Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Guluf ugu Jira ku Qancinta in ay Go’aankoodii Ka Laabtaan Xildhibaanadii Xilka Ka Qaaday Shariif Xasan.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soo maaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa wada dadaal uu ku doonayo inuu ku qaboojiyo Xiisadda ka dhex aloosan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maalinimadii shalay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaano ka tirsan kuwii dhawaan xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamanka.

Illaa Toban Xildhibaan oo Guddi ahaan ay isaga soo saareen Xildhibaanadaas ayaa maalinimadii shalay madaxweynaha kula shiray Xafiiskiisa Xarunta Villa Soomaaliya kuwaasoo uu kala hadlay sidii ay uga laaban lahaayeen Go’aankii ay xilka uga qaadeen Guddoomiyaha.

Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa xildhibaanadaas u sheegay in xiligan aan loo baahnayn Khilaaf mar kale hareeya Baarlamanka isagoona u jeediyay in la dhowro midnimada Baarlamanka.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaan wax hadal ah ka soo bixin ha yeeshee xubno ka tirsan Mudanayaashii kulankaas ka qayb galay oo magacooda diiday in la adeegsado ayaa sheegay in gebi ahaanba arrimihii uu madaxweynaha soo hor dhigay ay ku gacan seeyreen.

Xildhibaanadan ayaa intaa ku daray in aysan marnaba ka laabanayn go’aanka ay gaareen ee ah in Shariif xasan uu meesha ka baxo islamrkaana loo hogaansamo Xil ka qaadistii 12 Bishaan ay xilka uga qaadeen Shariif Xasan .

Ma cadda Natiijada ka soo bixi doonta iyo halka ay ku dambeyn doonto Gulufka uu Madaxweynuhu ugu jiro sidii uu xildhibaanadaasi ugu qancin lahaa in ay ka laabtaan Go’aankii ay hore xilka uga xayuubiyeen Shariif Xasan.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa 14 Bishaan waxaa Warqad u direy Beesha Caalamka oo uu ku sheegey in haddii aan deg deg loo soo faragelin Xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka ay keeni doonto in ay sii korodho dhibaatada Soomaaliya

Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanadaasi aan gabasho lahayn ay u sheegeen in ay wadaan qaban qaabada Gudigii Doorashada taasoo ay Iclaaniyeen in labada Bisha soo socota ee Janaayo ay dhici doonto Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.