Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqday Maxjaro ku yaala Bosaaso iyo Jaamacadda Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG soo gaaray Bosaaso kadib safar dhanka dhulka ah oo uu kaga soo ambabaxay Garowe

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah saaka aroortii kaga soo ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa galabta soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wefdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo isaguna ku wehlinayay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka dhulka, waxaana sidoo kale wefdiga R/wasaaraha ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise, R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, wasiir kuxigeenka Warfaafinta, xildhibaano uu ka mid ahaa Prof. C/risaaq Jurrile, Marwada R.wasaaraha Drs. Hodan Ciise iyo wasiiro ka tirsan Puntland.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Safarkan oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa waxaa ugu horeyntii wefdiga R.wasaaraha si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho halkaasoo boqolaal arday ah, dadweyne fara badan iyo maamulka degmadaasi Qardho ay si diiran ugu soo dhoweeyeen, waxaana R.wasaaraha iyo madaxweyne Faroole ay kulan ballaaran la qaateen waxgaradka, odayaasha iyo maamulka degmadaasi Qardho iyaga oo halkaasina ay ku soo bandhigeen dadka degmadaasi baahiyaha ay doonayaan in si deg deg ah waxlooga qabto waxayna si gaar ah u codsadeen in laga hirgeliyo degmada Jaamacad maadaama ayay yiraahdeen ay kumanaan arday ah ay ka qalinjebiyeen dugsiyada isla markaana aysan jirin wax Jaamacad ah oo ka dhigsan degmada iyo nawaaxigeeda.

R.wasaare Dr. Cabdiweli oo codsiga reer Qardho ka jawaabayay ayaa balan qaaday isaga iyo marwadiisaba inay qeyb ka qaadan doonaan yabooha ugu horeeya ee dhismaha Jaamacadda “Sida aad la socotaana aniga iyo marwadeyda waxaan nahay macalimiin Jaamacado wax ka dhiga, waana garaneynaa muhiimada waxbarashada iyo iyo weliba Jaamacad, waxaana hortiina ka balan qaadayaa inaan qeybta ugu horeysa ka qaadan doono dhismaha Jaamacadda, balse adinkana haddii aad tihiin reer Qardho waa in ganacstadiina, waxgaradkiina iyo dadka waxheystaba inay qeyb ka qaataan dhismaha Jaamacadda sababtoo ah waxay wax u tareysaa caruurtiina” ayuu yiri R.wasaaraha oo dhanka kale u balan qaaday inuu ka caawin doono magaalada dhanka biyaha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan labadiisa kuxigeen iyo madaxweynaha dowladda Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay tuulada Carmo oo ah Jaamacad lagu tababaro saraakiisha iy ociidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey dadweyne badan oo ruxayay caleemo qoyan.

Mar uu la hadlayay saraakiisha Booliska iyo dadka degaanka Carmo ayuu wax lala yaabo ku tilmaamay in iyada oo ay dhisantahay xaruntan tababarka ciidanka haddana bulshada caalamku ay dibaddaha ugu soo tababaraan dowladda ciidamo taasoo uu ku tilmaamay wax aan loo baahneyn isla markaana wuxuu bogaadiyay in xeryaha ciidamada ee gudaha dalka lagu qabto tababarka taasoo ka dhaqaale iyo juhdi yar.

Ugu dambeyntiina R.wasaaraha ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey afaafka hore ee magaalada Bosaaso halkaasoo ay ku sugayeen boqolaal dadweyne ah kuwaasoo lulalayay caleemo qoyan, boorar ay ku qoran yihiin R.wasaare soo dhowoow iyo weliba sawirada R.wasaaraha iyo madaxweyne Faroole.

R.wasaaraha ayaa salaamay odayaashii, waxgaradkii, maamulka degmada iyo saraakiishii ciidanka ee halkaasi ku soo dhoweeyey waxaana loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Bosaaso halkaasoo caawa uu ku hoyanayo.

Dhinaca kale, inta uu joogo R.wasaaruhu magaalada Bosaaso ayaa waxaa la filayaa inuu booqdo goobo kala duwan isla markaan uu kulamo la qaato odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada gobolka.


