Home » Warar »

Xildhibaan Casoowe ayaa ku gacan sayray go’aankii Wasiirka Amnigu ku xiray Baarlamaanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga DKMG oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in muddo afar (4) toddobaad ah la xiray kalfadhigii baarlamaanka, waqtigaas 4ta asbuuc ahna la joojiyey shaqadii iyo shirarkii Barlamaanka, waxaana xukuumadda FKMG arrinta xiritaanka baarlamaanka sabab uga dhigay arrimo la xiriira ammaaanka xildhibaanada. Waxaana hadalka wasiirka markiiba ka soo horjeestey shir-guddoomiyaha ku meelgaarka ee baarlamaanka Xildhibaan Casoowe.

Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble Casoowe oo Baarlamaanka Soomaaliya dhowaan u doorteen in uu sii guddoomiyo baarlamaanka ayaa si kulul ugu gacan sayray go’aankii ka soo baxay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga ee DFKMG uu ku xiray baarlamaanka.

Xildhibaan Casoowe oo waraysi siiyey idaacadda Codka Maraykanka ayaa sheegay in rag badan oo kamid ah Xukuumadda KMG aysan garanayn qaanuunka, meesha ay xiri karaan iyo meesha ay furikaraan, waana ina y dib wax usoo bartaan ayuu yiri, isagoo intaas raaciyey “Wasiirku waa khaldamay, waxana uu ku khaldamay baarlamaankii Soomaaliya oo ah haya’dda ugu saraysa dalka, oo hayey shuruucda dalka.” Waxana uu sheegay in aan baarlamaanka la xiri karin, hawsha baarlamaankuna waa soconayaa.

Waxa kale oo Xildhibaan Casoowe sheegay in ay khalad tahay in Shariif Xasan shirka Garoowe kaga qayb gelayo wax uusan ahayn, isagoo sheeganaya guddoomiye, waayo waa laga qaaday xilka, ayuu yiri.

Dhanka kale Ururka Ahlu Sunna ayaa eedayn u jeedeyey DFKMG, kuna eedeeyey in DFKMG aysan doonayn in ay la shaqayso Ahlu sunna. Guddoomiyaha ururka Ahlu sunna ayaa sheegay in uruurkaasi uusan kaqayb gelin shirka Garoowe.

Hoos ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG oo ku saabsan shirka Garoowe


Xaflad Casho sharaf ah oo caawa lagu qabtay madaxtooyada Puntland

Halkan ka daawo sawirada

Garowe, Dec. 22.2011———-Waxaa caawa magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka dhacday xaflad casho sharaf aheyd oo loo sameeyey madaxdii iyo mas’uuliyiintii u timid si ay uga qeybgalaan shirka Wadatashiga ee Dastuurka dalka kuwaasoo ay ugu horeeyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed, Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo kuxigeenadiisa Mudane Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalim, iyo marti sharaftii kale ee isugu jirtay Wasiirada, Xildhibaanada, Bulshada Rayidka, Ahlusunna Waljamaacah, iyo wakiilada beesha caalamka, gaar ahaana UNPOS iyo IGAD.

Xafladan oo aad loo soo agaasimaya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Puntland, waxaana dhanka maaweelada iyo heesaha aad wacdaro uga muujiayay kooxda Waaberi Puntland, iyo Fanaanka Axmed Naaji Sacad oo isagu halkaasi ka qaaday heeso qiiro iyo wadaninimo ku dheehneyd.

Xafladan oo aheyd casho sharaf ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland Mr. Faroole iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed waxayna labada mas’uul si isku mid ah rajo wanaagsan uga muujiyeen miro wanaagsan oo ka soo baxa shirka heerkiisu sareeyo ee lagu qabtay Garowe lana filayo in berri la soo gabagabeeyo.

Isha: Communication Director, office of the PM

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Casoowe ayaa ku gacan sayray go’aankii Wasiirka Amnigu ku xiray Baarlamaanka "

  1. Abdirisaq says:

    Dawladda kumeelgaarka ma rafaci karto shaqada baarlamaanka haddii aanay,
    Mashaqo qaran dalka ka dhicin oo xaalad degdeg ah aan dalka la gelin, ama uusan inqilaab ka dhicin dalka ama aan duulaa dalki lagu qabsaday dhicin oo cadaw dalka u gacan gelin.intaasna ma hayno.

    Maanta dalki caadi buu u shaqaynayaa oo saddexdi awoodood ee dalka( dejinta, fulinta iyo garsoorka) dejinta ama baarlamaanka ma ahee labadi kale waa kuwaas jadwal hawleedkooda sidi caadiga ahayd u wata.

