Home » Warar »

Shirkii Garowe oo furmay iyo Shariif Xasan oo kaga qayb galay “Guddoomiyaha” Baarlamaanka DFKMG

DFKMG oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Furitaankii Shirka Garoowe – 

“Shirkan oo daba socda shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho 4-6 bishii October kaasoo loogu magac daray shirka Wadatashiga Soomaaliya” waxaa warsaxaafadeedka hoose ka soo saaray DFKMG…

Shirkii Garowe oo furmay iyo madaxda dowladda oo khudbado ka jeediyay

Garowe, Arboco, December 21,2011———Shirkii looga arrinsanayay ee Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay caasimadda Dowlad goboleedka Puntland kaasoo ay ka soo qeybgaleen madaxda ugu sareysa dalka iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, iyo sidoo kale wakiilo ka socday Ahlusunna Waljamaacah, Bulshada Rayidka, IGAD iyo Q/midoobay.

Halkan ka daawo Sawirada Shirka Garoowe

Shirkan oo daba socda shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho 4-6 bishii October kaasoo loogu magac daray shirka Wadatashiga Soomaaliya ayaa waxaa furitaankiisa goob joog ka ahaa madaxweyhaha dowladda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalim, Wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. A. Mahiga iyo wakiilo ka kala socotay dowladdaha deriska la ah Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ugu horeyn khudbo dheer ka jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Faroole isaga oo ku dheeraaday taariikhdii aas aaska Puntland, marxaladdaha dalku soo maray iyo weliba muhiimada shirka maanta ka furmay xarunta maamulka Puntland ee Garowe wuxuuna xusay inuu ka rajeynayo inay ka soo baxaan miro wanaagsan oo waxtarna u leh shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo.

Sidoo kale, waxaa halkaasi kalimad bogaadin ah oo gaaban ka jeediyay wakiilka xoghayaha guud Amb. Mahiga oo uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Puntland soo dhoweynta diiran ee ay sameeyeen wuxuuna ka soo gudbiyay halkaasi cudur daar ku aadan inuu doonayo inuu u dhoofo magaalada Addis ababa halkaasoo uu sheegay inuu ka furmayo burrito shir looga hadlayo sidii loo fidin lahaa loona gaarsiin lahaa howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM, kaasoo uu sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Mahiga wuxuu sheegay inuu saddex qodob oo dardaaran ah ka wado xoghayaha guud ee Q/midoobay Mr. Bankimoon kuwaasoo kala ahaa in la dhaqangeliyo Roudmap-ka, in la sameeyo Dastuur loo wada dhan yahay iyo in madaxda dowladd FKMG ah ay dhameeyaan khilafaadka dhexdooda ah.

Intaasi kadib, waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dheeraaday muhiimada shirka, fursaddaha hor yaala madaxda Soomaaliyeed iyo sidoo kale muhiimada uu dalka u leeyahay in la helo Dastuur ku yimaada wadatashi.

Khudbada R/wasaaraha oo PDF ah halkaan ka akhri.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed oo isna khudbo dhinacyo badan ka jeediyay halkaasi ayaa carabka ku adkeeyey muhiimada shirka wadatashiga ah ee Garowe, gaar ahaana kulankan maanta ee diirada lagu saarayo sameynta Dastuurka iyo turxaanibixintiisa, isagoo dhanka kalena carabka ku adkeeyey Midnimada iyo wadajirka qeybaha Soomaaliyeed.

Isha: Warsaxaafadeed DFKMG

###

Fadhigii Baarlamanka KMG oo Mar Kale Gacmaha la Isula Tegay, Isla markaana markii Dambe Af Garad Ku Soo Gaba Gaboobey

###

VIDEO: KENYA Warbixin:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.