cadeynayaa inaanan weligay taageerin cadaw Soomaaliyeed iyo cadaw Islaamiyeed, haday noqon laheyd inaan ku taageero af iyo addin midkoodba, haddana la iigama fadhiyo inaan taageero cadaw Rabina waxaan ka magan galayaa inaan cadaw Islaam taageero. intaa ka dib waxaan Samo-doonow kuu sheegayaa keliya in qolada aad u maxabbaysantahay ay yihiin qolo ay fatwooyin ka soo saareen culimada aduunkeena muslimka iyo weliba culimadeena hufan, marka walaal hadaad adigu iska taageersan tahay, raalina aad ka tahay dhiigga daahirka ah ee ay daadinayaaneen, raalina aad ka tahay cirib tirka ay cirib tirayaan culimada iyo ducaada iyo haldoorka iyo nabadoonka iyo caalimiinta Rabbaanigaa ee uu markhaati kuugu filan yahay dilkii arxan darada aheyd ee SH.Dr. Shahiid Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, kuwa geystay dilkiisana Rabi wuu kashifay oo waa ALSHABAAB, marka walaal Samo-doonow firqo u ooman cabidda dhiig bari ah oo daahir oo muslim ah, ha ku aakhiro seegin ee nin yahoow danahaaga ka raac Rabina ka cabso oo ha u hiilin daalimiin ku ad adag Muslimiinta una debecsan gaalada. Samo-doonow maxaad Rabi ugu jawaabi marka aad taageero indho la,aan ah ku taageerayso kuwo u dilaya soomaalida muslimka ah gaajo,gowrac,shirqool,toogasho,iwm.

  6. Samo Doon says:

    Jawaab ku socoto Waalkeey Kaahin Nuur,

    Kaahinow waan ku salaamay, walaal. Waan kaaga mahad celinayaa inaad daqiiqad i siisay. Waana kaa qaadanayaa kuuna hoos fariisanyaa wixii aad igu dhaanto oo Alle ka cabsi iyo wanaag loogu dhawaanayo. Xaashaa lilee kugana qasbi maayo inaad taageerto “koox” aad ka xasaasiyooto balse waxa aan adna kaa caadsanayaa in aanad inagu qasmin in aanaan caddow u arkin dowladaha Ethiopia, Kenya, Uganda, Israel, France, United States, Burundi, Norway, China, iyo United Nations, African Union, iyo AMISOM. Ma waxa aad walaal u haysataa in gaaladaa midoowday ay inoogu yimaadeen in ay caano iyo malab na durduriyaan? Kaahinow, naca aad u heeyso ruux kula isira haba kula qaldanaado’e oo dhaqan iyo dhul idin ka dhexeeyo yaanu kaa indho tirin dhaxal wareejinta Soomaali shisheeyuhu la damacsan tahay maanta. Talo maalin ku seegtaa waxey naafeysaa jiilal aan wali dhalin. Ninyahow, waxan jeclahay, waa haddii aad Soomaali tahay, inay aragtidaadu dhaafsiisan tahay inta uu sankaadu dherer la eg yahay. Haddii uu wanaag kugula jiro shisheeyahaa aan magacaabay oo ay tahay inaan raali ka noqdo waxa ay wataan lana coloobo ciddii ka hor timaada waa cilmi iga maqan oo aan kaa dooni lahaa inaad i barto. Base haatan iiguma muuqato in aan wax wanaag ahi ka fisho kuwii yeelay shalay walina yeelaya sidan:

    1. http://www.youtube.com/watch?v=PygoVgdBMZI&feature=player_embedded#
    2.

    3.

    Haddaanu jirku ku dubaaxin carro iyo murugo darteed aynaad hurdada is diidin. ma garanayo wax kale oo walaal ku diirin karo. Xaqqa Allaha inagu wada duwo.

    Wa Billaahi Towfiiq

  7. imaam shaafici iyo imaam axmed ibnu xambal maxay ka dhaheen AMISOM iyo itoobiya bal inoo fiiri iyagana.

