Home » Warar »

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta booqday dhaawacyadii dadkii wax ku noqday dhacdadii shalay

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aaneey waxba ka hakran doonin dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay shilkii gaari ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay dhibaato xoog leh ka soo gaartay taageerayaashii ciyaartooyda degmada Wadjir.

kadib kormeer uu maanta ku tagay mudane Maxamuud Axmed nuur Tarsan Cisbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyo gaaraya ilaa 30 ruux oo ay shalay galinkii dambe waxyeelo ka soo gaartay shil gaari oo ka dhacay waddada Maka Al mukarma.

Guddoomiyaha gobalka ayaa mid mid u gacan qaaday bukaannada Cisbitaalka gaar ahaan dhaawacyada shalay ay waxyeeladu ka soo gaartay shilka gaari oo u badnaa rag dhalin yaro ah qaarkoodna waaxay xubnoohii muhiimka ah waxa uuna Maxamuud Axmed nur Tarsan duqa Muqdisho alla uga baryay caafimaad dag dag ah.

Waxaa sidoo kale agaasimaha isbitalka Madiina Dr. Maxamed Yuusf ka warbixiyay xaaladda bukaannada dadki ku waxyeeloobay shilka gaari waxa uuna sheegay in dadka intooda badan in ay jaban yihiin isagoo sheegay bukaannada ugu liitay oo gaarayay ilaa 4 ruux ay xalay ku geeriyoodeen isbitaalka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed nuur Tarsan ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii shalay galinki dambe ku geeriyooday shilka gaari waxa uuna tilmaamay in maamulka gobalku uu caawin doono dhaawacyadan inti awoodiisa ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii dhacdadani ay dhacday waxa uu tacsi tiiraanyo leh qalabka warbaahinta ay umariyeen dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho musiibadaasi.

Mohamed Yusuf

Press Officer office of the Mogadishu Mayor,

Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.