Home » News »

Baaq beesha Leelkase ay ka soo saartay dilkii Dr. Axmed Xaaji

Salaaddii casar ka dib ayaa lagu qabtay guriga ugaaska beesha Leelkase ee magaalada Galdogob kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen Isimada, cuqaasha, aqoonyahanka, culuma’udiinka, ganacsatada, dumarka, dhallinyarada iyo warbaahinta. Waxaana ugu horrayn goobta laga akhriyey bayaan ka kooban sagaal qodob oo beeshu ku soo bandhigtay natiijadii baaritaankii ay ka samaysay dilkii loo gaystay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan iyo mawqifkeeda arrintaas ku aadan.
Intaa ka dib waxaa golaha ka hadlay Ugaaska guud ee Beesha Leelkase Ugaas Cali Ugaas Maxamed, Afhayeenka Ugaaska Sh. Ibraahim Xirsi Axmed iyo tiro nabadoono ah. Bayaankuna wuxuu u qornaa sidan:

بسم الله الرحمن الرحيم
30/12/2011

Bayaan beesha Leelkase ee ku aadan Dilkii Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya waxaa maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 10/01/1433 oo ku beegan 05/12/2011 lagu dilay magaalada Boosaaso asaga oo sooman maalita Caashuuraa oo soo tukaday Salaadda subax meel u dhaxaysa Masaajidka Xassan bin Cali iyo Gurigiisa, sheekhu wuxuu maalmo ka hor ka yimid Xajka.
Beesha Leelkase waxay ka soo saartay dilkaas foosha xun bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

1) Beeshu waxay uga tacsiyaynaysaa ummadda Soomaaliyeed dilkii foosha xumaa fuleynimadana ahaa ee loo geystay Dr. Sh/ Axmed Xaaji C/raxmaan, (Allaha u naxariisto) waxayna uga mahadcelinaysaa gurmadkii, garab istaagii iyo ducadii aan kala harka lahayn ee ay geysteen.

2) Maamlintii Sheekha la dilay isla goobta duugta waxaa ka hadlay Dawladda Puntland iyo culumada labadubana waxay ku eedeeyeen dilkan ururka Al-shabaab, arintaas beeshu waxay u aragtay qodob lagu degdegay waxayna goa’aansatay inay beeshu samaysato guddi baaritaan oo madax banaan.

3) Guddigu wuxuu baaritaan iyo dabagal dheer ku sameeyay cid kasta oo la tuhmi karo ama raad gali karo iyaga oo kaashanaya dadyaw kala duwan oo la biday inay wax ku biirin karaan baritaankan. Dadkaas oo kala jooga koonfurta Soomaaliya iyo waqooyigeeda, Si xaqiiqada loo gaarana baaritaanka waxaa la siiyey waqti ku filan. Ilaahay fadligii baaritaankii beeshu sida samirka iyo kaadsiiyaha leh u samaysay wuxuu ku dhamaaday guul.

4) Sheekhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed ku dhex lahaa dad fara badan oo aad u jecel oo ay ka mid yihiin rag ay wax wada barteen, rag wax ka bartay, qaraabo iyo asxaab kale oo fara badan oo aad uga wada murugooday dilkiisa. Dadkaas meel ay joogaanba waxay isku taxallujiyeen, kana qaybqaateen sidii loo aqoonsan lahaa dadkii sheekha dilay, loona soo qaban lahaa, Allaah ha ka abaalmariyo dadaalkoodii.

5) Beesha Leelkase iyada oo shirqoolka Dr. Sh/ Axmed ku ahaa nabar aad u xanuun badan oo lama filaan ah, haddana waxay go’aansatay in ay is xakamayso, wax tillaabo ahna aysan qaadin ilaa ciddii fal dambiyeedkaas gaysatay laga helayo, waxayna ku dhaqaaqday siday arrintaas uga sal-gaari lahayd iyada oo Ilaahay la kaashanaysa waxayna beeshu hubsatay cidda Sheekha dishay iyada oo aan qadaf iyo xad-gudub kale midna ka dhicin.

6) Beesha Leelkase waxay u caddaynaysaa ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan in dilkii dulmiga iyo bareerka ahaa ee loo gaystay Dr. Sh/ Axmed Xaaji C/raxmaan ay fulisey, kana dambaysey Xarakada Al-Shabaabul Al-mujaahidiin, gaarahaan garabkaAmniyaadka ee madaxda u yahay Axmed Cabdi Godane.

7) Beesha Leelkase waxay go’aan wadajir ah ku gaartay in aysan dulmiga lagu dilay Dr. Sh/ Axmed Xaaji kaga jawaabin dulmi kale ee ay aqbasho, kuna raalli noqoto wixii Shareecada Islaamku ku xukunto dadkii maleegay dilka Sheekha, kuwii diley iyo kuwii ku caawiyeyba.

8) Beeshu waxay u mahad celinaysaa cid kasta oo ka qayb qaadatay baarista iyo qabashada dambiilayaasha, waxayna ka codsanaysaa ciddii taageero ka gaysan karta qabashada dambiilayaasha dhiman inay arrintaas ka caawiyaan.

9) Ugu dambeyntii Hogaanka Ururka al-shabaab beeshu waxay ka sugeysaa jawaab cad oo ku aadan falka ay geysteen.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Saxiixa Ugaaska,salaadiinta iyo cuqaasha beesha Leelkase

1. Ugaas Cali Ugaas Maxamed _______________
2. Suldaan Zubeyr Maxamuud Xaaji Cali _______________
3. Sheekh Ibraahim Xirsi Axmed, Afhayeenka Ugaaska _______________
4. Suldaan Jaamac Shire Geesood _______________
5. Nabadoon Aadan Warsame Cismaan _______________
6. Nabadoon C/laahi Liibaan Cabdi Xiddig _______________
7. Nabadoon Maxamed Axmed Faarax _______________
8. Nabadoon Shaambilo Maxamuud Fiqi Faarax _______________
9. Caaqil C/casiis Ismaaciil Cilmi gurey _______________
10. Nabadoon Bashiir Xaaji Cali Isxaaq _______________
11. Nabdoon Axmed Cigaal Badhawo _______________
12. Nabadoon Bashiir Xuseen Cumar (Bashir Carab) _______________
13. Nabadoon Axmed Nuur Sheekh Xassan Nuux _______________
14. Caaqil Maxamuud Yuusuf Muuse _______________
15. Nabadoon Cismaan Maxamuud Takar _______________
16. Nabadoon Xuseen Axmed Af-cad _______________
17. Caaqil Sheekh Ibraahim Sheekh Axmed _______________
18. Nabadoon Sicciid Faarax NuuxCawdgale
19. C/rasiid MaxamedFaarax (Garawaan)
20. Maxamuud Axmed Maxamed (Ilkadheere).
21. Nabdoon C/laahi Jaamac Roorshe

Wabillahi Tawfiiq,,,

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.