Dec 28, 2011: Warbixin labaad ee Booqashii Dekedda iy Garoonka Boosaaso

Halkan ka daawo sawiro kale oo kamid ah booqashada

Bosaaso, December 28, 2011—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqasho ku tegay qeybo ka mid ah magaalada Bosaaso, isaga oo ugu horeyn soo kormeeray Dekedda magaalada Bosaaso oo ay ka socotay howlo baaxad leh, Isbitaalka Bender Qasim, Garoonka Diyaaraddaha iyo weliba xarun lagu tababaro ciidamada oo ku taala duleedka magaalada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kormeeradiisan ku wehlinayay labadiisa Ra’iisul Wasaare kuxigeen Xuseen Carab Ciise iyo C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo weliba madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole, waxayna wefdigan u kuurgaleen xaaladdaha Dekedda iyo sida ay howluhu u soconayaan iyaga oo dul koray mid ka mid ah maraakiibtii ku xirneyd dekedda oo xilligaasi laga dejinayay qalab kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha dekedda Bosaaso ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Dekeddu 20 sano kadib ay shaqeyneyso inkastoo uu sheegay inay u baahantahay dayactir isaga oo intaasi kadibna u sii gudbay suuqa Bosaaso gaar ahaana goobtii uu halakeeyey dabka wuxuuna r/wasaaruhu aad ula yaabay baaxada dabka iyo sida uu u baabi’iyay guryaha.

“Runtii waxa marka lagaaga sheekeeyo iyo marka aad dul istaagto waa kala duwantahay waxaana ii muuqaneysa in hanta badan ay kiu baaba’day, waxaana dhankeena ka dowlad ahaan ku dadaaleynaa sidii aan uga qeyb qaadan laheyn caawinta dadkan” ayuu yiri R/wasaare Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday isbitalka Bandar Qaasim kaasoo dhowaantan laga dhisay magaalada Bosaaso wuxuuna kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Isbitalka waxayna maamulka Isbitaalku ka codsadeen in dowladda Federaalku ay ka taageerto Isbitaalka dhanka qalabka caafimaadka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xero lagu tababaro ciidamada Badda ee Puntland taasoo ku taala duleedka magaalada halkaasoo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu kormeeray qeybo ka tirsan xeradaasi.

—-Dhamaad—-
Dec 29, 2011: Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday Maxjaro ku yaala Bosaaso iyo Jaamacadda Bariga Afrika

Halkan ka daawo Sawirada Maxjarka iyo Jaamacada Boosaaso

Bosaaso, Khamiis, December 29, 2011——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay muddooyinkii ugu dambeeyeyna booqasho ku marayay qeybo ka tirsan degaanada Puntland ayaa waxaa maanta uu kormeeray Jaamacada magaalada Bosaaso iyo weliba Maxjaro ku yaala duleedka magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan labadiisa kuxigeen, xildhibaano iyo madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole ayaa kormeerkoodan ka bilaabay Maxjaro waaweyn oo ku yaala duleedka magaalada halkaasoo laga dhoofiyo xoolaha nool kuwaasoo isugu jira Geel, Lo’, iyo Ari iyadoo ganacsigani uu yahay halbowlaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu aad ugu ammaanay ganacsatada reer Puntland horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha degaanadan balse R.wasaare Cabdiweli waxa uu kula dardaarmay inay horumariyaan bulshada ku nool degaanada oo ay u abuuraan barnaamijyo waxbarasho iyo shaqo si loo helo jawi degan oo uu ganacsigu ku sii socdo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisu waxa ay u sii gudbeen Jaamacadda Bariga Afrika oo ah jaamacadii ugu horeysay ee laga hirgeliyo degaanada Puntland isla markaaana ah Jaamacadda ugu ballaaran degaanadan, wuxuuna halkaasi kula kulmay maamulka iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda oo isugu jiray rag iyo dumar.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku ammaanay aas aasayaashii Jaamacadda Bariga Afrika inay ahaayeen halyeeyo taariikhdu xusi doonto wuxuuna tulmaan u soo qaatay Alle ha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay kooxo aan la garaneyn ku dileen magaalada Bosaaso, wuxuuna ka codsaday maamulka inay u sameeyaan goob lagu xusuusto ama qeyb ka mid ah Jaamacadda inay ugu magac daraan si jiilka dambe ay u xusuustaan.

“Aniga waxbarashadu muhiimad gaar ah ayay ii leedahay mar kastana waxaan ku dadaalaa sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka, waxaana maanta hortiina ka balan qaadayaa in shaqsiyan aniga iyo xaaskeyga Hodan aan bixin doono sanad kasta kharashka 5 arday” ayuu yiri R/wasaaraha oo u balan qaaday sidoo kale maamulka inuu ka taageeri doono wixii xiriirka caalamiga ah si loo fududeeyo wadashaqeynta iyo ictiraafka Jaamacaddaha caalamka iyo Jaamacadda Bariga Afrika.

Garad Salad Hersi,Bosaaso-Puntland

Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.