    Middi saddexaadna marki guddoomiyihi baarlamaanku quful ku jebshey baarlamaanka oo diiday in la fadhiisto, muddana xildhibaannadu meel walba geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidi loo furi lahaa lagana diiday oo ay gudomiyaha u gudbiyeen codsigooda uuna wejiga uga dhiftey kana safrey oo ku xigeenkiisa kowaad ka codsadeen inuu furo golaha uuna ka diiday intubana markhaati leeyihiin media hana laga wada daawanayay. ayna muddo ku dhawaaqayeen dhibkaas oo madaxweynaha iyo raasulwasaaraha ula tageen dhibkooda ugu dambeynna muddo ku dhawaaqayeen inay markaan furan doonaan golaha haddi aan gudoonku furin golaha ugu dambeynna ay ka dhabeeyeen.Kol hadii xildhibaannadu ka codsadeen gudoomiyaha inuusan dalka ka bixin ee xalliyo arrimaha baarlamaanka una oggolaado xildhibaanadu inay si caadi shaqadooda u qabsadaan ayna ka doodaan oo wax ka yirahdaan xaladaha degdegga ah iyo marxaladaha culus ee kala guurka ee dalku marayo o guddoomiyuhu diiday inuu dheg jalaq u siiyo.
    Xildhubaannadu marki uu guddoomiyaha baaralaamnaku isu beddelay wasiir arrimo debedeed oo kale oo gaarey inuu heshiisyo iyo go’aanno lasoo gaaro dawlado kale sidi inuu yahay raiisulwasaarihi ama wasiirki arrimaha debedda ama madaxweynihi qaranka oo kale, marki uu ka bixi waayay inuu aado shirar aan cidna u dirsan, qabto kulammo beesha caalamka aan shaqadiisa ahayn; waxaa khasab ku noqotey xildhibaannada oo aan ahayn shaqaale guddomiyahaya qandaraas ugu shaqeyya ee ah xildhibaanno qaran oo u dhaartey fulinta hawsha qaranka iyo ilaalinta nadaamka dalka. waxa ay dantu ku qasabtey inay furtaan golohoodi la qufushay, shaqadi ay qaranka u hayeenna dib u qabsadaan ayna iska hor wareejiyaan cid kasta oo hortaagnayd.
    Dawladda oo ayaduba meesha ku timid aqlabiyadda codka baarlamaanka, goob joogna u ahayd marki intaas dhacaysay ishana ku haysay habdhaqanka guddoonka, muddana ogayd qaylada baarlamaanka kasoo yeereysey maxay uga joojin weydey guddomiyaha baaralamanka shirarka uu iska aadayo oo u fari weydey inuu xalliyo dhibka baaralamanka uuna dib ugu furo baarlamaanka shaqadiisa, maxaa kallifay inay hal mar afka furato markey arkeen guddomiye ku xigeenki labaad ee baaralamaanka iyo inti badnayd xildhibaannada oo ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen guddoomiyihi.
    Ma ahayn inay hor istaagto shaqada dastuuriga ah ee baarlamaanka iyo codka aqlabiyadda baarlamaanka.
    Baaralamaanka kulankiisu ma aha sidi bannanbax oo kale ay tahay in dawladda ruqsad looga helo oo 72 saac ka hor lasoo ogeysiiyo ee waa shaqo qaran oo jadwal sanadeed leh.marna lagu kala kaco oo fasax xilli leh la galo marna dib loo furo oo sanadka dhan sidaas ku socda. Masuuliyadda baarlamaanku ma aha keliya kalfadhiyada waaweyn ee waxaa jira guddiyo hoosaadyo la rabo inay joogto u shaqeyaan oo lafa guraan hawlaha baarlamaanka iyo ajendayaasha khuseya guddi kasta hawshiisa lana rabo inay yeeshaan doodo farsamo oo maalinle ah oo ka xeel dheer kuwa kalfadhiyada, mana dhici karto in guddiyadi iyo xildhibaannadi albaabka baarlamaanka laga qufusho oo shirar calami ah la iska aado ama la diido in la furo golaha oo laga diido xildhuibaanada in la shiriyo.

    Haddii guddomiyuhu rabo oo jecelyahay shaqadiisa ayada ayuu xoogga saari lahaa oo turxaan bixin lahaa halka uu wasiirka arrimaha debedda shaqadiisa isku mashquuliyey oo caalmka wareegayey.

    Waxan ka codsan lahaa xukuumadda inaysan dalka qalaaase siyaasadeed u gelin hal shaqsi ah oo hay’addiisi iyo asagi kala taaganyihiin ee waa in ay sugtaa keliya ammanka baarlamaanka oo ka qabataa keliya qofkii muran iyo qaylo iyo gacan qaad iyo hub la yimaada golaha bes ah oo sugtaa ammaanka golaha iyo xurmada xildhibaannada gudanaya xilkooda qaran, si goluhu shaqadiisa habsami ugu qabsado una guto xilka qaran ee loo igmaday.
    Haddii guddomiyuhu uusan ku qanacsanayn xilka qaadista waa inuu dacwadiisa oo qoraal ah u gudbistaa maxkamadda sare kana warsugaa inta ay go’aan ka gaareyso.