  8. KAAHIN NUUR says:

    Asc Wr.Wb. walaalka la yiraahdo Samodoon, ugu horeyn walaal ha u maleyn in dadku ka indho la,yahay xaqiiqda ka jirta dalka hooyo, shacabka Soomaaliyeed waa ay ogaadeen hagardaamada ay ALSHABAAB ku hayaan, tan kale sxb ha nagu khasbin inaan taageerno koox, kooxdaas oo ku maanshootay badweyntii inxiraafka iyo tashaddudka quluuga, walaal iska xishood Samodoonoow, ha isku deyin inaad nagu dirqiso koox cirib tiraysa,culumada, aqoon yahanka, haldoorka, nabadoonka, caaqilka, Samodoonoow walaal diinta waanu naqaanaa, ALSHABAABNA naguma khaldi karaan manhajkooda dhiigyacabnimada ah, sxb Samodoonoow waxaan kugula talin lahaa inaad diinta soo baratid halkii aad caadifad cilmi la,aan ah website-kan uga soo halgaadi laheyd hadalo aan xaqaa.iq ku fadhin.

  9. buhoodleman says:

    kkk shiikh zahid depression shabaab la yidhaahdo ayaa ku dhacay imaamyada axmed iyo shaafici intaad iska dhaafto saaxiib aragtidaada hadal iyo fikirkaaga shabab mawqifkoodu waa cadyahay sax iyo khaladba laakiin adigu ma cadda lama fahmi karo stuff and nonesense weeye maqaaladaadu

  10. cabdiraxman says:

    asc wr wb waar heedhe cidi waxba kaa dhagaysan maysee ninkii iska dhigay inuu asaxaabta ka caqli abdaanyow maxaad u soo qori wayday inaad ku qaldantay nabiga scw iyo asxaabtiisa waad qaldami kartaa meeshan waa idaacad inaad qaldantay dadka u sheeg horta ka dib wax soo qor ma in la ilaabayo ayay kula tahay ilaahow na hanuuni waar af nooli wuu hadlaa show car intaad adigu daba ordayso kuwa aad qalad ku sheegayso ha ku aakhiro seegin adiguna ilaa imika ahyuu ku jiraa qoraalkaad tiri asaxaabta ayaan ka caqli badnaaye adigoo nool qarni kuwii ugu sharka badnaa ilaahow sahal nimankan yayna ku aakhiro seejin wsc wr wb

  11. Dooyaale says:

    Maxaa Culumada Islaamka loogo Safaadaa ??

    Imaam Axmed ayaa Nacladay Shabaab !!

    Iyo Imaamu Shaafici oo Aamusiyay !!

    Cajiib Maxaa lagaaga Maqli la’yahay ??
    AMISOM = Uganda , Burundi , Jabuuti , Kenya , Ethopia (PLUS) America , UK , Israel , France , China , Norway

    Gaalo madoowga Xasuuqa ayay Qaabilsanyihiin , Gaalo cadaankaana waa u wakiilo , Allaan kugu Dhaarshay Saahidoow ilaa hadda waxaad saarantahay Shabaab weli wax Gaaladaa ku lidi ama Wadinimo aad Dalkaaga u muujinee maxaan kaaga maqli la\nahay .

  12. Samo Doon says:

    Biyo-dhaca ujeedkaada waxan Sheekhoow u gartey in aad Soomaalida ugu baaqeeyso in ay ogolaadaan isku dhiibista caddowga duulaanka ku ah naftooda, diintooda iyo dalkooda bacdamaa ay kugu jirto in laga awood roon yahay isla markaana ay la coloobaan kuwo yare iyaga ka mid ahe u istaaga difaacooda. Shaqsi naftiisa badbaadsanaya oo caddow gacanta u galay sida ay xigashadaadu ku war-wareeegaysay iyo waxa aad is bar bar dhigeeysaa malaayiin qofood oo awood u leh in ay ka dhiidhiyaan dulanka loogu bareeray. Ma waxaad leedahay waa wax ay diintu ogoshahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ogolaadaan in la duleeysto oo dhiigooda iyo heytooda la xalaashada, dumarkooda suuqyada lagu jufsado, culumadooda masaajidda lagu gowraco sida ay Xabashidu ka sameeysay Muqdishu? Waxad caqligaaga rabtaa inaan inaga dhaadhiciso niman magac Soomaaliyeed wata oo iyagoo xor ah oo aaney jiran cid qasabtay balse shisheeya caddow u ah ummadda Soomaaliyeed ka caado qaatey kuna magacaabay in ay dowlad u yihiin Soomaaliya kana aqbalay in lagu fushada dano guracan sida wareejinta dhul badeed baaxad leh oo Soomaaliyeed in ay dadka noocaasa yihiin mu’miniin gaalo ka magan galay mu’miniin kale! War xaggeed ku aragtay xurriyad iyo madax banaani lagu hantay madax dhiibasho iyo “i hooyoo adigaa i leh”? Dhibaatada Soomaaliya heysata waxa u sabab ah kuwa iyaga oo xor ah ka aqbalay caddow Soomaaliyeed in ay in ay qeyb ka noqdaan hagardaamada umadda ay ku nasab sheegtaan iyo waliba kuwa ugu qiil dayayo ujeedooyinkooda guracan oo ku tilmaamamya ineey yihiin mu’miin oo sidaasi ineey yeelaan ay u geeysay baqdin ay u baqeen naftooda. Waa sidaa oo aan la barxin waxa aad rabto inaad ummadda u sheegto.

