Home » Warar »

Musharixii u Horreeyay ee Jagada Guddomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Isa Soo Sharaxay

Xildhibaan Shiikh Nuur Cali Aadan oo ka mid ah xildhibanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa noqday Musharixii u horeeyay oo shaaciyay inuu isu soo taagayo Jagada Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo maanta Magaalada Muqdisho Saxaafadda kula hadlay ayaa ka war bixiyay waxyaabaha uu qaban doono haddii uu noqdo oo loo doorto Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya.

Xildhibaan Nuur ayaa sheegey inuu meesha ka saarayo khiaalfkaadka soo noq noqda ee xubnaha baarlamanka isla markaana uu soo celinayo sumcaddii uu Baarlamanka Soomaaliyeed lahaa.

Shiikh Nuur Cali Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in sababaha ku dhaliyay in xiligan uu jagadaas isu soo taago ay tahay isagoo arkay Barlamaankii oo meel Mugddi ah lagu sii hoggaaminayo taasoo uu sheegey in ka dhiidhiyay isla markaana isu arkay inuu yahay xiligan Nin xilkaas qaban kara.

Xildhibaanka oo sii hadlay ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto xilkaas inuu ka shaqayn doono sidii Xildhibaanada dhibaatooyinka dhaqaale yeri ay haysato uu arrintaa ka saari doono isla markaana uu abuuri doono jawi midkan ka bedelan.

Ugu danabayntii ayuu Musharaxan ka codsaday Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya in ay siyaan codkooda si uu u samata bixiyo Baarlamanka oo haatan kala jabsan ama kala qaybsan.

Musharaxan maanta isu soo taagay xilkaas ayaa waxaa uu noqonayaa kii u horeeyay oo xilkaa isu soo taaga iyadoo Gudiga qaban qaabada Doorashada xubno u hadlayna ay sheegeen in ay jiraan illaa lix musharax oo kale oo doonaya in ay xilkaas u tartamaan.

Xildhibaanadii xilka ka qaaday Guddoomiyihii Barlamanka ayaa waxa ay wadaan abaabul ay ku sheegeen in soo dooranayaan Ninkii bedeli lahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan oo mudaba xilkiisa lagu muransanaa.

Si kastaba xildhibanada doonaya in ay u tartamaan xilka guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxa uu imaanayaa xilli uu Shariif Xasan ku adkaysanayo in isagu uu yahay Guddoomiyaha Sharciga ah isla markaana xildhibanada arrimaha wada ay u hoggaansamaan Heshiiskii Kambala ee dhigayay inaan wax mooshin ah laga keeni karin Mudada sanadka ah Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiska Kampala ee loo yaqaan Kampala Accord (9-kii June 2011) waxa uu dhigayaa in madaxda DFKMG laga keeni karo Mooshin.

Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Musharixii u Horreeyay ee Jagada Guddomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Isa Soo Sharaxay "

  1. muwaadin says:

    waxaan la yaabanahay ayaandarada somalia haysata waxaanu soo marnay xili hogaamiye kooxeed waxaa inoo xigay xili maxkamado waxaa noo sii xigay xiligii itoobiyaan-ka hadeer waxay maraysaa xiligii shariifyaal somaaha
    allaa u maqan somalia