Home » Warar »

Abuukar Badri “Haddii Bahda Warbaahinta waxaa Dhigi doonaa Banaanbax la mid ah kii ka dhacay Fagaaraha Taxriir hadii aan Dowladda Cabashadeena Dhageysan”

Tan iyo markii dilka loo gaystey Wariye Cabdisalaan Xiis Todobaadkii hore waxaa jiray Cabashooyin ka soo yeerayay Bahda Saxaafadda ka hawl gasha Magaalad a Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Shalay ayay saxafiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho waxa ay dibad bax cabasha ah ay ka sameeyaan afaafka Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.,Sarkaal ka tirsan qaybta Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha oo saxafiyiintii shalay kula hadlay dibadda Madaxtooyada ayaa u sheegay in Madaxweynuhu aqbalay in maanta tobanka subaxnimo uu qaabilo saxafiyiinta si uu u dhagaysto Cabashadooda.

Kulanka oo la filayay in uu maanta qabsoomo afarta saac ama Tobanka Subaxnimo ayaan suurtoobin isla markaana dib u dhacay illaa xilli aan la magacaabin. Saxafiyiinta badankooda oo goor hore oo saaka ah isku diyaariyay Xarunta Guriga Haweenka ayaa goor danbe loo sheegey in kulankaasi uu baaqday isla markaana mar kale uu dhici doono.

Abuujar Al Badri oo ka mid ah Gudiga qaban qaabada kulanka Madaxweynaha iyo saxaafadda ayaa sheegey in ay weli ku taagan yihiin in dawladda Federaalka Soomaaliya ay jawaab cad ka bixiso Ninkii Dilay Wariye Cabdisalaan Xiis.
Al Badri ayaa hoosta ka xarriiqay in iyagu aysan hubaysaneyn isla markaana ay dhigayaan Banaanbax la mid ah kii ka dhacay Fagaaraha Taxriir ee dalka Masar waa siduu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale waxaa saxaafadda la hadashay Xamdi oo ka tirsan TV.ga Horn-Cable Xafiiskiisa Muqdisho iyadoona sheegtay in ay sii wadayaan banaanbaxyadii ay ku doonayeen in cadaaladda la hor keeno ciddii ka danbaysey Dilka Saxafigii Xiis oo ka mid ah bahda saxaafadda Muqdisho.

Bahda Saxaafadda ayaa waxa ay si aad ah u dalbanayaan in Cadaaladda la hor keeno Dembiilihii gaystay Dilka weriyahaas oo si weyn loga xumaaday ka gadaal markii la sheegay in Ruuxa Dilka gaystay uu gashanaa Direyska Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya kaasoo dharaar Cad Wariyaha ku Toogtay Degmada Xamar Jab Jab ee magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.