    Inta badan warbaahinta reer Galbeedka iyo kuwa gacan saarka la leh ayaa marka ay ka hadlayaan nimankaa aad ku tilmaantay inay ku qaldan yihiin difaaca dadkooda, diintooda iyo dalkooda waxa ay isticmaalaan oraahda ah “Al-Qaida-linked group” balse waxa la yaab leh in adiga Sheekha aad ku hadasho afkooda. War bal ninyahow ma is weeydiisay bal inuu jiro xirrir ka dhaxeeya Al Shababa iyo Al Qaidada la sheego, haddiise uu jiro goormuu soo bilowday maxaase sababay heer inteese la eg ayuu gaar siisan yahay. Haddii anaad ogeeyn bal aan ku caawiyee iga qor. Al Shabab waxa uu Maraykanku ku daray liiskiisa madow kuwa uu ugu yeero argagixsada. Sababta uu sidaa u yeelayna waxa weeyaan in Soomalida uu u lug qabto Itoobiya oo Muqdisho iyo hareeraheeda oo kaliya sida ay qortay Amnesty International ku dishay lix iyo taban kun oo Soomaali shibil ah, ku kufsatay gabdho tiradooda aan la koobin kuna burburisay ama boobtay todobaatan boqolkiiba wixii mood maqaalada yaalay. Waxa arrinkaa ka dhiidhiyey oo ogolaaday inay xabadi ugu dhacdo sambabkooda iyo wadnahooda qasbeyna aakhirkii inay quusiyaan Xabashida waxa uu uncle Sam u arkey iney yihiin qolaadaa aad collaada u heeyso sidaasi ayayna ku muteen in la galiyo liiska madoow iyada oo waliba Xabashiyi wali xasuuq arxan lahaan ay Muqdisho ka waddo. Ka hor inta aan la galin liiskaasi, Al Shabaab waxa ay in badan diiday eedeymaha kaga imaananyay Mareeykanku iyo xulafadiisa. Maxayse Al Sahabaab samaysay kaddib markii lagu shaabadeeyey waxa loogu yeero argagixisanimo? Ma waxa ay yiraahdeen waxanu ku biireeynaa Al Qaida? Jawaabta su’aashaa waxa kuu sheegaya Amy Goodman oo ka tirtan warbaahinta Democracy Now ee ka daalaco halkan: http://www.youtube.com/watch?v=Bt6n7Eo4DLc.

    Soomaali wax uun ku raaacsan Al Shabab waxan u maleeynayaa in ay kula garasho yaryahaye, bal mar kana aan kula wadaago gaal in badan oo Soomaali ah daacadda uga dhow aqoonna ka badan waxa uu Al Shabab ka yiri. Gaalku waa Dr Grant Dawson oo agaasime ku xigeen ka Machadka David Davies Memorial ee Culuunta Caalamiga ah ee ka tirtan Waaxda Siyaadadaha Caalimaga ah ee Jaamcadda Aberystwyth ee gobola Wales ee dalka Ingiriiska. Waxa uu gaalku ka yiri Al Shabab, bal halkan ka daalaco: http://www.walesonline.co.uk/news/wales-news/2011/12/13/terror-group-somalia-s-only-hope-for-peace-and-stability-91466-29942080/#ixzz1hpCSaIwQ http://www.walesonline.co.uk/news/wales-news/2011/12/13/terror-group-somalia-s-only-hope-for-peace-and-stability-91466-29942080/#ixzz1hSqRv9kg.