Home » Warar »

Bahda Warbaahinta Muqdisha Ka Hawl Gasha oo Dibad Bax Cabasha ah Ka Sameeyey Xarunta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Banaanbax si wanaagsan loo soo abaabulay oo ay ka qayb qaadanayeen qayabaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisha ka hawl gasha ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wariyayaashan oo tiradoodu boqolaal gaaraysey ayaa socod dheer ku soo maray wadada Maka al Mukarama iyagoona sitay Boorar ay dawladda Federaalka kaga codsanayaan in caddaaladda la hor keeno Gacan ku dhiiglihii Todobaadkii Dilka u gaystay Alle ha u Naxariistee cabdi silaan Xiis oo ka mid ahaa bahda warbaahinta Muqdisha.

Wariyayaashan oo gabdho iyo wiilal isugu jiray ayaa sidoo kale waxa ay wateen maryo cad cad iyo maryo Gaduudan oo ay madax ku duubteen taasoo ay ku muujinayaan dhiigga Wariyaha iyo sida macna darada ah ee loo daadinayo.

Ugu danabayntii ayaa saxafiyiintaasi waxaa ay ku soo Urureen Xarunta Madaxtooyada iyagoona wada fariistay Laamiga hor mara Xarunta Madaxtooyada meel qorax ah kuwaasoo muujinayay dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin wax ka qabasho la’aanta Dilkii Wariyihii dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Wariyayaashaas ayaa sheegayay in ay maqleen warar la isla dhex marayo oo sheegaya in la sii daayay Ninkii dhawaan loo soo qabtay inuu Dilkaas ka danbeeyay, waxayna Saxafiyiintu sheegayeen in ay Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ka rabaan inuu arrintaas si cad uga hadlo isla markaana uu qeexo arrimaha Ninkii dilka u gaystey Saxafiyiinta.

In kastoo wariyayaashii maanta soo dibad baxay aan loo ogolaan in ay gudaha u galaan Xarunta Madaxtooyada ayaa haddana waxaa markii dambe u yimid Sarkaal ka tirsan Waaxda Warfaafinta Xafiiska Mdaxweynaha oo u sheegey in saxifiyiinta in fariin uu uga wado Maxadweyne Shiikh Shariif oo ah in maalinta berii haddii eebe idmo ay la kulmi doonaan Madaxweynaha islamarkana wuxuu sarkaalkaas sheegey in Madaxweynaha uu ka codsadey in ay Shaqooyinkooda kala aadaan taasoo ay si aad ah u so dhaweeyeen bahda Warfaafinta
.
Saxaafiyiintan ayaa intaa ku daraya in haddii wax jawaab ah ay ka waayaan Madaxweynaha ay cabashadooda u sheegi doonaan Dadweynaha Soomaaliyeed kana codsan doonaan inaan waxba looga qaban Dilkii Wariyaha la dilay taasina ay tahay arrin Caddaalad darra ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.