Home » Warar »

Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG oo Ku Gacan Sayrey Hadaladii ka soo Yeeray Shariif Xasan

Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG oo Shir ay Ku Yeesheen Muqdisho ayaa Ku Gacan Sayrey Hadaladii ka soo Yeeray Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Xildhibaanaddii dhawaan Xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG Soomaaliya oo maanta (Isniin) kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa falanqeeyay hadaladii shalay ka soo yeeray Shariif Xasan ee ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanku ay dib ugu laabtaan Beelahooda kalsoonina soo weeydiistaan si ay uga mid noqdaan Baarlamanka cusub.

Kulankan oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa sida warar ku dhow dhow kulankaas laga helayo waxa ay sheegayaan in ajandhaha ugu ballaaran ee uu shirka maanta diiradda uu saarayo ay tahay in Shariif Xasan uusan Barlamanku kala diri karin hadalkii shalay ka soo yeerayna uu yahay mid shakhsiyaddiisa ah.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay ka doodayaan in gebi ahaanba uusan Shariif Xasan xiligan matalin Baarlamanka isla markaana uu yahay xildhibaan caadi ah sidaa darteedna uusan awood u lahayn inuu hadalo ka soo saaro arrimaha Barlamanka.

Xildhibaanada oo uu weli kulankoodu soconayo ayaa gebi ahaanba waxa ay diidan yihiin in Shariif Xasan uu yahay Guddoomiyaha Baarlamanka isla markaana hadalada ka soo yeeray ee ah in xildhibaanadu ay dib ugu noqdaan Odoyaashooda si ay dib ugu soo laabtaan Barlamanka uu yahay war uu iska yiri.

Shalay ayay ahayd markii shariif Xasan uu u sheegay Xildhibaanada in ay dib ugu laabtaan Beelahooda kalsoonina soo weeydiistaan si ay uga mid noqdaan Baarlamanka cusub ee la filayo in kal danbe (June 2012) la magacabo sida ku cad heshiiskii Garoowe.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.